|
|
|
|
|
|
|
Wararka Radio Xoriyo ee maanta Jan 23, 2007 |
|
-
Dagaallo
cadowga lagu naafeeyay oo Ogaadeenya ka dhacay.
-
Itoobiya
iyo sharikada Petronas oo u heshiiyey baatroolka
Ogaadeenya.
-
Kenya oo
ka qayb qaadatay afduub loo gaystay dad u xidhnaa.
-
Ciidammada
Itoobiya oo dad ku xasuuqay Muqdisho.
-
Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Guul lagaaga dambeeyo
guul ma aha)
-
Waraysi
meelo badan taabanaya(Halgame C/llahi Yaasiin)
|
Dagaallo cadowga
lagu naafeeyay oo Ogaadeenya ka dhacay.
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya
ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo si
wayn loogu naafeeyay ciidammada caga jiidka
ah ee gumaysiga Itoobiya iyo calooshood u-shaqaystayaasha
u adeega ee ku sugan dalka Ogaadeenya.
Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
Markii ay taariikhdu ahayd 11/01/07
ciidammada geesiyiinta ah ee xoreynta
Ogaadeenya ayaa weerar mir ah ku qaaday
ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada
Baabili, waxay u gaysteen khasaare ba’an oon
faahfaahintiisa la haynin.
13/01/07 ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa
sidoo kale weerar mir ah ku qaaday
ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay
magaalada Dhagaxmadow, waxayna weerarkaas
cadowga kaga dileen 8 askari, 5 kalana way
kaga dhaawaceen.
17/01/07 ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa
jidka u galay kolonyo baabuur ah oo ka
tirsan ciidammada gumaysiga Itoobiya, waxay
ka gubeen hal baabuur, iyadoo baabuurkaas
wixii saarnaaba ayna waxba ka bixin.
18/01/07 cutubyo ka kala tirsan qaybaha
Ciiltire iyo Duufaan ee ciidammada xoreynta
Ogaadeenya ayaa hawlgal ka fuliyay magaalada
Gunagado, halkaasoo ay ku sugnaayeen
ciidammo calooshood u-shaqaystayaal ah iyo
maamul ku-sheegyadii Gunagado iyo Dhagaxbuur.
Ciidammadii calooshood u-shaqaystayaasha
ahaa ee halkaas lagu soo ururiyay ayaa isku
dayay inay dagaal kala hortegaan ciidammadii
xoreynta e hawlgalkaas fulinayay, waxayna ku
billaabeen rasaas, hase yeeshee waxaa
markiiba u awood sheegtay ciidammada
xoreynta oo ka qabsaday saldhiggii ay
fadhiyeen, waxaana halkaas lagu dilay 27 ka
mid ah malleeshiyadii Itoobiya ee halkaas
lagu soo ururiyay.
Waxaa sidoo laga gubay 6 baabuur. Waxaa
dagaalkaas lagu qabtay 15 ka mid ah
malleeshiyadaas, kuwaasoo la iska sii daayay,
ka dibna markii digniin kama denbays ah la
siiyay. Waxaa kaloo dagaalkaas lagu qabtay
hal baabuur oo uu lahaa qof shacbi ah oo
xoog lagu soo kaxaystay, kaasoo
baabuurkiisii loo sii daayay isagoo bad-qaba.
22/01/07 Ciidammo gumaysigu leeyahay ayaa
yimid magaalada La-helow, waxayna dadwaynaha
ka boobeen hanti badan oo kala duwan, iyagoo
cagta mariyay wixii cunto ama cabitaan ahaa
ee makhaayadaha yaallay. Waxay kaloo
ciidammada gumaysigu ka dheceen 2000 oo Bir
nin aanaan magiciisa helin.
Waxay sidoo kale ciidammadaasi ku dhaqaaqeen
arrin aan hadda ka hor la arag oo ah iyagoo
wixii rag magaalada joogay kala baxay
dharkii ay qabeen, ka dibna iyagu ay
dharkaas xidheen. Arrintan ayaa lagu fasiray
iyadoo ciidammada gumaysigu ay doonayaan
inay dadwaynaha isu ekaysiiyaan, si ay dadka
u khaldaan.
