|
|
|
|
|
Dagaal ka
dhacey Biyo Khadhaadhe oo ka tirsan Tuulada Gorayga |
Feb 05,
2007 Wararka naga spp gaadhaya Gobolka
Jigjiga ayaa sheegaya in dagaal culus ka
dhacey meesha lagu magacaabo Biyo Khadhaadhe
oo ka tirsan Tuulada Gorayga oo ka mid ah
Gobolka Jigjiga.
Dagaalkan oo dhacey bishu markey ahayd Feb
02, 2007 ayaa waxa uu dhexmaray Ciidamada
Gumeysiga Itoobiya oo ay weheliyanaan waxa
loogu yeedho "Dhidid dhowrka" ama
Dabaqoodhiga iyo Ciidamada Wadaniga Xoreynta
Ogadeniya.
Hadaba sida uu soo noo tabiyey Wariyaha
Ogaden Online ee Magaalada Jigjiga, waxaa
Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo Dhidid
Dhowrkii wada socdey laga diley 20 askari,
halka 8 askari oo kale laga dhaawacey.
--Ogaden Online News |
|
|
|
|