|
|
|
|
|
Ogaden Youth Network |
KA: Ururka
Dhalinyarada Ogadenya (Ogaden Youth Network)
KU: Maamul Goboleedka Puntland
KU: Maamul Goboleedka Somali Land
KU: Maamulka Ethiopia
KU: Shacabka Puntland
KU: Shacbi waynaha Somaliyeed
KU: Beesha caalamka
Ujeedo: Baaq Canbaarayn ah oo ay ururka
dhalinyarada Ogadenya u
Soo jeediyeen Maamul Goboleedka Punt land.
April 28, 2008
Kadib markay ururka dhalinyarada Ogadenya [Ogaden
Youth Network (O.Y.N)] oo uu fadhiisinkoodu
yahay cariga Maraykanka ay baadhitaan qoda
dheer ku samameeyeen falkii foosha xumaa ee
ay hadhkoo cad u soo xayd xayteen fuliyeena
maamulka biidhi qaata yaasha ah ee Punta
land 22/4/2008 kana fuliyeen maqagaalada
Garawe Somaliya, kuna fuliyeen 2 muwaadhin
oo u dhalatay Somalida Ogadenya, isla
markaasna ahaa masuuliyiin ka tirsan xubnaha
golaha dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta
Ogadenya (JWXO/ONLF) masuuliyiintan oo
lakala yidhaahdo:-
1) Abdinuur Mohamed Soyan
2) Dhiire Caafi
Waxa ay ururkan dhalinyada Ogadenya
goansadeen inay soo saareen bayaankan
canbaaraynta ah:
1-Canbarayn:
Wuxuu ururka dhalinyarada Ogadenya (O.Y.N)
si adag u canbaaraynayaa falkii
cadowtinimada ahaa ee ay maamul goboleedka
Puntland 2 ba masuul oo O.N.L.F ah ugu gacan
galiyeen cadowga taarikhiga ah ee
Soomaaliyeed (Ethiopia), falkan ay ku
dhaqaaqeen Maamulka Puntaland ayaa wuxuu
ururka dhalinyarada Ogadenya u arkaan
nasiibdaro u soo hooyatay shacabka iyo
maamul Goboleedka calooshood
ushaqaystayaasha ah ee Puntland, falakan
ayaa wuxuu daliil cad u yahay mususqmaasuqa
baaxada leh ee ka jira Puntland.
Waxaa wax laga yaqyaqsado ah ah inay maamul
Goboleedka Puntland ay ku kaceen ka
ganacsiga binii adamka khaasatan ka
baayacmushtarida walaalaha Soomaaliyeed
ayaga oo ku dayana wadadi khaldanayd ay
maamul goboleedka Somali Land jeexday is
larkaana ay shacabka ugacan galinayaan
cadwga soomaaliyeed (Ethiopia). Falkan ay
maamul goboleedka Puntland ku dhaqaageen
ayaa ah mid aan sal iyo raad toona ku lahayn
sharciga Islaamka islamarkaasna ka soo
horjeeda xuquuqul insaanka, dhinaca kalana
kaganacsiga binii aadamka aya ah waxyaabaha
dunida laga mamnuucay qarnigii 18 naad.
Ku mansab iyo magac raadsashada
muwaadidiinta ree Ogadenya ayaa ah mid ay
hada kohor mamul kusheega Somali Land ku soo
hongoobeen ayaga oo shacab badan oo Ogadenya
u dhashay u gacan galiyay cadowga Ethiopia
kadibna ayna wax wanaaga kaga helin cadowgii
Ethiopia ee ay gacan yaraha u ahaayeen,
sidaa darted ayaa wuxuu ururka dhalinyarada
Ogadenya aaminsanyahay inayna Maamul
Goboleedka Puntaland ku najaxaynin wax
horumar ahna ka gaadhaynin afduubida ay
afduubayaan muwaadiniinta Soomaalida
Ogadenya.
Laga bilaabo 22/4/2008 Kadib markay cadaatay
afduubida iyo ka ganacsiga ay maamul
goboleedka Puntland kula kaceen
muwaadhiniinta iyo madaxda Ogadenya waxay
Ururka Dhlinyarada Ogadenya (OYN)
cadaynayaan inay Puntland u aqoonsanyihiin
danbiilayaal kuna dareen buuga taariikhda ee
madow oo ay horyaalka ka tahay maamul
goboleedka Somali Land oo ayadu ku
caanbaxday ka ganacsiga walaalaha Somaalida
Ogadenya.
