|
Dagaallo badan oo oo lagu jabiyay ciidammada
gumayisga
CWXO ayaa muddo labo toddobaad gudohood ah
ka dilay ciidammada gumaysiga Itoobiya ugu
yaraan 154 askari, ka dib markii dagaallo
qalqallafsani ku dhex-mareen meelo kala
duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, waxay sidoo
kale ka dhaawaceen in ka badan 84 askari.
Ciidammada gumaysiga waxaa kaloo laga gubay
hal baabuur oo Uuraal ah, waxaana laga
furtay hub kala duwan, sidaas waxaa noo soo
sheegay wariyaha Ogaadeenya nooga soo
warrama. Dagaalladaasi waxay u dheceen
sidatan;
10/04/08 dagaal ka dhacay Cadaley, oo
Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 2 kalana
waa lagaga dhaawacay.
09/04/08 Ciidadow. Oo degmada Sagag ka
tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
gubay hal baabuur oo Uuraal, waxaana
baabuurkaas ku dhintay in ka badan 50 askari
oo ciidammada gumaysiga ka mid ah. Waxaa
sidoo kale ku baaba’ay hubkii ay
ciidammadaasi wateen oo dhan.
Isla 09/04/08 Cali San-cad, oo Dhuxun ka
tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 4 kalana
waa lagaga dhaawacay.
08/04/08 dagaal ka dhacay Cawa-keen, oo
Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 5 kalana
waa lagaga dhaawacay.
06/04/08 Tuur-xanan, oo Sagag ka tirsan,
dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 8 askari, 12 kalana waa lagaga
dhaawacay.
05/04/08 Qarjajabo, oo Dhuxun ka tirsan,
dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 11 askari, 7 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 05/04/08 Qoofal, oo Sagag ka tirsan,
dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Sidoo kale 05/04/08 laba dagaal oo ka kala
dhacay Qalloocan iyo Sanka-dhane, oo
duleedka Birqod ku yaalla, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 7 kalana
waa lagaga dhaawacay.
Isla 05/04/08 Banka-qodax, oo Garbo ka
tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 7 askari, 4 kalana
waa lagaga dhaawacay.
04/04/08 dagaal ka dhacay Dal-la-helay, oo
Sagag ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 5 askari, 3 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 04/04/08 Higlaale-biir, oo degmada
Dhanaan ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari,
1 kalana waa lagaga dhaawacay.
03/04/08 dagaal ka dhacay meesha lagu
magacaabo Mindhicir, oo Dhagaxbuur dusheeda
ah, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay
2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 03/04/08 dagaal isaguna ka dhacay
Hodan-wayne, oo ka tirsan degmada Fiiq,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4
askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
02/04/08 Dhanqa, oo Fiiq ka tirsan, dagaal
ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay 5 askari, 7 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 02/04/08 Xero-dago, oo Dhuxun ka tirsan,
dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 2 askari, 2 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Sidoo kale 02/04/08 dagaal ka dhacay
Qorraxda, oo ka tirsan degmada Godey, una
dhaw Laab, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay 1 askari.
Sidoo kale 02/04/08 dagaal isaguna ka dhacay
Waab, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari,
2 kalana waa lagaga dhaawacay.
02/04/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar
mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga eek u
sugan Haar-cad, waxayna gaadhsiiyeen
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
31/03/08 dagaal ka dhacay Walwaal, oo
degmada Wardheer ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 1 kalana
waa lagaga dhaawacay.
29/03/08 weerar mir ah oo ciidammada
gumaysiga loogu gaystay Garoonka Dayuuradaha
ee magaalada Dhagaxbuur, waxaa lagaga dilay
9 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay inta
la ogyahay.
Isla 29/03/08 dagaal isaguna ka dhacay Dhala-cad,
oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 8 askari, 3 kalana
waa lagaga dhaawacay.
19/03/08 Gol-gumar, oo Dhuxun ka tirsan,
dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Kanaalka Aljazeera oo billaabay
barnaamijyo Ogaadeenya ku saabsan
Kanaalka Aljazeera, qaybtiisa afcarabiga ah,
ayaa khamiistii laga billaabay barnaamijyo
ku saabsan dalka Ogaadeenya. Kanaalka
Aljazeera, oo ka mid ah kanaallada adduunka
ugu caansan ee dadka ugu badani ay
fiirsadaan, ayaa dhawaan suxufiyiin u
dirsaday dalka Ogaadeenya, kuwaasoo ku soo
wareegay dalka Ogaadeenya qaybo ka mid ah
iyagoo ay CWXO hagayaan.
Qabybtii ugu horraysay ee barnaamijyadaas,
oo socon doono ilaa iyo arbacada soo socota,
waxaa lagu soo qaatay doorka ay haweenka
reer Ogaadeenya kaga jiraan nolosha adagee
bulshada Ogaadeenya ku nooshahay, iyagoo
isku wada doorkii hooyanimo iyo doorka
hormuudka ah ee ay kaga jiraan halganka
hubaysan ee lagaga soo horjeedo gumaysiga
Itoobiya.
Barnaamijyadan ayaa maalin walba lagu soo
celceliyaa dhawr mar, si ay uga bogtaan
daawadaayaasha kanaalkaas oo malaayiin
gaadhaya, isla markaana ku kala baahsan
dunida dacalladeeda oo dhan.
Waa markii ugu horraysay ee tilifishin
madaxbannaan oo caalami ah uu fursad u helo
inuu dalka Ogaadeenya galo oo barnaamijyo ka
sameeyo, waxaana la filayaa in
barnaamijyadani ay wax badan ka baddalaan
qadiyada Ogaadeenya iyo sida uu caalamku ula
socdo, waxaana hawshan qarada-wayn Aljazeera
u sahlay ciidammada geesiyiinta ah ee
xoraynta Ogaadeenya oo si cad ugu awood
sheegtay ciidammadii gumaysiga ee isku dayay
inay carqaladeeyaan.
12 April 2008
Axmed Gaal-Eri
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |