|
|
|
|
|
Ururka Golaha Ardeyda Ogadeniya ee UK oo shir ku
qabtey Magaalada Birmingham |
Apr 09,
2008 Shir aad u balaadhan oo Ururka
Golaha Ardeyda Ogadeniya (Ogaden Students
Forum) ku abaabulayaan dhalinta Birmingham
ayaa ku soo gabagaboobay guul habeenimadi
Sabtida ee 5/04/08.
Shirkan Xubnaha OSF ee Birmingham oo ay
kasoo qeybgaleen Maamulka Sare ee OSF oo
iyagu kasoo socdaaley Magaalada London ee
xarunta ururka ayaa looga hadley sidii loogu
balaadhin lahaa Ururka OSF magaalo kasta oo
UK kamid ah, isla markaana sidii looga furi
lahaa xarun ururku leeyahay.
Shirkan oo san aheyn kii ugu horeeyay ee
Ururku ku qabto Magaalada Birmingham ayaa
ugu horeyntii waxaa furey Munasir oo isaga
halkaas kasoo jeediyay sida ay dhalinta
Somalida Ogadeniya ee Birmingham ugu
hanweenyihiin waxqabadka OSF, islamarkaasna
waxa uu ku soo warejiyay Gudoomiyaha Ururka
OSF Mudane Xasea Iraad.
Gudoomiyaha Ururka ayaa sheegay sida baahida
loogu qabo dhalinta iyo qorshayaasha Ururka
OSF ee ay ku talaabsanayaan ee lagu
balaadhinayo Ururka.
Ururka OSF ee UK waxa uu hada dirinayaan
waftiyo balaadhan oo Wadanka Denmark iyo
Sweden kulamo aqoon isweydaarsi ah ay kula
yeelanayaan Ururka OSF-Denmark Iyo Ururada
dhalinta Finland, Norwey, Holland oo isugu
imanaya Shir wadanka Sweden.
Hogaanka abaabulka ee Ururka OSF, Mudane
Mustafe (Daacad) ayaa sheegay in abaabulada
Ururka OSF ee ka wadaan wadamada
Yurub ay mida xoog badan ay kawadaan Wadanka
UK.
Waxa kale oo hadalo Gubaabo kasoo jeediyay
Sadiiq Cali Xaashii, Gudoomiyaha Jaaliyada
Birmingham oo ka codsadey Ururka OSF inay
sii xoojiyaan guubaaboyinkan isaga oo
sheegay in Ururkan gaadhey heer aad u
sareeya oo lagu daydo.
Xubnaha Ururka OSF oo isugu jira gabdho iyo
wiilal badidoodu yihiin Ardey dhigata
Jaamacadaha ayaa balan qaadey in
waxbarashada iyo khibrada ay heystaan ay ku
caawin doonaan horumarinta ururka. Muna
Yusuf Cadami ayaa tilmaamtey iyadu sida ay
muhiimka u tahay sidii Qadiyada Ogadeniya
loogu sameyn lahaa Saaxiibo. Halka Xubno
badan oo ay ka mid yihiin Sahra Axmed,
Shukri Maxamed, Najma, Nafisa iyo Samiya ay
sheegeen in ururku xooga saaro sidii wax
loogu qaban lahaa Qaxootiga Somalida
Ogadeniya ee ku bala-balsan Geeska Afrika.
Qaban qaabada shirkan ayaa waxaa si aad ah u
soo abaabuley dhalinta Birmingham ee kala
ah, Cabdi Casiis, Shabcaan, Yuusf Xaaji Cali,
Keydsane iyo Bashiir.
--Ogaden Online News
|
|
|
|
|