2- Talo- Shacbka Puntland:
Ururka dhalinyarada Ogadenya waxay shacabka
nabada iyo dariswanaaga jecel ee Puntland
kula talinayaan inay ka gadoodaan falalka
waxshinimada ah ay maamulka mususqmaasuqa ku
caanbaxay ee Puntland kula kacayaan
walaalahooda Somalida Ogadenya oo aan wax
khalkhal ah ku haynin wadanoolaanshaha,
xasiloonida, ganacsiga iyo macaamilka labada
shacab ee Ogadenya iyo Puntland.
Kaa aamusid ama talaabo muuqata oo ay
shacabka Puntland ka qaadi waayaan falkan ay
mamulka Punta land ku dhaqaaqeen ayaa waxay
ururka dhalinyarada Ogadenya u arkaysa, inay
shacabka Puntland raali kayihiin falka ay
Maamulkoodu fuliyeen.
Ururka dhalinyarada Ogadenya waxay u soo
jeedinayaan shacabka Puntaland ee waxgaradka
ah nabada iyo wada noolaanshahana qadariya
inayna arintan dhayalsanin sharcigana ay la
tiigsadaan xubnihii kadanbeeyay afduubidii 2
da masuul ee ONLF iyo muwaadiniintii
somalida Ogadenya ee sida silaca ah ugu
dhintay xabsiyada puntland. Danbiilayashaas
oo ugu Horeeyo W. Maaliyada Puntland Mohamed
Ali Yusuf "Ga Gaab"
3-Digniin- M.G Puntland
Ururka dhalinyarada Ogadenya waxay uga
digayaan maamul goboleedka Puntland ee ka
amar qaata maamulka kaligii taliye Meles
Zenawi inay falalka aysan kafiirsanin ay
kula kaceen muwaadininta Somalida Ogadenya
ay kaliya abuurayso colaad iyo cadaawad ka
dhex dhacda labada shacab ee walaalaha ah
taasoy cawaqibteedu noqonkarto daganaansho
laanta geeska Africa oo sii korodha iyo
darisxumo soo kala dhexgasha labada shacab
ee aan dakane dhex oolijirin.
Ururka dhalinyarada Ogadenya waxay maamul
Goboleedka Puntland uga digayaan caadaysiga
iyo fulinta awaamiirta cadowga Soomaaliyeed
(Ethiopia) oo uu hadafkoodu yahay burburinta
sharaftii soomaaliyeed iyo abuurid colaada
uu dhexdhigo shucuubta Soomaaliyeed.
Ururka dhalinyarada Ogadenya waxuu
ugadigayaan maamul goboleedka Puntland,
ficilada noocan oo kale ah oo ay caadaystaan
una cadaynayaan cawaaqib xumida ka timaada
inaay tunka saaranayan masulna ayagu
kayihiin.
4-Codsi- Ssacbiwaynaha Somaliyeed/ Beesha
Caalamka
1- Ururka dhalinyarada Ogadenya waxay ka
codsanayaan shacbi waynaha somaliyeed ee
jecel nabada iyo dariswanaga inay
canbaareeyaan falalkan foosha xun eey Maamul
goboleedka Puntland ku madoobaynayaan kuna
bahdilayaan taariikhdii Somaliyeed ee u
wanaagu gundhiga u ahaa.
2- Ururka dhalinyarada Ogadenya wuxuu ka
codsanayaa beesha caalamka inaysan indhaha
ka laaban, canbaareeyaana falalka kadhanka
ah xuquuqul insaanka ee ay Puntland,
Somaliland iyo Ethiopia kula kacayaan
muwaadiniinta Ogadenya ee aan waxba
galabsanin.
3- Ururka Dhalinyarada Ogadenya waxay beehsa
caalamka ka codsanaysaa inay maxkamad soo
joojiso dadka danbiyada dagaalka ee
biniiadamnimada kadhanka ah shacabka
Ogadenya Kagalay meelkastoy dunida
dacaladeeda kaga noolyihin. Danbiilayashan
oo ay ugu horeeyaan:-
Ø Maamulka Meles Zenawi ee Ethiopia
Ø Maamul Goboleedka Somali Land
Ø Maamul Goboleedka Punt Land.
Bayaankan waxaa go-aan ururnimo ku soo
saaray:-
Maamulka,
Ogaden Youth Network. (O.Y.N)
U.S.A |
|
|
|
|