|
|
|
|
|
Midowga
Jaaliyadaha Ogaadeenya ee Yurub |
Bishii
dhamaatay ee Maarso 28keedii sanadkan 2007
ayaa ururka midowga jaaliyadaha Ogaadeenya
ee Yurub, waxey warqad u direen Madaxweynaha
Midowga Yurub ninka lagu magacaabo Mr. José
Manuel Barraso.
Midawga jaaliyadaha Ogaadeenya ee Yurub ayey
waxey warqadoodii ku bilaabeen sidatan:
Mudane Madaxweyne, anaga oo ah jaaliyadaha
ogaadeenya ee yurub, ayaa waxaynu jececnahay
in eeynu muujino sida qotoda dheer ee aaynu
uga xunahay xad gudubyada xad dhaafka ah ee
ka dhacaya wadankeenii hooyo, wadankaa oo ku
hoos jira gumeysiga itoobiya.
Cadaalad darada iyo ku xad gudubka xaquuqda
aasaasiga ee umamadda reer Ogaadeenya ayaa
bilaabatay mudo hada laga joogo qarni ku
dhawaad markaa oo aay itoobiya xoog ku
qabsatay qeyb ka mida Ogaadeenya
Shacbi weynaha Soomaalida Ogaadeenya meynan
dooranin in aay qeyb ka mid ah itoobiya
ahaadaan. Dowlada gumeysatada itoobiya waxey
qeybtii ugu danbeysay oo Ogaadeenya ah xoog
ku qabsatay dhamaadkii 1954, waqtigaa oo uu
ingiriiskii gumeysanayay Ogaadeenya isaga
baxay isagoo markaa ku balan furay ummadda
reer Ogaadeenya oo uu kol hore la galay
heshiis ah in uu fara galin shisheeye ka
difaaco.
Laga bilaabo waqtigaa iyo ka horba waxey
ummadda Ogaadeenya ku jirtaa halgan si aay
masiirkeeda ugu madax banaanaato. Itoobiya
waxay dadkanaga ula dhaqantaa sidii ummadd
aan wax ququuqa lahayn iyagoo jooga
dhulkoodii hooyo.
Waxan weli ku dhex jirnaa warqadii aay
midowga jaaliyadaha Ogaadenya ee Yurub u
direen madaxweynaha midowga Yurub M. José
barroso. Jaaliyadu waxey kaloo qoraalkooda
ku muujiyeen.
In bishii meey 10keedii 1994, uu baarlamaan
goboleedka soomaalida Ogaadeenya uu si
buuxda isugu raacay in afti laga qaado
ummadda reer Ogaadeenya si loo ogaado waxa
aay doonayaan taas oo waafaqsan dastuurka ku
meel gaarka itoobiya, iyadoo markaa aay goob
joogayaal ka noqonayaan Q/Midoobay, Ururka
midawga Africa, midowga yurub iyo waliba
ururada kale ee caalamiga ah.
Nasiibdaro dowlada gumeeysatada itoobiya
waxey ku jawaabtay iyada oo afganbisay
baarlamaan goboleedkii sida xorta iyo
dimoqraadinimada ah loo soo doortay, waxeyna
biloowday gumaad lagula kaco shacbiweynaha
Ogaadeenya.
Ururka xuquuqul insaanka Ogaadeenya , oo ah
urur aan dowli ahayn oo madax banaan ayaa
wuxuu record gareeyee xad gudubyada aan
ayagoo kale la arag oo aay ciidamada
gumeeysigu ka geeysanayaan Ogaadeenya kuwaas
oo isugu jira dhil, dhac, kufsi, qafaalasho,
la wareegid iyo burburin hantida sida gaarka
ah loo leeyahay. Xadgudubyadan ayaa joogta
ah ayadoo aanay jirin cid loo qabto oo lagu
ciqaabo.
Ugu danbeeyntii ururka midowga jaaliyadaha
Ogaadeenya ee Yurub waxey qoraalkoodii ku
soo gaba gabeeyeen iyaga oo leh Mudame
madaxweyne waxaan si naxariis leh kaaga
codsanaynaa in aad qaadid ficilo cabiran oo
awoodaada ah si aay dowlada itoobiya u
joojiso xad gudubyada aay kula kacdo
shacabkeena iyo in aad mudane madaxweyne
nagu caawisid sidii afti ummadda reer
Ogaadeenya looga qaadi lahaa, taas oo
waafaqsan chartarka Q/midoobay iyo dastuurka
itoobiyaba. Tan ayaa ah jidka kaliya ee lagu
baajin karo in uu sii socdo dhibaatada xad
dhaafka ah ee heeysata shacbiga aan waxba
galabsan ee Ogaadeenya.
English
version of this Letter
|
|
|
|
|