Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Dad badan oo shacab ah oo laga soo xidh xidhey Tuulada Sasabane

Mar 14, 2008 Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in dadgaraya 15 qof oo shacab ah ay Ciidamada Itoobiya ka soo taxaabeen Tuulada Sasabane.

Sida warku sheegayo dadkaas oo mid ka mid ah tahay dumar ayaa loo soo dhaadhiciyey Xabsi ku yaala magaalada Dhagaxbuur. Falkan ayaa waxa uu dhacey bishan Mar 11.

Xeryaha ciidamada Itoobiya ayaa waxaa buux dhaafiyey dad shacab ah oo si sharci daro ah halkaas ugu xiran. Dadkaas ayaa intoo badan la waayaa meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, halka kuwa badana meydkooda laga helo duleeda iyo dariiqyada magaalooyinka.

--Ogaden Online News

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.