|
Shir sanadeedkii Jaaliyadaha Ogaadeenya ee
Australia & New Zealand oo ka dhacay Perth.
Jaaliyadaha Ogadenya ee wadamada Australia
iyo Newsealand ayaa 12-4-08 isugu yimid shir
sanadeedkii jaaliyadaha qaarada Australia oo
ah kii sadexaad.
Shirkan oo ka dhacay magaala madaxda
gobolada galbeedka Australia ee Perth ee
wadanka Australia ayaa waxaa marti galiyey
jaaliyada ogadenya ee magaaladaas.
Shirkaas ayaa waxaa kasoo qayb galay wuud
fara badan oo ka timid gobolada Australiya
iyo New Zealand iyo jaaliyadda martida loo
yahay ee Galbeedka Australiya oo si weyn uga
soo qayb gashay shirka. Waxaa iyana si weyn
uga soo qayb galay shirka jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Australiya ku nool
masuuliyiin ka socda hayado kala geddisan oo
Australian ah.
Shir
Sidoo kale waxaa shirka kasoo qayb galay
Jaaliyadda Soomaaliya oo muujisay taageerida
ay u hayaan halganka Ogaadeenya.
Shirka ayaa waxaa lagu furay aayado Qur’aan
ah kadibna Waxaa ugu horreyn magarafoonka
lagu soo dhoweeyey Gudoomiye-Xigeenka 1aad ,
JWXO , Mudane Mohamed Ismacil Omar. Wuxuu
Gud-Xigeenku ku booriyey jaaliyadda marka
hore inay muujiyaan sumcadd fiican
bulshooyinka iyo dalka ay ku nool yihiin.
Wuxuu Gud-Xigeenku ku baraarujiyey inay
Jaaliyaddu tahay muraayadda laga daawanayo
shacabka Ogaadeenya iyo qaddiyadiisa. In
Carrurta la baro dhaqankooda iyo diintooda
si ay u noqdaan kuwo xilkooda qaran gudta
barrito.
Wuxuu aad ugu nuuxnuuxsaday inay dalalka ay
ku nool yihiin wax ka qabsadaan caruuurta
wax barashadooda xoog la saaro. Kadib
Gudoomiye- xigeenku wuxuu si mug leh uga
waramay taariikhda halganka Ogaadeenya ee ay
maanta JWXO majaraha u hayso wuxuuna si aad
ah u qeexay u jeedadii loo aas aasay Jabhada
Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya marxaladihii
kala duwanaa ee ay soo martay iyo heerka uu
maanta marayo halganka Ogaadeenya oo ah meel
aad loogu faani karo, Wuxuu Mudane M Ismail
sheegay in Itoobiya u gaysay inay Soomaaliya
qabsato naf la haarnimo, ayna rabto inay
dhibaatada gudaheeda iyo Ogaadeenya ka
haysata ku qariso hase ahaate ay masiibo
kala kulantay, kuna guul daraysatay.
Sidoo kale waxaa lagu madasha shirka ka
hadlay Sheikh C/raxman oo ka qayb galayaasha
ku baraarujiyey in marka hore Alla laga baqo
iyo ilaalinta iyo baahida midnimada iyo isku
duubnaanta.
Jaaliyadaha Australia iyo Newsealand ayaa ka
warbixiyey wax qabadkii jaaliyadahooda kadib
waxaa taariikhda Ogaadenya iyo bilowgii
gumeysiga ka hadlay Asad C/lahi Cumar
Waxaa kale oo shirka ka hadlay madax iyo
aqoon yahan Soomaaliyeed oo muujiyey
taageerada ay u hayaan halganka shacabka
Ogadenya uu ugu jiro xorriyadiisa. Waxaa ka
mid ahaa aqoon yahanada ka hadlay Sayid
Cabdi Saciid , wuxuuna ka hadlay dhibaatada
maanta haysata ummadda Soomaaliyeed iyo
siduu gumeysigii guunka ah u qabsaday meel
kasta. Wuxuuna intaas ku daray Cabdi Saciid
in markii Somalida xorta ahi shacabka
walaalahood ah ee Ogaadeenya u hiilin
waayeen nabsigii qabtay oo iyagana cadowgii
qabsaday. Wuxuu sheegay inay hadda waajib ku
tahay qof kasta oo Soomali ah inuu taageero
halganka shacabka Ogaadenya.
Waxaa iyana khudbad qiimo badan ka jeedisay
shirkii Cibaado Dahir oo ka hadashay
kaalinta ay haweenka Ogaadeenya kaga jiraan
halganka iyo inay yihiin laf dhabarka
halganka iyaga la’aantoodna aan halgan
hirgelaynin. Waxay Marwo Cibaado qeexday
dhibaatada shacabka gumeysigu ku hayo iyo
inay kuwa ugu daran yihiin haweenka. Aad baa
si aan kala go’ lahayn loogu sacabiyey.
