|
|
|
|
|
Gudoomiyaha
ONLF iyo wafti uu hogaaminayo oo la kulmey Dawlada
Faransiiska |
Nov 23,
2007 Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha
ONLF oo ay ka mid yihin Madaxa Hogaanka
Arimaha Dibada Mudane Cabdiraxmaan Mahdi iyo
Wakiilka ONLF ee Yurub Mudane Axmed Gurxan
ayaa waxaa qaabiley Madax sare oo ka tirsan
Dawlada Faransiiska. Kulankaas oo shalay ka
dhacey Xarunta Wasaarada Arimaha Dibada ee
dalka Faransiiska ee Magaalada Paris, ayaa
waxay madaxda ONLF la kulmeen madax ka
socota Wasaarada Armaha Dibada ee Dalka
Faransiiska iyo hay'ado madaxbanaan.
Kulankan ayaa waxaa lagu lafa gurey jawiga
siyaasadeed ee Geeska Afrika, gaar ahaan
xaalada Itoobiya iyo Xasuuqa ay ka socda
Ogadeniya.
Dawlada Faransiiska ayaa waxa ay muujisay
sida ay uga xuntahay xasuuqa ka socda
Ogadenia.
ONLF waxay soo dhaweysay sida dawlada
Faransiiska uga gubatey xasuuqa Ogadeniya ka
socda, waxayna dawladda Faransiiska ku
boorisay in ay door ka qaadato arinta
Ogadeniya iyo khilaafaadka ka jira Geeska
Afrika.
La soco warbixintan oo dhameystiran
--Ogaden Online News |
|
|
|
|