Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Shir Jaaliyadaha Geeska Afrika oo ka dhacey St Poul, MN

Apr 15, 2008 Waxaa maalintii Axada ee bisha April ku beegnayd 13ka sanada 2008 ayaa waxaa magaalooyinka mataanaha ee St poul iyo Minneapolis ee gobolka Minnisotta ka dhacay shir aad u balaadhan , waxaa shirkaa si wada jir ah u soo abaabulay jaaliyaddaha qowmiyadaha dulman ee ka soo qaxootiyoobay wadamoodii iyagoo ka cabanaya tacadiyada iyo xadgudubyada joogtada ah ee ay xukuumada kaliye Taliye Males ku hayso guud ahaan shucuubta ku nool geeska Africa,

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay madax ka tirsan dawladda maraykanka , xubno ka tirsan ururada u dooda xuquuqul insaanka iyo waliba aqoonyahana caalami , waxaana ka mid ahaa madaxdii shirka ku casuunayd.

  • Betty Maccollum oo ah xildhibaanad ka tirsan aqalka looga arimiyo wadanka maraykanka marwadan oo  laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa waxay si aad ah ooga hadashay sida ay shaqsi ahaan ooga xuntahay dhibaatada haysata shacuubta geeska Africa waxayna iyadoo qiiro xamaasadeed ka muuqato si kulul oogu dhawaaqday “Xukuumada shacab masaakiin ah si bilaash ah ku laynaysa iyo wadanka maraykanku noqon maayaan saxiibo ee sidaa Males ha ogaado”
     
  • Waxaa sidookale iyana goobta shirka ooga soo qaybgashay si maqal iyo muuqaalba isugu jirta ka dib markay u saamixi wayday in ay goob jog ka ahaato shirka Marwada sanetka maraykanka oogu jirta Gobolkan Minnesota (Senator Amy Klobuchar) waxayna dhamaan xubnihii jaaliyaadka iyo shacabwaynihii shirka ka soo qaybgalayba ku dhiiri galisay in ay iyagu yihiin cidii isku xidhi lahayd shucuubta dulman iyo dawlada maraykanka loogana baahan yahay in ay si joogtah ooga hadlaan xadgudubyada lagu hayo walaalahooda ku sugan wadamadii ay iyagu ka soo qaxeen iyagoo ka soo cararay dhibaatada ka jirta awgeed.
     
  • Senator Norm Colman ayaa isagu soo dirsaday wakiil ku hadlaya magaciisa una soo gudbiyey madasha shirka qudbadiisii oo qoraal halkaana laga akhriyey

Dhinaca kale waxaa iyaguna marti sharaf ka ahaa shirka oo si aad ah ooga hadlay xubno ka tirsan hay’adaha xuquuqul insaanka ee fadhigooda yahay Minnesota iyadoo si aad ah ay ooga warbixisay haweenay u hadlaysay hay’adahaa

Sida shirka ku cad waxaa isla soo qaban qaabiyey ilaa 5 jaaliyadood oo si wada jira ah isula soo abaabulay shirkan waxayna kala ahaayeen jaaliyaadkaa iyadoo waliba jaaliyad kasta uu u hadlayay mas’uul la soo wakiishay

  1. Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya
  2. jaaliyadda Eriteria
  3. Jaaliyadda Jamhuuriyada Soomaaliyeed
  4. jaaliyadda Oromadda
  5. jaaliyadda Ganbeelaha

Dhamaan jaaliyaadkan ayaa waxaa u hadlyey mas’uuliyiin ka kala socotay qaybaha kala duwan ee bulshada , waxaa xusid mudan in Jaaliyaada Soomaalida Ogaadeenya ay u soo xulatay in uu madasha shirka ooga matalo kagana warbixiyo xaalada guud ee ka jirta wadanka Ogaadeenya iyo waliba siyaasada ku aadan geeska afrika, (Mudane Hanad Malingur) oo ah ku xigeenka Hogaanka Arimaha Dibada ee JWXO oo runtii si aad ah ooga warbixiyey xaalada wadanku ku sugan yahay isagoo  soo bandhigay dhacdoyinka dhabta ee ka jira wadankii iyadoo dhamaan shacabwaynihii shirka ku sugnaa kaga ilmeysiisay

Hadaan dib u milicsanno khudbadii  iyo warbixinihii maqalka iyo muuqaalkaba lahaa ee uu mudane HANAD soo jeediyay waxay runtii ahaayeen kuwo uu dakii meesha fadhiyay aad iyo aad uga arga gaxay, sawirada muuqaalka ah ee aadka looga musuraaradilaacay waxay ahaayeen markii uu markali ah mudane Hanad Malingur shaaca uga qaaday dad iyo dal reer Ogadinia  ah oo guud ahaantooodba lagu baa-bi’iyay gubitaan iyo xadhko siligyo ah oo googooyay gacmaha iyo lugaha dadka reer Ogadenia  gaar ahaan qaybtiisa biri ma’gaydada ah, Mudane Hanad Malingur. ayaa isagoo si diiran oo xanuunleh farta ugu taagaya sawiradii uu soobandhigay yidhi.

“SIDANI WAA SIDA AY NOO GALEEN, SIDANI WAA SIDA AY  U GUBEEN GURYAHANAGII IYO WALIBA DADKAYAGII. WAXAANU LEENAHAY CAALAMKA KAMA’QARIN KARAYSID WAXA AAD KU  SAMAYSAY, SHACABKANAGA MA’NIHIN KUWO ILOOBI DOONA.

WAXAA AAMINSANAHAY IN AY UUN TANI SII KORDHINDOONTO OO KALI AH GEESINIMADII IYO AD-ADAYGII UU DADKAYAGU WALIGIIBA CAANKA KU AHAA” kuwaasina waxay kamid ahaayeen erayadii mudane Hanad Maalingur.

Shirka oo ahaa shir in mudo ahba lawada sugayey ayaa ku soo gaba gaboobay guul waxaana la isla soo qaadey in dhamaan go’aanada ka soo baxey shirka si joogta ah loo sii wado iyadoo waliba la iskala kaashan doono dhamaan xafiisyada dawlada iyo kuwa aan dawliga ahaynba

Si kastaba ha ahaatee qirrada iyo waliba ciilka gaboobay ee ka muuqda wajiyadda shacabkii ka soo qaybgalay shirka ayaa la is oran karaa waxaa socda kacdoon xanbaarsan dabaylo hididiilo oo ku beeran shacab waynaha geeska afrika iyagoo aad moodo in xanuunkii Kaligii Taliye Zanaawi la gaarey goortii la iska dawayn lahaa loona guntaday sidii la isaga dulqaadi lahaa

>>>>> Sawirada shirka>>>>

Radiyo Xoriyo
Minneapolis

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.