Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

5 askari oo Oromo ah iyo Maxbuus reer Ogadenya oo baxsaday


Jan 18, 2007 Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ayaa sugaya in 5 askari oo kamid ahaa Ciidanka Gumaysiga Itoobiya ee fadhigoodu yahay garoonka Jigjiga ay shalay ka baxsadeen xeradooda. Askartan ayaa waxay ka soo jeedaa qoomiyada Oromada.

Askartan ayaa baxsigooda waxaa Ku weheliyey oo ay xabsiga kasii daayeen nin shacab ah oo lagu magacaabo C
ali Ganay  oo isla xeradaas Kuxidhnaa.

Cali Ganay oo ay ciidanka gumaysigu kasoo qabteen Jeerinka oo ka tirsan degmada Fiiq markay taariikhdu ahayd Nov 01, 2006 ayaa halkaas Ku xidhnaa muddo ku dhow sadex bilood.

Askartan baxsatay ayaa maxbuuskaa hubeeyey si uu isu difaaco inta uu cararka yahay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maxbuuskaas iyo 5ta askari ay ku biireen Xoogaga Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogadeniya ee aagaas ka hawl gala.

--Ogaden Online News

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.