|
|
|
|
|
Ogaden Youth Leugue in Europe– Ururka
Dhalinyarada Ogadenya |
Ogaden Youth Leugue oo soo saaray baaq
canbaareeyn iyo digniin ah.
Sida lawada ogsoonyahay maamulka Puntland
ayaa 22kii bishan Abriil 2008 u gacan
galiyay taliska arxanka daran ee itoobiya
muwaadiniin reer Ogaadeenya ah oo sababo
kala duwan Garoowe u joogay. Iyadoo kal
horana silic ugu dilay magaalada Boosaaso
muwaadin kale oo aan waxba galabsan
xaaskiisiina dhaawac xun kaga tagay.
Waayadan danbe waxa aad u soo badanaya
dhibaatooyinka loogu geeysto Puntland
shacabka Ogaadeenya ee ku sugun halkaa.
Ujeedada kaliya ee loo dhibaateenayo
shacabkan ayaa ah in lagu raali galiyo is la
markaana dhawaansho looga raadsado taliska
cunsuriga ah ee itoobiya iyada oo markaa
kuwa falalkan ku kacayo is ka indho tiraya
cawaaqib xumada ka dhalan karta. Shacbiga
Soomaalida Ogaadeenya ayaa ku guda jira
halgan siyaasadeed iyo mid hubeeysanba sidii
eey u heli lahaayeen xaqa eey u leeyihiin in
aayahooda ka tashadaan taas oo waafaqsan
qawaaniinta caalamiga ah.
Shacabka Soomaalida Ogaadeenya iyo kan
Puntland ayaa wadaaga xiriir darisnimo iyo
mid wado dhalasho taas oo uu macnaheedu
yahay in aan marnaba wax xumaana laga filayn
reer Puntland, nasiibdarase waxey si
badheedh ah cadawga umada Soomaaliyeed ugu
gacan galiyeen muwaadiniin reer Ogaadeenya
ah oo iyaga marti u ahaa.
Canbaareeyn.
1) Ururka dhalinyarada Ogaadeenya wuxuu
canbaareeyn dusha ugu tuurayaan maamulka
Puntland ee ku kacay ficiladan waxashnimada
ah ee ka fog Islaanimada, dhaqanka toosan ee
Soomaaliyeed is la markaana uusan ku
dhaqaaqi Karin shaqsi bani’aadam ah oo leh
damiir iyo maskax fayoow.
2) wuxuu kaloo ururku canbaareeynayaa,
Odayaasha, Culuma’amudiinka, Aqoonyhanada
iyo bulsha-weynta Puntland ee aan ka
gilgilan is la markaana aamuska ku taageeray
maamulka Puntland ee godobta intaa la’eg
geeystay. Cawaaqib xumadii ka dhalatana
waxey dusha ka saaran tahay maamulka
Puntland.
Digniin,
Waxeynu nahay umad Soomaaliyeed oo
Islaanimada aaminsan, jecelna darisnimo
wanaaga iyo wada noolaanshaha. Waxaan ugu
baaqaynaa dhamaan Soomaalida in si wada jir
ah is ku meel looga soo wada jeesto
cadawgeena daa’inka ah. Waxaan sidoo kale ka
digaynaa dhibaato shacabkayaga loo geeysto.
Xad gudub lagu sameeyo umadeena
Codsi
Ururku waxuu ka codsanayaa dhamaan shacbiga
ogadenya meel kasta uujogo inay arintan &
kuwa kale ee lamid ka ahba jawab muuqata
kabixiyaan una diyaar garoobaan inay
cadawgooda noocyada badan leh ka aargoostaan
cidwalbana sida ay udhqanto inlooga abaal
mariyo oo aan dulqaad intii hore ka badan la
samayn
Ururka dhalinta ogadenya ee EUROPE
E-mail ;
Ogadenyl@yahoo.com
|
|
|
|
|