Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Barnaamijkii Radio Xoriyo 29 Apr 2008.

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
Dadwayne gumaysigu xidhxidhey
Puntland oo qirtay in xubnihii JWXO ee la dhiibay laga qabtay Gaalkacyo
Jaaliyadaha Ogadenya oo ku cambaareeyey maamulka Puntland
dhiibidii N/hurayaasha Sooyaan iyo Dhiirre.

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga

Labadii todobaad ee u denbeeyay dagaallo melo kala duwan ku dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay in k abadan 84 askari, waxaa kaloo lagaga dhaawacay tiro intaas ka badan. Waxaa sidoo kale laga furtay hub kala duwan, waxaana faahfaahinta wararkaas Ogaadeenya nooga soo diray wariyaha halkaas nooga soo warrama.

25/04/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay xarunta Jeexdin, waxayna u gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

22/04/08 waxaa weerar kadiso ah lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Boodh-caano, kuwaasoo cagohooda miciinsaday markii ay rumaysteen inayna u babac-dhigi Karin CWXO. Lama hayo khasaaraha dhabta ah ee ciidankaas gaadhay, hase yeeshee waxaa laga furtay hub badan oo ay meeshii kaga carareen.

21/04/08 Wadal, oo ka tirsan degmada Dhanaan, waxaa weerar gaadmo ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u tegay, waxaana laga dilay 3 askari, 5 kalana waa laga dhaawacay.

19/04/08 dagaal ka dhacay Laan-yalax, oo ka tirsan degmada Dhanaan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 19/04/08 dagaal isaguna ka dhacay Gumarrey, oo ka tirsan degmada Qabridaharre, waxaa ciidammada gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Sidoo kale 19/04/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Wardheer, waxayna gaadhsiiyeen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

17/04/08 dagaal ka dhacay Xanmudhka, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 1 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 17/04/08 Maraacaato, oo degmada Qabridaharre ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumatysiga loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la helin.

16/04/08 weerar gaadmo ah ayaa lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u joogay Rooxaale, oo ka tirsan degmada Dhuxun, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

15/04/08 dagaal ka dhacay La-helow, oo ka tirsan degmada Dhuxun, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 15/04/08 dagaal isaguna ka dhacay Sallax-khaliifo, oo ka tirsan degmada Xamaro, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

14/04/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar gaadmo ah u gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tegay Daarasalaam, oo ka tirsan degmada Garbo, waxayna gaadhsiiyeen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

13/04/08 waxaa weerar dhabba-gal ah lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo marayay meesha lagu magacaabo Xidh-libaax, oo Awaare ka tirsan, waxaana weerarkaas lagaga dilay in ka badan 15 askari, waxaa sidoo kale laga dhaawacay 20 askari.

10/04/08 baabuur Uuraal ah oo askari ka buuxdo ayaa ciidammada gumaysiga Itoobiya kaga gaddoomay duleedka magaalada Awaare, waxaana kaga dhintay 35 askari, 20 kalana way kaga dhaawacmeen.

08, 09 iyo 12/04/08 dagaallo ka dhacay Aloosane, oo Dhuxun ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 12 askari, 10 kalana waa lagaga dhaawacay.

07, 08/04/08 weerar mir ah ayaa lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan ee magaalada Gunagado, waxaana weerarkaas lagaga dilay inta la ogyahay 12 askari, 13 kalana waa lagaga dhaawacay.

06/04/08 Dhanqa, oo ka tirsan degmada Fiiq, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacya.

05/04/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay xarunta Jeexdin, waxayna gaadhsiiyeen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Dadwayne gumaysigu xidhxidhey

Ciidammada gumaysiga ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku xidhxidhay dadwayne rayad ah.

22/04/08 Danbar-wayne, oo degmada Dhanaan ka tirsan, waxaa lagu xidhxidhay dadka kala ah;
1- Hadhiya Axmed Cali-food
2- Alaafi Cabdi-dhinbil
3- Badri Guhaad iyo
4- Ina Oday oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin

20/04/08 magaalada Wardheer waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad ay turadoodu gaadhayso 15 qof oo shacab, waxaanan magacyadooda helnay dadka kala ah;
1- Nimco Cumar Aaden
2- Shiino Xasan Garabey
3- Daahir Aw Axmed
4- Maxamud Aw Muxumed
5- Baddal Jinnoole
6- Najax Jinnoole
7- Ardo Hiirad iyo 8 qof oo kale oo magacyadooda aanaan haynin.

18/04/08 meesha lagu magacaabo Garbo-niijo, oo Baabili ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Nuur Cumar Askar. Waxay sidoo kale isla meeshaas kud haawaceen Wali Maxamed Xirsi.


Dhinaca kale sida uu noo soo sheegay wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya waxaa maalmihii u denbeeyay dalka intiisa badan ka da’ay roobab waawayn, hase yeeshee wuxuu tilmaamay in roobabku ayna wali wada-gaadhin gobollada dalka oo dhan.

Puntland oo qirtay in xubnihii JWXO ee la dhiibay laga qabtay Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u qiray in labadii xubnood ee ka tirsan Golaha Dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ee dhawaan loo gacan galiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya laga qabtay magaalada Gaalkacyo.

Madaxa Maamulka Puntland Cadde Muuse ayaa 27kii April 2008 shir uu ku qabtay magaalada London ee carriga Britain, kaasoo uu kula hadlay dadwaynaha ka soo jeeda gobollada Puntland, wuxuu ku sheegay in labadan xubnood laga qabtay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan xaafadda Baraxley.

Cadde Muuse ayaa arrintan qiray, ka dib markii shirka dhexdiisii laga waydiiyay su’aal ku saabsan waxa ka jira wararka sheegaya in madax ONLF ah ay Puntland u dhiibtay xukuumadda Itoobiya.

Cadde Muuse ayaa markii su’aashaas la waydiiyay, wuxuu ku jawaabay; “Ma aanan ogayn anigu, nimankana waxaa laga qabtay Gaalkacyo, xaafadda Baraxley, waxaanan u malaynayaa inay ku lug-lahaayeen barnaamijyadii dhawaan Al Jazeera laga sii daayay oo ku saabsanaa Killinka Shanaad, kuwaasoo Amxaaradu ka carootay”.

Cadde Muuse waxaa kaloo shirkaas dhexdiisa looga soo jeediyay eed la xidhiidha inuu gobollada Puntland Itoobiya u gacan galinayo, isagoo arrintaas ka jawaabaya, wuxuu yidhi; “Anaga yaa nagula dardaarmay oo naga dhaadhiciyay Amxaaro lama heshiin kartaan, waana inaad col ahaataan abidkiin….Hadda waan keenayaa Amxaarada, hadhawna ninka iga denbeeya ayay u taallaa siduu u saari lahaa”.

Cadde Muuse, in kastoo uu qiray in labadan xubnood laga qabtay dhulka uu sheego inuu maamulo, taasoo ka dhigan inuu dhiibistoodiina ka denbeeyay, haddana wuxuu si ula-kac ah uga been-sheegay meesha nimankan laga qabtay oo ahayd magaalada Garowe ee maamulkiisa xaruntiisa u ah


Radio Xoriyo

29 April 2008
Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com




Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah 7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.