Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Barnaamijkii Radio Xoriyo April 01, 2008.

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya
Waxyeellooyin ciidammada gumaysigu u gaysteen dadwaynaha.
Banaanbax weyn oo ka dhacay xerada qaxootiga ee Ifo-Dhadhaab-Kenya.
Nolasha guud ee xeryaha qaxootiga ee Kenya.

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya


In ka yar labo toddobaad gudohood waxaa ciidammada gumaysiga laga dilay in ka badan 150 askari, ka dib dagaallo badan oo muddadaas dhexdeeda dhex-maray iyaga iyo CWXO, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay inta la ogyahay 34 askari. Waxaa ciidammada gumaysiga muddadaas dehxdeeda laga gubay labo baabuur oo Uuraal ah, sidaas waxaa noo soo tabiyay wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;

30/03/08 Jiir-guduud, oo Dhagaxbuur dusheeda ah, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 30/03/08 dagaal ka dhacay Ananu waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

21/03/08 dagaal ak dhacay duleedka magaalada Xamaro waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

29/03/08 dagaal ka dhacay Dig waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

28 iyo 29/03/08 weerarro gaadmo ah oo ciidammo gumaysigu leeyahay loogu gaystay Cawl-ku-dhal waxaa lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

27/03/08 Gurraati, oo Dig u dhaw, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 27/03/08 waxaa labo mar oo kala duwan weeraro lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee Dig ku sugan, waxaana isu gayn laga dilay 5 askari, 6 kalana waa laga dhaawacay.

25/03/08 Jidhacle, oo degmada Fiiq ka tirsan waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay labo baabuur oo Uuraal ah, ka dib markii cutub ka tirsan CWXO uu weerar qorshaysan ku qaaday kolonyo baabuur ah oo ciidammada gumaysigu wateen oo halkaas marayay. Waxaa ciidammada gumaysiga weerarkan lagaga dilay in ka badan 100 askari oo labadaas baabuur saarnaa, waxaa sidoo kale halkaas ku gubtay hubkii iyo saanaddii ay askartaasi wateen.

19/03/08 labo dagaal oo ka dhacay duleedka magaalada Xamaro waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay isu gayn 17 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay inta la ogyahay.

16 iyo 18/03/08 waxaa weerarro mir ah lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tagay meesha lagu magacaabo Baarta, kuwaasoo loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Sidoo kale 16/03/08 dagaal ka dhacay Gurracan waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

15/03/08 Ananu waxaa weerar mir ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u tagay, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.


Waxyeellooyin ciidammada gumaysigu u gaysteen dadwaynaha.

Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itooiya ayaa waxyeellooyin kala duwan u gaystay dadwayne rayad ah oo aan waxba galabsanin. Waxyeellooyinkani waxay isugu jiraan dil iyo xidhay, waxayna u dhaceen sidatan;

29/03/08 magaalada Dig waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Axmed C/qaadir Sarhaye.

28/03/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Dhagaxbuur ku xidhxidheen labo gabdhood oo lagu kala magacaab;

1- Dulmar oo magaceeda oo buuxa aanaan halin iyo
2- Khadra Maxamed

Dhinaca kale deegaanka Dhagaxtuur, oo degmada Awaare ka tirsan waxaa 29/03/08 harraad ugu dhintay labo qof oo shacab ah oo ayna noo suuragalin inaan magacyadooda helno.


01 April 2008


C/nuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com



Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah 7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.