Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Barnaamijkii Radio Xoriyo 10 Apr 2008.

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha
Ciidammada Itoobiya oo lagu eedeeyay xadgudbyada ay ka wadaan Soomaaliya
Eritereya oo beenisay eed-sheegashada Jabuuti
Xukuumada Gumaysiga oo ku guuldaraysatay inay safiir cusub ku yeelato Australia.
Banaanbax lagu cambaaraynayay maamulka Puntland oo ka dhacay Afmadow(Waraysi Suldaan Saabir Khaliif)

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga

Toddobaadyadii ina dhaafay dagaallo badan oo dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay ugu yaraan 91 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 107 askari. Waxaa kaloo ciidammada gumaysiga dagaalladaas lagaga furtay hub kala duwan, sidaas waxaa noo soo shaagay wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasina waxay u dhaceen sidatan;

08/05/08 Bashuuro, oo Fiiq ka tirsan, waxaa lagu weeraray ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u joogay, waxaa weerarkaas lagaga dilay 3 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay. Waxaa sidoo kale lagaga furtay hub iyo saanad kale oo millatari.

07/05/08 dagaal ka dhacay Miir-danbas, oo Caado u dhaw, waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 2 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

03/05/08 dagaal ka dhacay Cawl-ku-dhal, oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur, waxaa ciidammada gumatysiga lagaga dilay 4 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

02 iyo 03/05/08 weerarro gaadmo ah oo lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u joogay Samu, oo ka tirsan degmada Dannood, waxaa gumaysiga lagaga dilay 8 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 02/05/08 dagaal ak dhacay duleeska Garasley, oo ka tirsan degmada Dhuxun, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

02/05/08 dagaal adag oo ka dhacay duleedka Dudumo-cad, oo ka tirsan degmada Fiiq, waxaa ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga lagaga dilay 12 askari, 15 kalana waa lagaga dhaawacay.

28/04/08 cutubyo ka tirsan CWXO ayaa weerarro la isku beegay oo mir ah ku qaaday seddex xero oo ciidammada gumaysigu ku leeyihiin magaalada Fiiq, waxaana inta la ogyahay weerarradaas cadowga lagaga dilay 45 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay in ka badan 50 askari. Weerarradan ayaa ahaa kuwo si fiican loo qorsheeyay, waxaana la gubay qaybo ka mid ah xeryihii la weeraray.

21/04/08 Gidhibka, oo Godey ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

15/04/08 dagaa isaguna ka dhacay duleedka Laas-dhankayrre, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 7 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha

Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa waxyeellooyin kala duwan u gaystay dadwayne rayad ah oo ku sugan meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.

05/05/08 Xero-safar, oo ka tirsan degmada Dhuxun, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Faalug C/raxmaan iyo
2- Deeq Axmed Taajir

Isla 05/05/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Dannood ku xidhxidheen dad badan oo shacab ah, waxaana magacyadooda helnay dadka kala ah;
1- Axmed Daa’uud Xaashi
2- Xasan-raage Saahid
3- Sh C/llaahi Saahid
4- Dhabbar Saahid iyo
5- Xasan C/llaahi Aaden

30/04/08 Gudhis waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Sahra Gaboobe
2- Sacda Bashiir Aaden
3- Buux Cakuulle Axmed
4- Axmed Nuur Cabdixayi iyo
5- C/llaahi Xukun Amiir

29/04/08 magaalada Garbo waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen gabdhaha kala ah;
1- Ruqiya C/qaadir Qalinle iyo
2- Hinda Nadiir

28/04/08 magaalada Iimey waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen ninka lagu magacaabo Cabdi Xuseen Qorof.

27/04/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Dhagaxbuur ku xidhxidheen labo gabdhood oo lagu kala magacaabo;
1- Xabsa Aw Muuse
2- Caasha Amal Cumar

Ciidammada Itoobiya oo lagu eedeeyay xadgudbyada ay ka wadaan Soomaaliya

Ururka xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa si kulul u eedeeyay xadgudubyada naxariis darrada ah ee ciidammada gumaysiga Itoobiya ka wadaan dalka Soomaaliya.

Ururka Amnesty International warbixin uu toddobaadkan soo saaray ayuu ku sheegay in dadka soomaaliyeed loo gaysto dil, kufsi, jidhdil, isla markaana hantida la booboo oo xaafado dhan la burburiyay guud ahaantoodba.

Dad uu waraystay ururka Amnesty International oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay dadka si ba’an loo xasuuqo, iyadoo ragga Xiniinyaha laga gooyo intaan la dilin, dumarkana la kufsado. Xadgudubyadan ayaa lagu eedeeyay ciidammada gumaysiga Itoobiya ee haysta dalka Soomaaliya iyo malleeshiyooyinka dowlaga ku meelgaadhka ah ee la hawlgala ciidammada Itoobiya.

Ururrada Bulshada ee ka hawlgala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in warbixinta Amnesty International ay wax yar ka tilmaantay dhibaatooyinka ay ciidammada Itoobiya ka gaystaan dalka Soomaaliya, iyagoo intaas raaciyay inay adag tahay in xadgdubyadaas la wada-ogaado, maadaama oo ururrada xuquuqul insaanka laga mamnuucay dalka Soomaaliya, ururrada samafalkuna ayna si fiican uga hawlgalin.

Ciidammada Itoobiya ayaa sida caadada u ahayd waxay cagta mariyeen dadwaynaha rayadka ah ee Soomaaliya, ka dib markii ku guul darraysteen inay iska caabiyaan xoogagga soomaaliyeed ee la dagaallamaya, kuwaasoo beryahan denbe guulo la taaban karo ka soo hoyiyay ciidammada gumaysiga, isla markaana ka qabsaday magaalooyin badan oo ay horay u haysteen.

Eritereya oo beenisay eed-sheegashada Jabuuti

Dowlada Eritereya ayaa beenisay eed-shaagasho kaga timid dhinaca Jabuuti oo ku saabsan in ciidammada Eritereya ay galeen qaybo ka mid ah dalka Jabuuti.
Dowlada Jabuuti ayaa horraantii toddobaadkan waxay warqad cabasho ah u qortay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo ay ka codsatay inuu soo kala dhex-galo iyada Eritereya oo isku khilaafsan tuulo xadka ku taalla oo lagu magacaabo Doumeira.

Dowlada Jabuuti ayaa cabashadeeda ku sheegtay in Eritereya ay maab cusub samaysay, kaasoo ay ku muujinayso in tuulada Doumeira ay ka mid tahay dhulka Eritereya.

Danjiraha Eritereya ee Midowga Yurub ayaa sheegay inaanuu warqadaas waxba kala soconin, isla markaana ay dowlada Eritereya aad ula fajacday eed-sheegashada Jabuuti. Wuxuu kalo intaas raaciyay in dalka Eritereya aanuu wax dhibaato ah la wadaagin Jabuuti, waligiina aanuu dhibaato u gaysanin.



10 May 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com


Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah 7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.