|
March 31, 2008
Jaaliyadaha
Soomaalida Ogaadeenya ee qaarada Yurub ayaa
si wada jir ah u qabtay Banaanbax weeyn si
heer sare ahna loo soo agaasimay shalay oo
aay taariikhdu ahayd 28ka bishan Maarso
ee sanadkan 2008. Dibad baxan ayaa ka
dhacay ka soo horjeedka xarunta Midowga
Yurub ee Brusselles iyadoo halkaasi fadhi u
tahay heeyadaha ugu sareeya maamulka
wadamada ku bahoobay midowgan. Ujeedada
banaanbaxan ayaa ahayd sidii indhaha
caalamka guud ahaan gaar ahaana midawga
Yurub loogu soo jeedin lahaa dhibaatada
xad dhaafka ah oo uu gumeysiga itoobiya ku
hayo shacbiga aan waxba galabsan ee
Soomaalida Ogaadeenya.
Tirada banaanbaxayaasha ayaa
ku dhaweyd sadex boqol oo qof oo isugu jira
haween, caruur, dhalinyaro iyo dad da’ah oo
qaarkood soo galay safaro dhaadheer oo xaga
dhulka ah kana kala yimid wadamada:
UK, Finland ; Germany,
Holland, Sweden, Norway, Denmark, Italy iyo
Switzerland.
Inta uu
banaanbaxani socday ayey xubnaha jaaliyadaha
Ogaadeenya ee Yurub ku qeeylinayeen erayo ka
dhan ah gumeeysiga itoobiya iyagoo is la
markaana muujinayay garab istaagida shacbiga
dulman iyo taageerada eey u hayaan
halganka xalaasha oo aay umada
Ogaadeenya ugu jirto sidii eey uga hoos bixi
lahayd gacanta gumeeysiga madoow.
Waxeynu halkan u joognaa
maanta in aan ku dhiiri galino masuuliyiinta
Midowga Yurub sidii aay wax uga qaban
lahaayeen xad gudubyada badheedhka ah oo uu
ku kacayo taliska gumeeysiga itoobiya is la
markaana u guntadaan ka samata bixinta umada
dulman ee Ogaadeenya waxyeeleeynta kale
taliskani la damacsan yahay shacabka
Ogaadeenya, ayuu yiri oday da’diisu kor
udhaaftay 80 jir oo ka mid ahaa banaanbaxaya.
Isagoo hadalkiisa raaciyay in maanta umada
Soomaalida Ogaadeanya gudaha iyo dibadada u
guntadeen sidii eey u heli lahaayeen
xuquuqdooda aas-aasiga ah oo aay ugu
horeeysa xaqa aayo
ka talinta.
Waxaa xusid
mudan in taliska arxanka daran ee itoobiya,
ka sokoow dilka, dhaca iyo kufsiga uu la soo
baxay cadowtinimo aan ayadoo kale la’arag oo
aay cuno qabateeyntu ka mid tahay. Intii
lagu guda jiray dibad baxan ayeey ka soo
qeeyb galayaashu qeeybinayeen qoraalo ku
xusan yihiin dhibaatooyinka kala duwan oo
aay ciidamada cadowga u geeystaan
muwaadhiniinta Ogaadeenya.
Xubnaha
jaaliyadaha Ogaadeenya ee Yurub ayaa wacad
ku maray in eey dhiciseeyaan qorshayaasha
cadawga ka wado Ogaadeenya iyagoo u guntaday
sidii qadiyada Ogaadeenya ugu dhigi
lahaayeen mid dunidu wax ka qabadkeeda u soo
jeesato, is la markaana muujiyay muujin
doonana in xasuuqa shacabku uusan ahaaneeyn
mid aanay xisaab ka danbeeyn. Shaleeyto
iyo fashilna uu ku danbeeyn doono taliska
gumeeysiga itoobiya iyo u adeegayaashiisa.
Ugu danbeeyntii masuul ka
socday Midowga Yurub ayaa la gudoon siiyay
qoraaladii cabashooyinka rasmiga ahaa isagoo
u gidbin doona masuulka lagu magacaabo
Mr.Louis Michel oo midowga Yurub u qaabilsan
iskaashiga iyo gargaarka.
Waxaa
xisid mudan in isla qoraaladan goor hore loo
gudbiyay ninka ugu sareeya midowgan.
Dalabyadii laga dalbanay bulshada caalamka
ayaa waxaa ka mid ahaa :
-
In midawga
Yurub hadh cad canbaareeyaan dhaqan
xumada dowlad ku sheegta itoobiya.
-
In dowlad
ku sheegta itoobiya cadaadis lagu saaro
in eey shuruud la’aan qaado xayiraada
ula kaca ah oo aay ku soo rogtay
shacbiga Ogaadeenya.
-
In midawga
Yurub u diraan Ogaadeenya ciidamo nabad
ilaalineed oo shacabka ka difaaca
waxashnimada gumeeysiga itoobiya.
-
In midawga
Yurub dirto gudigii xaqiiqo raadinta
ahaa oo eey kal hora ku baaqeen wufuudii
QM ka socotay ee booqotay Ogaadeenya
dhamaadkii sanadkii tagay.
-
Iyo ugu
danbeeyntii in midawga Yurub ku
kaalmeeyaan umada Ogaadeenya in
badaxbanaanidooda helaan taas oo
waafaqsan qawaaniinta caalamiga ah iyo
dastuur ku sheega itoobiya.
Sawirada
halkan ka eeg
A.M.
Brusselles/Belgium
communauteogaden@net2000.ch
|