|
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
Labadii toddobaad ee u denbeeyay dagaallo
badan oo dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga
Itoobiya oo ka dhacay meelo kala duwan oo
Ogaadeenya ka mid ah, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 133 askari, waxaa
sidoo kale lagaga dhaawacay in ka badan 100
askari. Ciidammada gumaysiga waxaa
dagaalladan lagaga gubay hal baabur oo
Uuraal ah, hub kala duwana waa lagaga
burburiyay, sidaas waxaa noo soo tabiyay
wariyaha noga soo warrama dalka Ogaadeenya.
Dagaalladani waxay u dhaceen sidatan:
15/05/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa seddex
mar oo is-xigta weerarro mir ah ku qaaday
ciidammada gumaysiga eek u sugana Far-madow,
oo ka tirsan Qabridaharre, waxayna
gaadhsiiyeen khasaare aan faahfaahintiisa la
haynin.
Isla 15/05/08 dagaa ka dhacay Dhala-cad, oo
Godey ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 1 askari.
14/05/08 dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku
dhex-maray meesha lagu magacaabo Awur-jira,
oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 4 kalana
waa lagaga dhaawacay.
13/05/08 Ceelma-xidho, oo ka tirsan degmada
Dannood, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay inta la ogyahay 1
askari.
Sidoo kale 13/05/08 Qolloji, oo Baabili ka
tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 7 askari, 6 kalana
waa lagaga dhaawacay.
12/05/08 dagaal adag oo ka dhacay meesha
lagu magacaabo Suudaan, oo ka tirsan Jigjiga,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 20
askari, 30 kalana waa lagaga dhaawacay.
11/05/08 dagaal ka dhacay Dhurwaalayowga, oo
ka tirsan degmada Qabridaharre, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 15 askari,
9 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 11/05/08 Dudumo-cadka, oo ka tirsan
degmada Fiiq, waxaa ciidammada gumaysiga
loogu gaystay weerar mir, iyadoo la
gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la
haynin.
Sidoo kale 11/05/08 dagaal ka dhacay Mula,
oo ka tirsan degmada Qabri-bayax, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 10 askari,
12 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 11/05/08 dagaa isaguna ka dhacay meesha
lagu magacaabo Yooca-dhayley, oo
Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 8 kalana
waa lagaga dhaawacay.
10/05/08 dagaal ka dhacay Iimey waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 13 askari,
14 kalana waa lagaga dhaawacay.
Sidoo kale dagaal isaguna ka dhacay
Higla-adamo, waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 4 askari, 9 kalana waa lagaga
dhaawacay.
09/05/08 Kudunbuur waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga hal baabuur oo Uuraal ah,
kaasoo isaga wixii saarnaaba ay isla bas-beeleen.
Baabuurkan waxaa lagu dilay in 50 askari oo
saarnaa, waxaa sidoo kale lagu gubay hubkii
iyo saanaddii kale ee askartaasi wateen.
07/05/08 dagaal isaguna ka dhacay Jiingadda,
oo ka tirsan degmada Iimey, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 3 askari.
Sidoo kale 07/05/08 dagaal ka dhacay
Salumaha, oo ka tirsan degmada Dhanaan,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6
askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay.
04/05/08 dagaal ka dhacay Abosa waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari
inta la ogyahay.
Dil iyo xidhay gumaysigu u gaystay
dadwaynaha
Ciidammada gumaysiga ayaa waxyeellooyin kala
duwan u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee
Ogaadeenya. Waxyeellooyinkan, oo ka dhacay
meelo kala duwan oo gobollada Ogaadeenya ka
mid ah, waxay u dhaceen sidatan:
07/05/08 Higla-yarey, oo ka tirsan
Dhagaxmadow, waxay ciidammada gumaysigu ku
dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo
Macalin Sayid C/llaahi.
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu ganaax
200 oo Bir ah ku soo rogeen dhammaan
dadwaynaha ku dhaqan degmada Dhagaxmadow.
12/05/08 Wabi-yar, oo Qabridaharre ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen
dadka kala ah:
1- Damac Maxamed Sulub
2- Khadra Shugri Ubaxle
3- Khadra Suldaan
4- Iyo qof kale oo magaciisa aanaan haynin
Xukuumadda gumaysiga oo kordhisay
cabudhinta ururrada NGO-ga ah
Xukuumadda gumayisga Itoobiya ayaa
diyaarinaysa waxa ay ugu yeedhay sharci
cusub oo lagu sii xakamaynayo dhaqdhaqaaqa
iyo hawlgalka ururrada aan xukuumiga ahayd
ee NGO-ga loo yaqaano.
Sharcigani wuxuu dhigayaa in xukuumaddu ay
wakiil qarsoodi ah ama muuqdo u dirsato
shirar hoosaadka ay qabsadaan ururrada aan
xukuumiga ahayn. Wakiilkan ayaa shaqadiisu
noqon doontaa inuu la socdo hawlaha
ururradaas iyo qorshayaasha ay dajisanayaan
ee hawlgalladooda la xidhiidha.
Sharci ku sheeggani wuxuu sidoo kale
xukuumadda gumaysiga u oggolaanayaa inay la
wareegto hantida ururrada NGO-ga ah, isla
markaana ay dabagal ku samayso ama qaqabato
shaqaalaha ururradaas mar kastoo laga
shakiyo hawlohooda.
Sharcigani wuxuu sidoo kale ururrada NGO-ah
ka xakamaynayaa dhinaca maalgalinta dibadda
ah ama kaalmooyinka ay ka halaan dalalka iyo
ururrada deeqda bixiya.
Xukuumadda Woyaanaha ayaa ururrada NGO-ga ee
caalamiga ah ku eedaysa inay qorshayaal
qarsoodi ah u yimaadaan Itoobiya.
Diblumaasiyiin reer galbeed ah iyo deeq
biyayaasha caalamiga ah ayaa sharcigan aad
uga buya-diiday, isla markaana isu
diyaarinaya inay kala hadlaan kaligii taliye
Meles Zenawi, waxayna sheegeen in sharcigani
uu yahay tallaabo kale oo lagu wiiqayo waxa
ay ugu yeedheen dimuqraadiyada Itoobiya.
Xukuumadda gumaysigu waxay muddo dheer ka
hor caydhisay dhammaanba ururradii samafalka
ahaa ee ka hawlgalayay Ogaadeenya, iyagoo ku
eedeeyay inay gacan-saar la leeyihiin CWXO
17 May 2008
Axmed Gaal-Eri
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |