|
OGADEN
AMERICAN
COMMUNITY
Baaq canbaareyn ah oo ku wajahan Maamulka
Punland
Waxaa arrin laga murugooda ah
dhacdada fooshan xun ee Garowe ka dhacday
22kii Abriil 2008. Maamulka Puntland, isaga
oo ku raali gelinaya taliska dhiigya cabka
ah ee Addis Ababa ayaa taariikhda kor ku
xusan cadowga ma naxaanka gacanta u geliyey
muwaadiniin Somalida Ogaadeenya ah. Waxaa
kale oo Maamulkaasi xabsiga Boosaaso si
silic ah ugu dilay muwaadin ka tirsan
jaaliyadda Soomaalida Ogadenya ee ku nool
Bosaaso.
Wuxuu maamulkaasi iska indho
saabay, xidhiidhka maslaxada dhinacyada
badan ee labada shacab ee walaalaha ah ka
dhexeeya oo ay dhacdadani si weyn u
dhaawacayso. Taas oo markhaati u ah maamulka
Garowe inayna matalin danaha shacabka soo
doortay ee ku nool Puntland.
Taliska gacan ku dhiiglaha
ahi kama oomana ( kamana gaajaysna) dhiiga
shacabka aan wax galabsan ee Somalida
Ogadenya. Wuxuu si raxariis darro ah u
gumaadaa shacabka aan difaaca haysan. Waxaa
xabsiyada gumeysiga ka buuxa kumaan-kun
Soomaalida Ogaadeenya ah. Ujeedada ay
gumeysatada Itoobiya ka leedahay in masuul
ama muwaadin Reer Ogaadenya ah laga soo
qabto Puntland ama gobol gobolada Soomaaliya
ka mid ah waa:
-
Inay colaad la dhex
dhigto labada shacab ee walaalaha ah
sida ay Shacabka Jamhuuriyadda isugu
hubaysay ee colaadda sokeeye u dhex
dhigtay.
-
Isku daygeeda inay la
kaashato Soomalida burburinta halganka
xaqa ah ee shacabka aan la loodin karin
ee Soomaalida Ogaadeenya ugu jiro xaqa
aayo ka talintiisa. Taas oo ay geed
dheer iyo geed gaabanba u fuushay,
horeyna ugu dhaqaaqday hase ahaate ku
guul daraysatay.
Maamulka Garowe ujeedada
Itoobiya inay darsaan ama fahmaan iyo
natijada ka iman karta wax xil ah iskama
saarin. Waana arrin nasiib darro ah oo
naxdin leh.
Maamulka Puntland waxaad
moodaa inayna ku baraarugin xaqiiqada ah
inay Itoobiya tahay cadowga koowaad ee
shacabka Soomaali oo dadka Puntland ka mid
yahay. Waxaa kale ooyna fahmin in Taliska
Addis Ababa waqtigiisii maalmo la tiriyo ka
hadhay oo san ahayn kii maanta loo sujuudi
lahaa. Waxaan u aragnaa in Maamulka Putland
khaatumada iska xumeeyey,
talaabadaa uu qaadayna ayna marna hakinaynin
halganka Gobonimadoonka shacabka Ogaadenya.
Waxaan aad uga xunahay
shacabka aan walaalaha nahay ee ku nool
Puntland oo innaba aan ka diirin ganacsiga
iyo dilka uu maamulkoodu ku hayo dadka soo
magan galay ee cadowga naxdinta daran ka soo
cararay.
Sidaa darteed, annaga oo ah
jaaliyadda Ogadenya ee ku nool dalka
Maraykanka kuna kala sugan dhamaan gobaladda
kala duwan ee wadanka maraykanka waxaan
cambaareynaynaa falkan foosha xun ee
maamulka Puntland ee uu gacamaha dhiiga leh
ee gumeysiga Itoobiya u geliyey. Waxaan
balan qaadaynaa inaanu garab taagan nahay
shacabka geesiga ah ee aayo ka talintooda.
Waxaa u sheegaynaa Gumeysiga
Itoobiya iyo kuwa garab taaganba in guusha
kama dambaynta ah uu leeyahay xaq u dirirka
Ogaadenya dhiiga qaaliga ah ee
wadaniyiintuna yahay dhaxalka danbe ee loo
aayi doona marnaba noqon mayso mid laciifin
doonta xaqa aayo ka tashiga ee uu u guntaday
shacabka gesiyaasha ee aan marnaba ka daalin
sidii isaga dulqaadi lahaayeen heeryada
Gumaysiga.
Waxaan calaamka ugu baaqaynaa
inay cambaareeyaa falka xuquuqul insaanka ka
dhanka ah ee Maamulka Puntland ku kacay ee
dad aan dambi iyaga ka gelin cadowgooda u
dhiibay.
Waxaan madaxda ururka iyo
dhamaan bulsha waynta Soomaalida Ogaadeeniya
oogu baaqaynaa in ay dhacdadan ka bixiyaan
jawaab deg deg ah oo aan marnaba aysan noqon
mid la caadeysto ka baayac mushtarida
muwaadiniinta Soomaalida Ogaadeeniya
Waxaan shacabka Puntland oogu
baaqaynaa in ay ka hortagaan dhibaatda uu
maamulkoodu ku dhaqaaqay, taas oo keeni
karta cawaaqib xumo iyo taariikh xumo, hadii
ay ku daawadaana waxay macnaheedu tahay in
raali ka yihiin xumaanta maamulkoodu
bilaabay,
Shacabka Puntland waa in ay
dhawraan walaaltinimada iyo darisnimada
wanaaga dhaqanka iyo diintaba waana in ay
ilaaliyaan xidhiidhka soo jireenka ah ee u
dhaxeeya labada shacab
Ugu danbeyntii guusha waxaa
iska leh wadaniga xaq u dirirka ah guul
daradana waxaa leh gumaysiga gabalkiisii sii
liicayo maantana ku sugan xaalad jahawareer
soomaaliduna waxay ku maah maahdaa waari
maysidee wax ha kaa haro ( Dal nin kiisiibaa
iska leh)
Midnimo Mintid Isku tashi
Jaaliyadda Soomaalida
Ogaadeeniya ee Maraykanka
310 East 38th St. #B Minneapolis, MN 55409
Tel.612-821-2376, Fax: 612-821-2376
E-Mail: ogadenamericans@yahoo.com
|