Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Tuulada Ina Dhogor Jiir oo dagaal weyni ka dhacey
Apr 02, 2008 Tuulada lagu magacaabo INA DHOGOR JIIR oo ah tuulo dhul beereed ah oo qiyaastii dhanka Waqooyina 6km ka xigta magaalada Dhagaxbuur ayaaumaalintii Axada March 31,2008 dagaal kulul ku dhex maray Ciidamada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya iyo kuwa Itoobiya.

Dagaalkan ayaa sida naloo xaqiijiyey ahaa mid ay Xoogaga Ciidamada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya (CWXO)  qorsheeyeen.

Sida warku sheegayo waxaa tuulada ku sugnaa ciidamo badan oo Itoobiyaan ah kuwaas oo laga dhigey wax la diley yo wax cararay. Ciidan gurmad ah oo laba Baabuur ah ayaa ka yimid Dhagaxbuur, kuwaas oo daad gurey meydkii askarta Itoobiyaanka, iyaga oo Tuulada ku duley Odey dhaqameed aad looga yaqaano Tuulada oo lagu magacaabi jirey AW-XUSEEN AW-MAXAMUUD, waxaa sidoo kale ay ciidamada Itoobiya dhaawaceen Odey kale oo naloogu sheegay Ina Gaameele.

--Ogaden Online News
 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.