|
|
|
|
|
Jaaliyada Putland ee ku dhaqan Bariga Afrika oo
canbaareeyn usoo jeediyay Maamulka Putland |
najax maxamed
cali
najax.usa@hotmail.com
Jaaliyada Putland ee kasoo jeedo Bariga
africa ayaa shir ay maanta ku qabten
magaalada nayroobi waxeey ku canbaareeyeen
falaalka ay sheegeen in ay sameyeen Madaxda
Maamuul Goboledka Putland oo ay Dad
Soomaaliyeed, oo kasoo jeedo Gobalada
Ogaden-iya ay gacan ugu galiyeen Dowlada
Itoobiya.
waxaana shirkaasi soo qaban qaabiyay
dhalinyarada reer Buutlaan ayadoona ay kasoo
qeyb galeen shirkaas wax Garadka, iyo Culumo
ow diinka, iyo Ganacsatada, kasoo jeedo
Gobolada Putland, hadalona ay halkaas ka
jeediyeen qaarkood, oo ahaa Ganacsatada, iyo
waliba Culumo owdiinka.
Waxeyna ku cambaareeyeen sida ay sheegeen
waxa ay sameeynayaa qaar katirsan madaxda
Putland ooy ku sheegeen in ay kadanbeeyeen
ugacan galinta Dad Shacab ah oo kasoo jeedo
Dhulka ay Itobiyo gumeeysato ee ladhaho
Ogaadeeniya oo laga qabtay dhawaan Gobolada
Puland loona dhiibay Cadowga Soomaaliyo ee
Itoobiyo sida ay sheegeen waxa ayna intaas
kudareen in ay Maamulka Putland Raga hada u
hayo talada ay doonayaan iney aburaan colaad
hor leh oo dhex marto dadka walaalaha ah ee
aynan hada kadhexeeynin colaadu. wada
dhalashada iyo dariswanaaguna hada uu ka
dhexeeyo.
Siyaasinta kahadlay Kulaankaas waxaa kamid
ahaa Ismaaciil Xaaji Warsame oo ku hadlay
afka Siyaasiyinta iyo wax Garadka kana
tirsanaa Baarlamaankii dowladii Rayidka,
waxa una sheegay in uu aad oga xun yahay
kana tacsiyeeynaayo, wax hada ka dhacaayo
Gobalada Putland, wuxuu tilmaayay in aay
jiraan qaar katirsan Madaxda hada talada u
hayso Putland in ay qabteen Dad shacab ah oo
kasoo jeedo Gobalada Ogaadeeniyo, ayna ka
qab qabteen gudaha Maamul Goboleedka putland
una dhiibeen ciidamada dowlada itoobiyo,
Kuwaasoo uu sheegay in hada ay ku jiraan
xabsiyada dowlada itoobiyo.
Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday waxa
hada kadhacaayo Caasimada Soomaaliyo ee
Muqadhisho in ay tahay wax laga noxo Asagona
yiri "Dowladda ma ahan nin guri isku xiray
Dadkii shacabka ahaan gumaaday, waad
ogtihiin Itoobiyo waxaa nagala dhaxeeyso
cadaawad, goorma ayaa laxaliyay cadaawadii
hada waxaa ay Itoobiyo ku leyneeysaa maalin
kasto Dadkii Soomaaliyeed gudaha Soomaaliyo
taasna waxaa kadanbeeyso Dowlada Soomaaliyo"
ayuu yiri Ismaaciil Xaaji Warsame oo ay caro
kamuuqatay wajiiga xiliga uu hadlaayay.
Sidoo kale Dadkii ka hadlay halkaas waxaa
kamid ahaa Axmed Jabriil Jandheer oo siyaasi
ah, Aadan Cukaash oo katirsan Culumo
owdiinka. C/laahi Xasan oo asagan Ganacsade
ah, iyo Mahdi Adan oo ku hadlay Afka
dhalinyarada, kuwaasoo kasoo wada jeedo
Gobolada Putland.
ugu danbeyntii Bayaanka ay kasoo saareen
Jaaliyada Putland ee ku dhaqan Bariga Africa
ayeey kusheegeen in Maamul goboledka putland
uu hareermaray hadafkii loo aas aasay marki
hore waxeeyna soo saareen Bayaan ka kooban
ilaa lix qodob oo ay ku camanbaareeynayaa
falal ka guracan ee foosha xumaa ee ay
sameyeen madaxda Putland sida ay ku sheegeen
Bayaankoodi waxaana ku saxiixnaa ilaa sagaal
iy labaatan qof 29 oo iskugu jiro wax garad,
Culumo owdiin, Siyaasiyiin, iyo waliba
dhalin yaro.
C/salaan Maxamed Cali (najax)
najax.usa@hotmail.com |
|
|
|
|