|
|
|
|
|
Dagaalo
xoogan oo ka dhacey Magalaada Gunagado |
Jan 18,
2007 Waraka naga soo gaadhaya Gobolka
Dhagaxbuur ayaa sheegaya in uu xalay dagaal
aad u culus ku dhexmaray Ciidamada Gumeysiga
Itoobiya (CGI) iyo kuwa Wadaniga Xoreynta
Ogadeniya aaga Gunagado.
Sida warku sheegayo Ciidamada Wadaniga
xoraynta Ogadenia ayaa soo dul dagey aaga
demada Gunagado, kadibna waxaa ka
hortagay Maamul ku sheega Dabaqoodhiga ee
degmada Gnagado. Hase ahaatee waxaa halkaas
fara kulul ku qabtay Ciidamada JWXO.
Kadib ayay maleeshiyadii Dabaqoodhigu
gurmad u dirsadeen Magalaada Dhagaxbuur,
ayada oo halkaas lagaga dilay Dabaqoodhiga
19 ka mid ah Maleeshiyaadka caloodshood u
shaqqeystayaasha ah, waxaana nolol lagu
qabtey 11 ka mid ah isla maleeshiyaadkaas.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in halkaas
Dabaqoodhiga lagag furtay 4 BKM iyo hal
baasuuke . Waxaana laga gubay 4 gaadhi oo
nooca looyaqaano qooqanta.
Wararkii ugu dambeeyeyna waxay sheegayaan in
Dabaqoodhiga dagaaladaas ku dhintey ay ka
mid yihiin Gudoomiyihii Dhagaxbuur oo lagu
magacaabi jirey Asad Axmed iyo Gudoomiye ku
xigeenkii Gunagado oo aanaan haynin
magaciisa oo sugan.
Sidoo kale waxaa iyagana la so sheegay in ay
ku jiraa 2dii hogaan nabad galyo ee
degmooyinka Dhagaxbuut iyo Gunagado.
La soco wixii
ka soo kordhan warkan oo horudhac ah..
--Ogaden Online News |
|
|
|
|