Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Barnaamijkii Radio Xoriyo 08 Apr 2008.

  • Caasimada gumaysiga oo koronto la’aani hayso.

  • Jabuuti oo raadinaysa niman carruur faraxumeeyay.

  • Ridwaan xassan Saahid oo ay ciidamada gumaysigu marjiyeen oo aan waraysanay(Qiso murugo leh).

Caasimada gumaysiga oo koronto la’aani hayso.

Caasimada gumaysiga Itoobiya ee Addis Ababa ayaa la filayaa in seddexda bilood ee soo socda ay koronto la’aani ku dhici doonto, sababtuna waxay tahay iyadoo xarunta xoogga korontada ee Addis Ababa ay dabooli karto oo kaliya 60% baahida koronto ee Addis Ababa, sidaas waxaa lagu sheegay warbixin dhawaan la soo saaray.

Magaalada Addis Ababa, oo ay ku nool yihiin dad gaadhaya 4 milyan oo qof, ayaa la sheegayaa in korontada laga isticmaalo ay gaadhayso 200 oo megawatts, hase yeeshee xarunta xoogga korontada Addis Ababa waxay dhalin kartaa 120 megawatts oo kaliya.

Xukuumadda gumaysiga Itoobiya waxay Bangiga Adduunka ka amaahatay lacago malaayiin dollar gaadhaya, kuwaasoo ay sheegtay inay ku horumarinayso xarumaha xoogga koronto dhalinta ee dalka, hase yeeshee waxaa muuqata in lacagahaasi ay ku urureen jeebabka Males iyo gacan-yaryaashiisa.

Jabuuti oo raadinaysa niman carruur faraxumeeyay

Maxkamad ku taalla dalka Jabuuti ayaa soo saartay xukun ku saabsan in la soo qabto 5 nin oo u dhashay dalak Faransiiska, kuwaasoo lagu eedeeyay inay carruur ku faraxumeeyeen waddanka Jabuuti. Nimankani waxay kala ahaayeen laba macalin, nin wadaad ah iyo labo nin uu la-taliyayaal u ahaa madaxwaynihii hore ee Jabuuti, waxayna dhammaantood ka shaqayn jireen Jabuuti markii ay denbiyadan gaysteen.

Nimanka denbiyadan loo haysto, oo hadda Jabuuti ka maqan, ayaa lagu eedeeyay inay faraxumeeyeen carruurtan sannadihii sagaashameeyadii. Labo carruurtaas ka tirsan, oo hadda labaatameeyo jira, ayaa ka xog-warramay dhibaatooyinka faraxumayneed ee xilligaas loo gaystay. Waxay kaloo sheegeen in carruur kale oo dhiganayay dugsiyada dalka Jabuuti ama lagu hayay xarumaha agoonta lagu xannaaneeyo iyagana dhibaatadan oo kale loo gaystay.

Shantan nine e denbiyada loo haysto lama garanayo meel ay hadda ku sugan yihiin, ilaa iyo haddana waxa fal-celin ah oo ay xukunkan ka bixiyeen ma jiro, sida uu sheegay denbi baadhe kayskan gacanta ku haya.


08 April 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com


Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah 7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.