Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Barnaamijkii Radio Xoriyo 13 May 2008.

WFP oo dhimay hawlihii uu ka waday Ogaadeenya
Jaaliyada Ogaadeenya ee KA oa fashilisay xaflad Itoobioya loo qabtay
Ciidammada Suudaan oo ugaadhsanaya kooxihii inqilaabka isku dayay
Shir balaadhan oo ay isugu timid jaaliyadda Finland iyo gudoomiyaha jwxo oo khadka Telefon ka kaga qayb qaatay shirkaas.

WFP oo dhimay hawlihii uu ka waday Ogaadeenya

Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobay WFP ayaa daboolka ka qaaday inuu dhimay hawlihii uu ka waday meelaha ay Abaaruhu waxyeelleeyeen ee Ogaadeenya ka mid tahay, ka dib markii ay deeq bixiyayaashu ugu deeqi waayeen lacagihii uu dalbaday.

Bayaan uu WFP soo saaray wuxuu isniintii ku sheegay inuu dhimayo kala badh hawlihii uu ka waday Itoobiya, isagoo 163 degmo ku soo koobay gargaarkii uu gaadhsiin jiray 342 degmo oo ku yaalla Ogaadeenya iyo Itoobiya.

WFP wuxuu caalamka deeqda bixiya ka codsaday inay ugu yaboohaan 76.4 milyan oo doollarka Maraykanka ah, si uu ugu quudiyo hooyooyinka iyo carruurta shan sano ka yar ee dhibaatadu ka soo gaadhay Abaaraha.

WFP wuxuu sheegay in kaydkii cuntada ee u yaallay uu aad isu dhimay, sidaas darted aanay suuragal u ahayn inuu sii wado gargaarkii uu gaadhsiin jiray hooyooyinka iyo carruurta dhibaataysan ee nafaqa xumada ba’ani ka soo gaadhay Abaaraha ka jira Ogaadeenya iyo Itoobiya.

Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP wuxuu sannadkii 2007 sheegay inuu gargaar joogto ah gaadhsiiyo in ka badan 1.1 milyan oo qof oo ku nool Ogaadeenya iyo Itoobiya.

WFP, in kastoo uu ku dhawaaqay inuu gargaar gaadhsiiyo dadwaynaha Ogaadeenya ay Abaaraha ku tabaaloobay, haddana gargaarkaas intiisa badan wuxuu gacanta u galaa ciidammada Itoobiya oo siday rabaan u isticmaala. Ururrada kale ee samafalka ah ayaa iyagu diiday inay gargaarka si toos ah ugu wareejiyaan ciidammada Itoobiya, taasoo keentay in laga xayiro inay ka hawlgalaan dalka Ogaadeenya.

Jaaliyada Ogaadeenya ee KA oa fashilisay xaflad Itoobioya loo qabtay

Jaaliyada Ogaadeenya ee dalka Koonfur Afrika ayaa si fiican u fashilisay xaflad lagu qabtay xarunta Baarlamaanka Afrika PAP oo loogu dabbaal-degayay waxa loogu yeedho kun guurada taariikhda Itoobiya (millanium). Munaasabad, oo Itoobiyaanku ugu talagaleen inay taariikhdooda beenta ah caalamka kaga dhaadhiciyaan, ayaa isu rogtay goob lagu soo bandhigo wajiga xaqiiqda ah ee taliska Itoobiya.

Xubno ka tirsan Jaaliyada Ogaadeenye ee Koonfur Afrika ayaa xarunta horteeda ku sameeyay bannaanbax qorshaysan, iyagoo xubnihii bannaanbaxan fuliyay ay boodhadh waawayn xabadka iyo dhabarka soo sudheen. Boodhadhkaas waxaa ku qornaa hal ku-dhagyo tilmaamaya gabood fallada Itoobiya ku hayso shacbiga Ogaadeenya iyo sida shacbiga Ogaadeenya uu xaq ugu leeyahay inuu xorriyadiisa helo.

Xubnahan, oo taagnaa irrida laga galo xarunta PAP, ayaa qof kasta oo xarnuta galaya waxay siinayeen qoraal shan bog ka kooban oo ka hadlaya qadiyada Ogaadeenya iyo in Itoobiya ay ka been-sheegayso xaqiiqda, isla markaana taliska ka jira uu yahay cadowga dimuqraadiyada iyo nabad ku wada-noolaanshaha.

Safiirka taliska Addis Ababa u fadhiya dalka Koonfur Afrika ayaa tallaabadan aad uga xanaaqay, wuxuuna isku dayay inuu ciidammada ammaanka ee Koonfur Afrika ka dhaadhiciyo in bannaanbaxan la kala eryo, hase yeeshee ciidammada ammaanka ee Koonfur Afrika ayaa us heegay in bannaanbaxani uu yahay mid sharci ah.

Mid ka mid ah dadwaynihii bannaanbaxa ka qayb galayay ayaa intuu u dhawaaday safiirka Itoobiya oo aad u xanaaqsan, wuxuu ku yidhi “Waxaan ku baraynaa dimuqraadiyada”.

Ciidammada Suudaan oo ugaadhsanaya kooxihii inqilaabka isku dayay

Ciidammada Suudaan ayaa wali ugaadhsanaya kooxihii weerarka kadisada ah ka fuliyay magaalooyinka Khartuum iyo Ummu Durmaan dhammaadkii toddobaadka oo ka tirsanaa Dhaqdhaqaaqa Cadaalada iyo Sinnaanta, oo ah dhaqdhaqaaq ka soo jeeda gobolka Darfur oo ay ka jiraan Jabhado badan oo ka soo horjeeda xukuumadda Khartuum.

Argagax badan ayaa maalintii isniinta ahayd ku dhacay dadka reer Khartuum, ka dib markii ay ciidammada ammaanku rasaas ku fureen koox yar oo ku dhuumanaysay dhismo ku yaalla badhtamaha suuqa way nee magaalada Khartuum.

Ciidammada ammaanka ee Suudaan waxay sidoo kale isniintii xabsiga u taxaabeen hooggaamiye diineedka caanka ah ee lagu magacaabo Sh Xasan Al-Turaabi, hase yeeshee waxay haddana sii daayeen markii ay saacado yar hayeen.

Hoggaamiyahan ayaa lagu tuhmay inuu xidhiidh la leeyahay hoggaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Cadaalada iyo Sinnaanta Khaliil Ibraahim, oo ka mid ahaa ardayda Al-Turaabi, isla markaana la sheegay inay aydaloojiyad aaminsan yihiin.

Dowlada Suudaan waxay sheegtay inay weerarkaas u babac-dhigtay, isla markaana ay jabisay xooggagii weerarka soo qaaday, balse hoggaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Cadaalada iyo Sinnaanta Khaliil Ibraahim ayaa sheegay in ciidammadiisu ay mar kale soo rogaal celin doonaan, wuxuuna tilmaamay in weerarkani uu ahaa billow oo klaiya.

Dowlada Suudaan ayaa weerarkan ku eedaysay dalka Chad, isla markaana xidhiidhkii diblumaasi u jartay, hase yeeshee Chad ayaa eeddaas ku gacan saydhay.


13 May 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com



Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah 7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.