Itoobiya iyo
sharikada Petronas oo u heshiiyey baatroolka
Ogaadeenya.
Xukuumadda gumaysatada Itoobiya iyo sharikad
baatroolka qodda oo laga leeyahay dalka
Malleesiya oo lagu magacaabo Petronas ayaa
khamiistii isla gaadhay heshiis ku saabsan
baatroolka Ogaadeenya, kaasoo ay sheegeen
inay isla saxiixan doonaan bisha Maarso ee
soo socota.
Heshiiskan ayay xukuumadda gumaysatada
Itoobiya sheegtay inuu ku saabsan yahay soo
saarista baatroolka, qaabka ay iyada
sharikadu u qaysasanayaan wax soo-saarka
baatroolka, dhoofinta gaaska iyo sifaynta
gaaska Ogaadeenya. Wasiirka xukuumadda
Itoobiya u qaabilsan Macdanta iyo Tamarta
ayaa sheegay in Sharikada Petronas ay soo
jeedisay inay Gaaska oo caydhin ah u qaado
Bad leh Dekad, ka dibna ay Markab ku
dhoofiso.
Sharikada Petronas waxay heshiiskan ku
gashay inay soo saarto baatroolka iyo gaaska
Jeexdin iyo Hilala. Waxay sidoo kale heshiis
kula gashay xukuumadda Itoobiya inay shidaal
ka baadho seddex meelood oo kale uu ku
yaalla Ogaadeenya iyo Gambella.
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa
hadda ka hor u digtay Sharikada Petronas iyo
kuwa kale ee shisheeyaha ah ee hungurigu
kaga jiro inay shidaal ka qodaan Ogaadeenya,
iyadoo u sheegtay in dalka Ogaadeenya uu ka
socdo dagaal lagaga soo horjeedo gumaysatada
Itoobiya, khayraadka Ogaadeenyana aan la soo
saari karin inta ay Ogaadeenya gumaysiga ku
jirto.
Kenya oo ka qayb
qaadatay afduub loo gaystay dad u xidhnaa.
Xukuumadda dalka Kenya ayaa maleegtay afduub
loo gaystay dad badan oo meelo kala duwan
laga soo qaqabtay oo in muddo ah dalkeeda ku
xidhxidhnaa, kuwaasoo ay gacanta u galisay
ciidammada Itoobiya ee ku sugan magaalada
Muqdisho.
Maalintii sabtida ahayd ayaa diyaarad gaar
ah lagu soo qaaday niman tiradoodu 34 qof
gaadhayso, kuwaasoo diyaarada la soo saaray
iyagoo gacmaha iyo lugahaba ka xidhan,
indhahana laga duubay, waxaana si toos ah
gacanta loogu galiyay ciidammada Itoobiya ee
Muqdisho ku sugan.
Dadkani waxay isugu jireen dad soomaali ah
oo qaarkood watay dhalashooyin kale iyo dad
u dhashay wadammo kale. Dadkan qaarkood
waxaa maxkamad la horkeeni lahaa shalay
isniintii, iyadoo la filayay in maxkamadu
sii dayn doonto, ka dib markii ay boolisku
keeni waayeen wax caddayn ah oo muujinaya
inay ka mid ahaayeen masuuliyiintii
Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya.
Dadkan Itoobiya loo gacan galiyay waxaa ku
jiray dhalinyaro iyo ganacsato u dhalatay
Ogaadeenya, kuwaasoo ay naftoodu hadda
khatar ku jirto mar haddii loo gacan galiyay
ciidammada nacabka ah ee Itoobiya.
Ciidammada Itoobiya
oo dad ku xasuuqay Muqdisho.
Ciidammada Itoobiya ee xoogga ku jooga
magaalada Muqdisho ayaa rasaas oodda kaga
qaaday shalay isiniitii dadwayne ku
bannaanbaxayay, iyagoo dilay ugu yaraan shan
qof, tiro kalana dhaawac soo gaadhsiiyay.
Ciidammada Itoobiya waxay rasaasta ku fureen
dadwayne ku bannaanbaxay oo dhagxaan ku
tuurtuuray iyagoo lug ku dhex maraya
nawaaxiga Suuqa Xoolaha ee magaalada
Muqdisho. Afar ka mid ah dadkan rayadka ah
ee ciidammada Itoobiya ku xasuuqeen Suuqa
Xoolaha ayaa maalintii shalay ahayd oo dhan
maydkoodu yaallay jidka dhiniciisa, iyadoo
dadka loo diiday inay deegaankaas galaan ama
wax dhaqdhaqaaq ah ka sameeyaan. Dadkan
maydkoodu jidka yaallay ayaa la sheegay in
seddex ka mid ahi ay ahaayeen niman
Fuundiyaal ah oo gacanta ku hayay dhismaha
guri halkaas laga dhisayay.
Waxaa la sheegayaa in weerarkaas bahalnimada
ee ciidammada Itoobiya u gaysteen dadwaynaha
rayadka ah ay ku dhaawacmeen in ka badan 10
qof, oo qaarkood ay dhaawacyadoodu halis
yihiin.
Dhinaca kale xukuumadda Kenya ayaa sheegtay
inay gacanta ku hayso guddoomiyihii guddiga
fulinta ee Golaha Maxkamadaha Soomaaliyeed
Sh Shariif Sh Axmed, kaasoo ay sheegeen inuu
isu soo dhiibay booliska Kenya ee ilaalada
ka haya xadka Kenya iyo Soomaaliya.
Sh Shariif ayaa la sheegay in loo qaaday
magaalada Nairobi, iyadoo la filayo inuu ku
sugan yahay huteel lagu ilaalinayo.
Maraykanka ayaa labo maalmood ka hor ku
dhawaaqay inuu doonayo in ragga
qunyar-socodka ah ee ka tirsanaa Maxkamadaha
Islaamka la soo dhaweeyo oo laga qayb galiyo
hawlaha dib u-heshiisiinta, isagoo magac
dhabay Sh Shariif.
Todobaadka iyo geeska afrika.
---------------------------------------
Midowga Africa oo
isku raacay ciidamo loo soo diro Somalia
Kulanka ay madaxda Midowga Afrika ku
yeesheen magaalada Addis Ababa ee caasimada
dalka Itoobiya dodobaadkii hore ayaa waxa ay
ka soo saareen go'aan ah in ciidamo nabad
ilaalineed oo Afrikaan ah loogu dirayo
Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan.
Golaha amaanka iyo nabada ee Midowga Afrika
ayaa waxa ay isku raaceen oo ay isla
ogolaadeen qorshe sagaal batalyan oo ciidamo
ah loogu dirayo Soomaaliya si ugu soo
dabaalaan xasilooni, isla markaana ay kala
wareegaan Ciidamada Itoobiya.
Mas'uul sare oo u hadlay Midowga Afrika ayaa
sheegay in ciidamada Afrikaanka ay dalka
Soomaaliya joogi doonaan lix bilod ka dibna
ay howsha la wareegi doonaan ciidamo ka
socda Q.M.
Midowga Yurub ayaa iyagu balan qaaday ilaa
15 milyan oo Yuro ah oo ku baxaya howsha
ciidamada nabada ilaalinta.
Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo hada lama
hayo wadamo si rasmi ah ugu yaboohay in ay
Soomaaliya u soo diri doonaan Ciidamo nabad
ilaalineed, marka laga reebo wadanka Uganda.
Inkasta oo ay wadamada ay ka midka yihiim
Mosabiig iyo Nigeria carabaabeen in ay
doonayaan in ay Ciidamo u soo diri doonaan
Soomaaliya.
