Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Ururka dhalinyarada Ogadenya OSF-Dk oo shir isugu yimid
Apr 13, 2008 Ururka ardayda dhalinyarada Ogadenya ee Denmark OSF-DK ayaa galabnimadii shalayto 12 April 2008 isugu yimid magaalada Copenhagen shir heersare ah oo ay kasoo qayb galeen wafti uu hogaaminayay gudoomiyaha ururka
ardayda ogadenya ee wadanka Ingiriiska Mudane Xassan Sh. Muxumed Iraad iyo Fatxi oo ahayd gabadh ka soctay
kana mid ah ururka dhalinyarada Ogadenya ee wadanka Maraykanka siiba SEATTLE WASHINGTON

Waftigan oo ka kooban 6 xubnood oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Denmark 10/04/2008 si ay uga qayb galaan shirka ururka OSF-Dk Waftiga ka socday UK iyo xubinkas ka socday USA ayaa dhammaantood kasoo jeediyey shirka khudbado dhaxal gal ah oo isugu jiray:
  • Ujeedooyinka ururada dhalinyarada Ogadenya.
  • Kaalinta dhalinyarada ogadenya ee qurbaha ee halganka hubaysan ee jwxo.
  • Isku xidhnaanshaha dhalinyarada Ogadenya ee dibad
    joogta ah iyo ka warhaynta dhulkoodii hooyo.
  • Wacyi galin iyo baraarujin guud.

Sidoo kale shirka waxaa kasoo qayb galay wajigiisii hore madax ka tirsan jwxo sida kuxigeenka iskuduwaha
guud ee jaaliyada N/Hure Gamaadiid,wuxuuna halkas kasoo jeediyey warbixino ku aadan halganka iyo xaalada
guud ee wadanku hadda marayo sidoo kale wuxuu dhalinyarada ku booriyey inay markasta isku
xidhnaadaan.

Dhanka aqoonyahanada u dhalatay ogadenya ayaan shirkan ka maqnayn waxaana khudbad gaaban oo mugweyn halkas kasoo jeediyey Dr.Yuusuf Cadami oo shirka uga taariikheeyey in dhalinyaradu tahay lafdhabarta bulshada iyo tiirka halgamada caalamku soo maray.

Shirkan oo socday ilaa sadedxii saqda dhexe ayaa waxaa sidoo kale warbixino kasoo jeediyey gudiga ururka
dhalinyarada Ogadenya ee wadanka Denmark,halka ay Kiin Aaden oo ururka u qaabilsan abaabulka kusoo bandhigtay gabay cajiib ah oo ka tarjumayay xaalada uu dalku ku sugan yahay iyo damanaanta dadka Ogadenya

Kasoo qayb galayaasha shirkan oo uu qaadi waayey hoolkii shirku ka dhacayay ayaa isaga kala yimid
dhamaan gobolada wadanka Denmark,waxana la isku afgartey si aan kala hadh iyo hagrasho lahayn loo
garab istaagayo halganka ay jwxo hurmuudka ka tahay

Shirka ayaa qaybtiisii dambe lagu soo gabagabeeyey ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee ay iska leeyihiin
ummadda Ogadenya sida Dhaantada,iyadoo ay halkaas diyaar ku ahaayeen faniin da,yar ah oo u dhalatay
ogadenya sida Cabdiraxmaan Koronto iyo Axmed Xeef.


Axmed Ibrahim
Copenhagen - Denmark
.

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.