Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Magaalada Jigjiga oo lagu xidhey qaar ka mid ah Baarlamaanka ku sheega Kililka

Apr 15, 2008 Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in halkaasi lagu xidh xidhey qaar ka mid ah baarlamaan ku sheega Kililka, kuwaas oo lagu qiyaasey ilaa 5 qof.

Sida warku sheegayo waxaa ka mid ah kuwa la xabsiga la dhigey Jamiil Muxumed Gaas, C/Kabadhe, Ina Daahir Cade, kuwaas oo hada ka hor xilka laa xayuubiyey.

Dhinaca kale, magaalada Dhagaxbuur ayaa waxaa maalmahan ka baxsanayey qaar ka mid ah Ciidamada Dabaqoodhiga, kuwaas oo u gelay Xoogaga ONLF. Sida la sheegayo waxaa tobaadkan baxsadey 5 nin oo wata qoryahoodii.
 

--Ogaden Online News

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.