Dowladda Mareykanka oo Cambaareysay Xil
ka qaadiditii Shariif Xasan.
Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda
Mareykanka ee arimaha Africa haweenayda lagu
magacaabo Miss Jendayi Frazer ayaa mar ay ka
hadleysay xarunta istaraatiijiyadda iyo
daraasaadka caalamiga ah ee Washington,
sheegtay in xilka qaadista Shariif Xasan ay
tahay talaabo aan habooneyn, balse loo
baahan yahay dib u heshiisiin.
Mss. Frazer waxa ay kula talisay dowladda
Somalia in ay muujiyaan nidaam fur furan oo
xal looga raadiyo mushkiladda Somalia.
Waxaa kale oo ay sheegtay in dowladeeda ay
xushmeyneyso qaranimada Somalia, laakiin
xilka qaadista lagu sameeyay afhayeenka
Baarlamanka in ay tahay mid qaldan.
Waxa ay intaasi ku dartay in Mas'uuliyiinta
maxkamadaha islaamka ay galaan wada hadalada,
iyadoo ku boorisay dowladda in ay la
heshiiso xubnaha qunyar socodka ee
maxkamadihii laga adkaaday, odayaasha
qabaa'ilada, ganacsatada iyo qeybaha kala
duwan ee bulshada.
Eritrea oo ka
Digtey Xaaladda Cakiran ee Soomaaliya
Madaxweynaha dalka Eritrea ayaa ka digey
isku dayga in ciidamo Afrikaan ah loo diro
Soomaaliiya ay noqon karaan kuwo ku dambeeya
guul darro.
Waraysi gaar ah oo uu TV-ga Al Jazeera la
yeeshaay Madaxweyne Isaias Afewerki, waxa
yiri: weli lama arkin dhammaadkii
Maxkamadaha Islaamiga.
Waraysiga Al-Jazeera ayaa Madaxweyne
Afewerki waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka
qayb qaadatay dagaal aan meelna u socon ama
cakiran.
Waxa kale oo uu yiri "Maxkamadaha Islaamiga
ah lama jebin, Soomaalida weligeed lama
jebin. Dadkii rabey in ay qorshadooda gaarka
ah u soo galaan Soomaaliya ayaa naftooda
dhex geeyey baylah halis ah." Waxaana uu
intaas kudaray in arintani tahay mid cakiran
oo uu waqtigu sheegi doono cidda laga
guulaystey."
Madaxweyne Afewerki waxa uu dhaliilay awooda
Midowga Afrika. Waxana uu yiri: "Waxaan
marka hore rabnaa in aan ogaano hawsha loo
xilsaaray ciidanka Afrikaanka", isaga oo ku
tilmaamay midowga Afrika mid gabay Qaarada
Afrika.
Waxa kale oo arrimaha Soomaaliya ka hadlay
Dr. Ken Menkhaus oo macallin ka ah
jaamacadda North Carolina, oo ku takhasusay
Soomaaliya. Qoraal kusoo baxay jariidada
Guardian (16/1/2007) oo uu Soomaaliya kaga
hadlay waxa uu Dr. Menkhaus yiri: Marka la
eego xaaladaha ka jira Soomaaliya, ma adka
in la saadaaliyo arrimuhu sida ay noqon
karaan.
Professor Ken Menkhaus, waxa uu sheegay in
Itoobiya qaar ka mid ah ciidankeeda ay kala
bixi doonto Soomaaliya, mana bedeli doonaan
ciidaamo tiro ahaan oo ku filan oo nabad
ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika; DFKMG
madaxdoodu ma awoodi doonaan in ay xakumaan
Muqdisho, waxaa soo wajahi doona iska caabin,
waxayna si degdeg ah ugu laaban doonaan
dhanka baadiyaha; waxaana Soomaaliya soo
wajahi doona xaalad siyaasadeed oo kala
qaybsan.
23 January 2007
Axmed Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
RRadio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |
|
|
|
|