Jan 21, 2007 Wararka naga soo
gaadhaya Ogadenia ayaa sheegaya in dagaal
xoogan uu dhexmaray Ciidamada Xoreynta
Ogadeniya iyo kuwa Gumeysiga Itoobiya.
Dagaalkan ayaa
waxa uu ka dhacay meel ka tirsan Tuulada
Dhan-Dhame oo ka tirsan aaga lagu magacaabo
Hilo Gobayo.
Inkasta oo aanan haynin faah-faahin dheeraad
ah, hadana wararka horudhaca ah ee aagaas
naga soo gaadhaya ayaa waxa ay tibaaxayaan
in ciidamada Itoobiya iyo Maleeshiyaad la
socdey goobtaas lagaga diley 3 askari, isla
goobtaasna lagaga furtey dhowr qori oo ah
nooca looyaqaan AK47. Sidoo kale waxaa
Ciidamada Itoobiya laga furtey Telefon ku
shaqeeya tamarta qoraxda.
--Ogaden Online News |