Cambaaraaayn ku aadan Maamulka Gobolka Waqooyi
Bari
Jaaliyada reer
Ogaadeenya ee wadanka Canada gaar ahaan
gobolka Ontario ayaa isugu yimid shir deg
deg ah oo ku aadan gadashada labada muwaadin
ee u dhashay wadanka Ogaadeenya aay gateen
maamulka gobolka waqooyi bari ee Soomaaliya.
Shirkan deg dega ah oo dhacay markaay
taariikhdu ahaayd 26/04/2008 ayaay isugu
yimaadeen dadwaayne boqolaal kor u dhaafay.
Shirku wuxuu kadhacay Lawrence Heights
Community Center ee magaalada Toronto.
Jaaliyada reer Ogaadeenya ee Canada waxaay
cambaaraayn xoog leh usoo jeediyeen maamulka
waqooyi bari iyaga oo ku dhaleeceeyay arinka
wuxushnimada leh ee aay ku dhaqaaaqeen
maamul kusheega waqooyi bari. Maamul
kusheegan ayaa qoowmiyada tirada yar ee
Tigreega gacanta u galiyey labadaas muwaadin
oo u dhashay Ogaadeeniya kuwas oo marti ku
ahaa degaankooda.
Labadan muwaadin ee lagatay ayaa ku joogay
waqooyi bari imaansho uu ka warhayay
maamulka waqooyi bari oon wax lug ah
kulahaayn siyaasad amaba dhibaato marna u
keenaayn amaanka dhulka uu maamulka waqooyi
bari sheegto in uu kataliyo. Labadan
muwaadin ayaa maamul kusheegani faraha u
galiyay sirdoonka qoowmiyada Tigreega.
Maamulku sheega waqooyi bari ayaa ku
xadgudbay dhaqanka soo jireenka ah ee aaay
soomaalidu leedahay oo martida amaba nabad
galiya ama soorya. Maamul ku sheega waqooyi
bari ayaa noqonaya maamulkii labaad ee
isagoo soomaalinimo sheeganaya gacanta u
galiya muwaadiniin reer Ogaadeenya ah
sirdoonka qoowmiyada Tigreega.
Jaaliyada reer Ogaadeenya ee Canada waxaay
aduunwaaynaha ka dalbanayaan in qoowmiyada
Tigreega lagu cadaadiyo sidii aay u sii
daaynlahaayeen labadan muwaadin een waxba
galabsan. Qoowmiyada reer Ogaadeenya
meelwalba ooy joogaan waa inaay meel ooga
soo wada jeedsadaan sidii loo cunaqabataayn
lahaa maamul ku sheega waqooyi bari oo ku
tiirsan dhaqaale ahaan khaayraadka reer
Ogaadeenya.
Qoowmiyada reer Ogaadeenya meel walba ooy
joogaan waa inaay isha ku hayaan
shaqsiyaadka la sheegay inaay gacanwaayn
kagaaysteen gacan ugalinta qoowmiyada
Tigreega labadan muwaadin.
Jaaliyadda Ogaadeeniya ee Ontario, Canada
jaliyadakanada@yahoo.com