Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Shir ka dhacey Nairobi oo tabarucaad loogu sameeyey dadka tabaalaysan ee Ogadeniya

March 18, 2008 Xaflad ay si weyn u soo qaban qaabisay Xarunta Waxbarashada Qoxootiga Ogadeniya ayaa waxa lagu qabtay magalada Nairobi ee dalkaan Kenya, iyadoo ay kasoo qeyb galeeyn dad badan oo kasoo jeedo gobolka Ogadeniya. Iyadoo lagu sameynayay taburacaad dhaqaalo ayaa loogu aruurinayay dadka Qaxootiga ee ku jiro xeryaha wadankani Kenya iyo kuwa kale oo ku yaala wadamo ka tirsan Geeska Afrika.

Waxaana halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururka waxbarashada Qoxootiga reer Ogadeniya Maxamuud Maxamed xikam oo si weyn uga waramay dhibaatada haysata dadka ogadeniya ee ku jira xeryaha qoxootiga ee ku yaala wadanka Kenya gaar ahaan gobolka ay ka dagto somaalida kuwaas oo ay ka mid yihiin xeryaha IFO, Xagar dheer ,Dhabaab, iyo kuwo kale oo ku yaala halkaasi. Isaga oo ka hadlaayey mar uu ku tagay halkaasi safar ayuu waxaa ku soo bandhigay xafladaasi Flim ay ka muuqato dhibaatada haysta dadkaasi oo isla xafladaasi gudaheeda lagu daawaday.

Mar aan wax ka way diinay dhibaatooyinka sida gaarka oga jira halkaasi ee haysta dadkaasi ayuu ku jawaabay Mr xikam ‘’ dadka dhibatooyinka haysta waxa ka mid ah iyagoo kasoo qaxay dhulkoodi isla markaane ku jira iminka xeryo aysan ku haysan nolol kaafi ah iyo sidoo kale wax barasho’’ ayuu yiri xikam oo ku daray ‘’ dadka waxa ay u baahan yihiin in wax la baro sidoo kalane noloshooda kor loo soo qaado’’.

Waxaa kaloo Film documentary ah uu ka hadlayay xaaladaha qalafsan ee ku nool yihiin dadka reer Ogaden ee kasoo qaxay Ogadeniya, waxa dadkii daawanayay ka muuqatay Calool yaw iyo murugo weyn.

Waxa lagu soo bandhigay Filmkaa ciyaal yar yar oo gubtay, haweyn ay kufsadayn ciidamada itoobiya, dad kasoo qaxay dhibaatada ay ciidamada itoobiya ku hayaan shacabka daga gobolka Ogadeniya.

Ugu danbeyntii ayaa dadkii halkaasi iskugu yimid ayaa tabarucaad u sameyey walaalahooda uguna deeqay qof walba wixii uu awooday.

Waxaa ka mid ahaa shaqsiyaadkii halkaa ka hadalay dad ay dhibaato kaga timid dhicaya Ciidamada dowlada Ethiopia, kuwaa soo u badnaa Gabdho la kufsaday.

Xafladan oo ay sida wada jirka ah u soo qaban qaabiyeen Ururka waxbarashada Qoxootiga reer Ogaden iyo Ururka xuquuqul insaanka Ogaden ayaa waxay ku soo dhamaatay si heersare ah, iaydoo uu sheegay Mr. Xikam in ay sidoo kale qaban doonan shirar kale oo lagu sameynayo tabarucaadyo loo sameynayo dadkaasi u baahan in la gacan qabto.





 




Ibraahin Maxmed Cali (Ibraahin yare), Nairobi, Kenya
Ogaden Online News

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.