|
March 18,
2008 Golaha Jaaliyadaha Geeska Afrika
(East African Community Forum) ayaa
galabnimadii Isniinta ee March 17, 2008 shir
ku qabtey Jaamacada Magaalada Minneapolis ee
Minnesota.
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen
Mudanayaasha kala ah Congressman Donald
Payne iyo Keith Ellison, ayaa waxaa looga
hadlayey xaalada murugsan ee Geeska Afrika.
Mudane Donald Payne oo shirkan uga soo
socdaaley magaalada Washington ayaa halkaas
ka soo jeediyey warbixin aad u dheer oo ka
hadleysa xaalada Geeska Afrika iyo
waxyaabihii uu kala soo kulmey safar uu
dhawaan ku tagey halkaas.
Donald Payne oo ka warbixinaya safarkiisii
waxa uu sheegay in uu kulamo la soo qaatey
madaxda wadanka Eritrea iyo Itoobiya, isla
markaana uu kala hadley arimaha xuquuqul
Insaanka iyo Xadka labada wadan. Waxa uuna
sheegay in ay lagama maar maan tahay in
Itoobiya aqbasho go'aankii maxkamada ee
Badame lagu siiyey Eritrea, maadaama
Itoobiya saxiixdey in ay u hogaansami doonto
go'aanka maxkamada.
Sidoo kale, waxa uu aad uga hadley xaalada
Xuquuqul Insaanka iyo bani'aadamnimada ka
baxsan ee Itoobiya ka wado Ogadeniya, isaga
oo sheegay in booqdey xerada Qaxootiga ee
Dhadhaab, Kenya, halkaas oo uu kula soo
kulmey dad badan oo ka soo barakacay
Ogadeniya. Dadkaas oo uga warbixiyey
dhibaatooyinka ay Cidmada Itoobiya ku hayaan
shacabka Ogadeniya.
Mudane Donald Payne waxa uu sheegay in
waxyabaha uu soo maqley ay ka mid tahay "in
askarta Itoobiya wataan Silig ay dadka ku
ceejiyan". Sidoo kale, waxay dadka soo
barakacay ii sheegeen ayuu yiri "in askartu
dadka qasab ku dagaal geliso".
Mar uu ka hadlayey dhinaca Siyaasada, Mudane
Donald Payne waxa uu tilmaamey in Ururuka
ONLF mar uu kulan la qaatey dabayaaqada
Sanadkii 2007 ay u sheegeen sida ay diyaarka
ugu yihiin in xaalada Ogadeniya nabad lagu
xaliyo. Waxa kale oo uu intaas ku darey in
Xukumada Itoobiya aad isagu daydey in Ururka
ONLF lagu dhufto shaabada Argagixisada.
Isaga oo sheegay in aysan caqli gal ahayn in
Ururada mucraadka ee xaq u dirirka ah lagu
dhufto shaabada Argagixisada.
Mar uu ka hadlayey arimaha Soomaaliya,
Mudane Payne waxa uu tibaaxey "in Soomaaliya
aysan joogin argagixiso, ururkii
maxkamaduhuna uusan ahayn mid argagiso ah".
Wuxuuna sheegay in uu aad u daneynayo sidii
nabadgekyo loogu soo dabaali lahaa
Soomaaliya, isla markaana ay muhiim tahay in
xalka Soomaaliya ka yimaado Soomaalida
dhexdeeda. Wuxuuna sheegay in lagama maar
maan ay tahay in Soomaalidu iska deyso
qaybsanka ku dhisan qaybyaalada ku dhisan
jilibeysiga iyo lafaha hoose, hadii ay
dooneyso in ay xal waara gaadhaan.
