Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Barnaamijkii Radio Xoriyo 05 Apr 2008.

Dagaallo aad loogu jabiyay ciidammada gumaysiga
Waxyeello gumausigu u gaystay dadwaynaha.
Barnaamij aan kasoo diyaarinay dad kasoo barakacay Ogadenya
Oo ka qisoonaya xasuuqa ka jira Ogadenya

Dagaallo aad loogu jabiyay ciidammada gumaysiga

In ka yar labo toddobaad gudohood waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay dagaallo dhex maray iyaga iyo CWXO in ka badan 200 oo askari, 72 askari oo kalana waa lagaga dhaawacay. Waxaa sidoo kale ciidammada gumaysiga muddadaas kooban gudeheeda laga gubay 2 baabuur oo Uuraal ah, mid kalana waxaa loo gaystay dhaawac uu hawlgab la noqday, sidaas waxaa noo soo tabiyay wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;
02/04/08 Malabley, oo Shinniile u dhaw, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 7 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

01/04/08 dagaal ka dhacay Gurdumi waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

31/03/08 dagaal ka dhacay Baarta waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

30/03/08 labo dagaal oo ka dhacay meesha lagu magacaabo Gol-libaax waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 12 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 30/03/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan Nus-dariiqa, waxayna gaadhsiiyeen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
29 iyo 31/03/08 dagaal ka dhacay Ananu, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 29/03/08 dagaal adag oo isaguna ka dhacay Dheenka, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 23 askari, 17 kalana waa lagaga dhaawacay.

28/03/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Sagag, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

27/03/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa hawlgal si fiican loo qorsheeyay ku fuliyay ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa meesha lagu magacaabo Dhabba-cilmi, oo duleedka
Qabridaharre ku taalla, waxayna ka dileen 9 askari, 11 kalana way ka dhaawaceen. Dhabba-cilmi waxay ahayd goob ay ciidammada gumaysigu aad ugu dhibaan dadwaynaha magaalada ka soo daqaqama, iyagoo gabdho badan ku dhibaateeyay, dad badana ku dhacay, hase yeeshee intii hawlgalkan ka denbaysay waxay dadwaynuhu ka nasteen dhibaatadii halkaas loogu gaysan jiray.

Isla 27/03/08 waxay CWXO baabuur Uuraal ciidammada gumaysiga kaga gubeen meesha lagu magacaabo Sallaxa, oo ku taalla duleedka magaalada Wardheer. Baabuurkan waxaa ciidammada gumaysiga kaga dhimatay in ka badan 50 askari. Waxaa sidoo kale ku bas-beelay hubkii iyo saadkii ay ciidammadaasi wateen oo dhan.

26/03/08 Qudhacley, oo Dhagaxbuur ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

25/03/08 waxaa weerar qorshaysan lagu qaaday baabuur kolonyo ah oo ciidammada gumaysigu wateen oo maraysay meel u dhaw magaalada Awaare, waxaana weerarkaas lagaga gubay 1 baabuur oo Uuraal ah. Mid kalana waxaa lo gaystay dhaawac uu hawlgab la noqday. Weerarkan waxaa ciidammada gumaysiga kaga dhimatay inta la ogyahay 75 askari, 11 kalana way ku dhaawacmeen. Waxaa sidoo kale labadan baabuur ku baaba’ay hub iyo saanad kale oo ciidan.
25/03/08 dagaal ka dhacay Bukadhabo waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 13 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay inta la ogyahay.

21/03/08 dagaal isaguna ka dhacay Xaaxi, oo ku taalla Bukudhabo agteeda, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

Waxyeello gumausigu u gaystay dadwaynaha

Ciidammada gumaysiga ayaa waxyeellooyin kala duwan u gaystay dadwayne rayad ah oo aan waxba galabsanin. Waxyeellooyinkan, oo isugu jira xidhay iyo dhac, waxay u dhaceen sidatan;
30/03/08 meesha lagu magacaabo Laas Caada-qaato, oo Garbo ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;

1- Ugaas C/llaahi Cabdi Salal
2- Mawliid Aaden Horor
3- Axmed Deeq iyo
4- Axmed oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin.

28/03/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Qabridaharre ku xidheen nin shacab ah oo lagu magacaabo Shaafici C/llaahi Saacid.

26/03/08 Coballe, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ka qaqabteen hadhaadigii Malleeshiyadii Dabaqoodhiga ahayd ee ka amar-qaadan jirtay Ibraahim Xaad, kuwaasoo 10 ka mid ah xabsiga loo taxaabay, isla markaana laga qaatay 25 Qori.

24/03/08 Bukudhabo waxay ciidammada gumaysigu 4000 oo Bir kaga dhaceen gabdha lagu magacaabo Shamso Maxamed Kooshin.


05 April 2008

C/nuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com


Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah 7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.