|
|
|
|
|
Xaalad
qalafsan oo soo foodsaartey Shacabka Magalaada Qabridahare |
Jan 18,
2007 Wariyaha Ogaden Online ee Magaalada
Qabridahare ayaa sheegaya in jaha
wareer la soo darsey shacabka Magalaada
Qabridahare.
Sida warku sheegayo maanata ayey Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya ka bilaabeen in ay
dhamaan Shaqaala, Dabaqoodhiga, Ardayda,
Ganacsatada iyo dadka shacabka ah ee
dukaamada leh ku wargaliyeen in si deg-dag
ah la isku soo duwaan galiyo.
Hadaba diwaan galintan ayaa waxa ay tahay in
uu qofkastaaba uu keeno waraaaq uu
sawirkiisu ku dhaganyahay, taas oo uu qofku
ku canbaareenayo JWXO, sawirka iyo wardaas
is wata oo ay xukumada Wayaahuhu dooneyso in
ay u adeegsato Warbaahinta, iyada oo
caalamka tuseysa in ay dadku ka soo
horjeedaan JWXO.
Ma'aha markii ugu horeysy ee ay Xuukmada
Adis Ababa isku daydey in an la timaado
qorshe cusub oo ay ku jahawareerineyso
caalamka iyo shacabka Ogadeniya.
Todobaadyadii la soo dhaafey ayey waxaa
magaakada Jigjiga ka bilowdey olole ay soo
abaabuleen saaraakiisha Wayaanaha ee ka
hawlgasha Ogadeniya, kuwaas oo dadka ku
qasbayey in ay qabiilo ama Jilubyo kasta o
dega Ogadeniya soo saaraan Warmurtiyeedo ay
ku dhaleecanayaan JWXO.
Si kastaba ha ahaatee, qorshaashaaas ma
jiraan wax ka fulay.
--Ogaden
Online News |
|
|
|
|