Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Jaaliyadaha Ogadeniya ee Yurub oo Banaanbax ku qabtey Brussels
March 29, 2008 Jaaliyadaha Ogadeniya ee Yurub ayaa shalay oo y bishu ahayd March 28, 2008 Banaanbax aad u balaadhan ka hor dhigery Xarunta Barlamaanka Yurub ee Brussels.

Dadweynihii isagu soo baxay halkaas ayaa waxay kor u dhaafeen 200, kuwaas oo ku  hubaysnaa calamo, boodhadh ay ku xardhanaayeen, halku dhigyo iyo sawiro ka dhan ah xadgudbyada bani'aadamnimada ka baxsan ee ay Xukumada Itoobiya ku hayso shacabka Ogadeniya.

Banaanbaxayashan oo ka kala yimid wadama UK, Germany, Holland, Denmark, Swiss, Finland, Sweden iyo Norway, ayaa waxay si aan kala go lahayn, nasasho ku jirin ay mudo 3 saac ah sawaxan iyo codod dhaadheer ku la haayeen, halku dhegyo ay aduunn weynaha ugu sheegayaan xasuuqa ay Itoobiya ka wado Ogadeniya.

Qabanqaabiyayaasha Bananbaxan ayaa swaxay halkaas ka akhriyeen qoraalo dhaahdeer oo ka hadlaya xaalada Ogadeniya, waxaa u suurto gashey in ay qoraalo u gudbiyaan madaxda ugu sareysa Baaralaamka Midowga Yurub iyo Gudiga Maamulka haya. Qoraalkaas oo uu ka gudoomey Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub, isagoo balan qaadey in uu farta ka saari doono cida ay ku socoto.

Banaanbaxan ayaa waxaa ka soo qaybgaley saxaafada Caalamka qaarkood.


--Ogaden Online News



 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.