|
March 24,
2008 Kadib shirkii ka dhacay magaalada
Minneapolis galabnimadii Isniinta ee ay soo
qabanqaabiyeen Qowmiyadaha
dagan Geeska Africa
ee ay dulmiga ku hayso maamulka gardarada ku
caanbaxay ee Ethiopia, waxay jaaliyada
Ogadenya Subaxnimadii Talaadada ee March 18,
2008 fursad u yeelatay inay kulan gaar ah la
layeelato xildhibaanka laga soo doorto
gobolka New Jersey ee lagu magacaabo
Congressman Donald Payne.
Kulankan
ayaa waxaa jaaliyada Ogadenya hogaaminayay
Oday dhaqameedyada Ogadenya oo dadaal badan
kawada Waqooyiga America, una guntaday sidii
ay bulshadooda dulman caalamka ula
socodsiinlahaayeen.
Oday dhaqameedyadii kulankan ka soo
qaybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa cuqaashta
kala ah;
1- Caaqil Maxamud Cunshur
2- Caaqil Sheikh Abdi Yussuf
3- Caaqil Cabdullahi Cabdi yare
Dhinaca Hooyooyinka Ogadenya ayaa waxaa
jaaliyada uga qaybgashay
1- Hooyo Haweeya Xirsi Mahad
Dhinaca siyaasiyiinta waxaa goobjoog ka ahaa;
1- Mahamed Ahmed Daahir
2- Hodan Abdullahi Duale
Sidoo kale waxaa iyagu goobtaas joogey xubno
ka socda Ururka Dhinaca dhalinyarada
Ogadenya oo ay ka mid ahaayeen;
1- Abdi Bashiir
2- Amran Daahir
3- Carab Mohamed
Xogwaran qoda dheer oo ay is dhafsadeen
Congressman Donald Payne iyo cuqaasha ree
Ogadenya ayaa waxay labada dhinacba isla
qireen dhibaatada baaxada leh ee haysata
shacabka Ogadenya ee ku dhaqan Ogadenia inuu
asal uyahay gumaysiga Ethiopia, daganaansha
laanta Geeska Afrikana inaan xal loo
helaynin ilaa xal loo helo qadiyada Ogadenya.
Mar uu Donald Payne wax ka tilmaamayay
socdaalkiisii Geeska Afrika uu kusoo maray
gaar ahaan xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee ku
yaala waqooyi Bari Kenya ayaa wuxuu mudane
Payne yidhi “waxaan xeryaha qaxootiga kula
soo kulmay dad farabadan oo ka soo barakacay
Ogadenya kadib markay ciidamada Ethiopia
gumaadeen, dhibaato noockasta isugu jirta
ayaa dadkan ka muuqatay balse illaa eegadan
aan idinla hadlayo waxaan xusuustaa oo
qalbigayga ka gu'i la oohintii gabdhihii
yaryaraa ee ree Ogadenya ee aan kula soo
kulmay xeryaha qaxootiga Dhadhaab, Kenya oo
ay faraxumeeyeen ciidamada Ethiopia”
Dhinaca kale mar uu wax ka iftiimiyay heerka
ay qadhiyada Ogadenya marayso iyo sida ay
calamku ula socdaan ayaa wuxuu mudanuhu
yidhi “Qadiyada Ogadenya maanta way soo
dhaaftay markii uu caalamku iska indha tiri
jiray, waxayna maanta hortaalaa bulsha
waynta caalamka, ayadoo lagu khasbanyahay in
xal loo helo Ogadenya hadii kale in Geeska
Afrika nabad waarta laga gaadho ayaa
noqondoonta riyo aan waxba ka jiridoonin”
Talooyin badan oo uu mudanuhu u soo jeediyay
jaaliyada ayaa waxaa laga xusi karaa inuu
yidhi “Qadiyadiinu maanta idinka ayay magan
idiintahay, hadba sida aad ugu talisaan
unbayna noqon, hadaba taladayda ugu danbaysa
waxay tahay marna ha ka cajisina inaad
dadaalkiina sii wadaan illaa aad ka
hananaysaan macaanka midhaha xoriyada oo aan
hubo inuusan jirin shakhsi reer Ogadenya ah
oo wali nasiib u yeeshay xoriyad” wuxuu
intaas raaciyay mudanuhu sida ay uga
go'antahay garabistaagida dulmanayaasha ree
Ogadenya inta uu xaqoodu dhacanyahay ayaguna
ayna qadiyadooda marin habaabinaynin.
Ugudanbayntii
waxaa xusid mudan inay jaaliyada Ogadenya
Mudane Donald Payne gudoonsiisay hadiyad,
ayadoo ay jaaliyadu uga mahad celinayso
dadalka dheeriga ah ee uu mudanuhu galiyay
qadiyada ogadenya iyo sida uu had iyo jeer
ugu heelanyahay inuusan indhaha ka laabanain
markasta oo ay xafiiskiisa soo gaadho
dhibaatada shacabka Ogadenya, hadiyadan ayaa
waxaa mudnaha si maamuus ahaana u
gudoonsiiyay Caaqil Maxamuud Cunshur.
Maxamed Darbawayne,
Radio Xoriyo,
Minneapolis, MN. |