Intaas kadib, ayaa waxaa warbixinadoodii
bilaabey Xubnihii ka soo jeeday Jaaliyadaha
Geeska Afrika, waxaana halkaas warbixinta
1aad ka soo jeediyey xubin ku hadlayey Urur
lagu magacaabo SOMALI COUSE, xubinkaas oo ka
hadley xasuuqa ay ciidamada Itoobiya ka
wadaan Soomaliya iyo sida bulshada caalamku
uga indho qarsaneyso. Mas'uullka u hadlayey
Somali Couse ayaa sheegay in ay lagama maar
maantahay sidii loo ilaalin lahaa xuduuda
iyo wada jirka Soomaliya, isla markaana ay
ciidamada Itoobiya uga bixi lahaayeen
Soomaliya.
Waxaa isna goobtaas ka hadley Xubin ka
socdey Jaaliyda Eritrea, kaas oo si kooban u
sharaxay tarrikhda kooban ee xukumadihii
Itoobiya isaga dambeeyey, isaga oo sheegay
"in jirintaanka Xukumadihii Itoobiya ku
tiirsanaayeen dagaal joogta ah oo ay la
galaan deriskooda", wuxuuna intaas raaciyey
"in taliska hada higaanka u haya Addis Ababa
uu la mid yahay talisyadii hore"
Waxaa iyaguna halkaas ka hadley laba nin oo
ka kala socdey qoomiyadaha Gambela iyo
Oromada, kuwaas oo sheegay sida
bani'aadamnimada ka baxsan ee Xukumada
Itoobiya ula dhaqanto qoomiyadahooda.
Sidoo kale, Jaaliyada Ogadeniya oo ugu
badneyd ka soo qayb galayaashii Shirka
fadhiyey ayaa waxaa halkaas warbixin kasoo
jeediyey Maxamed Cabaas oo ku hadlayey
Magaca Jaaliyada Ogadeniya ee Minnesota.
Mudane Maxamed Cabaas, waxa uu ka hadley
muhiimada ay Xuquuqul Insaaku leedahay iyo
sida ay muhiimka u tahay in la difaaco.
Mudane Maxamed waxa uuu intaas raaciyey in
ay lagama maarmaan tahay in la helo
taageerada bulshada caalamka, gaar ahaan
kuwa jecel nabadgelyada, xoriyada iyo
madaxda la doortey ee u heelan wax ka
qabadka Xuquuqul Insaanka, sida Donald Payne
oo kale. Wuxuuna intaas ku darey "in aysan
xoriyad jiri karin ilaa la helo nabadgelyo"
Mar uu ka hadlayey mas'uuliyada dawlada
Maaykanka ka saaran xuquuqul insaanka, Muane
Maxamed Cabaas waxa uu yiri "Waxaan
wediisaneynaa dawlada Maraykanka in ay
taageerto kuwa xaq darada loo geystay, inta
ay taageerayso kaligiitaliyaasha Geeska
Afrika ka geysanaya falgalada ka baxsan
bani'aadamnimada , kuwaas oo ay ugu horeyso
Xukumada TPLF".
Waxaa xusid mudan in dadweynihii ka soo
qaybgalay kulankan ay ugu badneyd Jaaliyada
Ogadeniya, iyada oo aad calanka Ogadeniya ka
arkeyso isaga oo ka babanaya madasha shirka,
isla markaana aad maqleyso sacab iyo sawaxan
badan oo lagu taageerayo qadiyada Ogadeniya.
Gebogabadii, waxaa shirka hadalo dhiiri
gelin leh ka soo jeediyey Keith Ellison oo
ah Mudanihii ugu horeeyey ee Muslim ah ee
loo doorto aqalka Mudanayaasha Maraykanka,
isla markana ah ninkii ugu horeeyey ee madow
ah ee laga doorto Gobolka Minnesota. Mudane
Keith waxa uu aad ugu nuux-nuuxsadey sida ay
muhiim u tahay dadweynuhu ka qayb galaan
siyaasada si arimahooda loola socdo. Isaga
oo sheegay in mida kaliya ee
dhibaatooyinkooda loola socon karaa ay tahay
iyaga oo si joogta ah ula socodsiiya
mas'uuliyiinta ay quseyso.
:::: Sawirada
waan ka saarey, cilad awgeed
Ogaden Online News |