Dhanka hooyooyinka ayaa waxaa shirka ka
hadlay Cibaado Dahir oo ka hadashay kaalinta
ay haweenka ogadenya kaga jiraan halganka
iyo inay yihiin laf dhabarta halganka.
Abwaanad Roda Afjano oo goob joog ka ahayd
shirkaas ayaa halkaas kasoo jeedisay gabayo
isugu jira guubaabo iyo kicin aadna u qiira
galiyey shacabkii kazoo qaby galay shirkaas.
Oday dhaqameedyada iyo waxgaradka u dhashay
Ogadenya oo xaadir ku ahaa shirkaas ayaa
waxaa ka mid ahaa kana hadlay halkaas
Abdi Daahir Afey
Ugaas Xukun Axmed Saahid
Mohamed Faarax (Farey)
Odayaashan oo dhamaantood tibaaxay siday
lagama maarmaan u tahay in lagarab istaago
halagnka Ogaadeenya lagu xoreynayo ee ay
JWXO hor muudka u tahay waxayna dhamaantoo
muujiyeen in guusha lagu gaadhi karo midnimo
iyo isku tashi.
Dhanka dhalinta waxaa u hadlay halgame C/Taajir
(Xiirey) oo horaan ka tirsanaa Jaaliyaad
Ogaadeenya ee Koonfur Afrika
Ugu dambayntii waxaa dadkii meesha ka hadlay
oo dhamaan sacab lagu soo dhoweyey la balan
qaaday in halganka shacabka Ogaadeenya hiil
iyo hooba lala garab istaago, isla markaas
dhibaatada shacabka gumeysigu ku hayo
caalamka lala socodsiiyo, gurmadna la
sameeyo.
Ururka dhalinyarada Ogadenya OSF-Dk oo
shir isugu yimid
Ururka ardayda dhalinyarada Ogadenya ee
Denmark OSF-DK ayaa galabnimadii shalayto 12
April 2008 isugu yimid magaalada Copenhagen
shir heersare ah oo ay kasoo qayb galeen
wafti uu hogaaminayay gudoomiyaha ururka
ardayda ogadenya ee wadanka Ingiriiska
Mudane Xassan Sh. Muxumed Iraad iyo Fatxi oo
ahayd gabadh ka soctay
kana mid ah ururka dhalinyarada Ogadenya ee
wadanka Maraykanka siiba SEATTLE WASHINGTON
Waftigan oo ka kooban 6 xubnood oo isugu
jira wiilal iyo gabdho ayaa booqasho rasmi
ah ku yimid Denmark 10/04/2008 si ay uga
qayb galaan shirka ururka OSF-Dk Waftiga ka
socday UK iyo xubinkas ka socday USA ayaa
dhammaantood kasoo jeediyey shirka khudbado
dhaxal gal ah oo isugu jiray:
Ujeedooyinka ururada dhalinyarada Ogadenya.
Kaalinta dhalinyarada ogadenya ee qurbaha ee
halganka hubaysan ee jwxo.
Isku xidhnaanshaha dhalinyarada Ogadenya ee
dibad
joogta ah iyo ka warhaynta dhulkoodii hooyo.
Wacyi galin iyo baraarujin guud.
Sidoo kale shirka waxaa kasoo qayb galay
wajigiisii hore madax ka tirsan jwxo sida
kuxigeenka iskuduwaha
guud ee jaaliyada N/Hure Gamaadiid,wuxuuna
halkas kasoo jeediyey warbixino ku aadan
halganka iyo xaalada
guud ee wadanku hadda marayo sidoo kale
wuxuu dhalinyarada ku booriyey inay markasta
isku
xidhnaadaan.
Dhanka aqoonyahanada u dhalatay ogadenya
ayaan shirkan ka maqnayn waxaana khudbad
gaaban oo mugweyn halkas kasoo jeediyey
Dr.Yuusuf Cadami oo shirka uga taariikheeyey
in dhalinyaradu tahay lafdhabarta bulshada
iyo tiirka halgamada caalamku soo maray.
Shirkan oo socday ilaa sadedxii saqda dhexe
ayaa waxaa sidoo kale warbixino kasoo
jeediyey gudiga ururka
dhalinyarada Ogadenya ee wadanka
Denmark,halka ay Kiin Aaden oo ururka u
qaabilsan abaabulka kusoo bandhigtay gabay
cajiib ah oo ka tarjumayay xaalada uu dalku
ku sugan yahay iyo damanaanta dadka Ogadenya
Kasoo qayb galayaasha shirkan oo uu qaadi
waayey hoolkii shirku ka dhacayay ayaa isaga
kala yimid
dhamaan gobolada wadanka Denmark,waxana la
isku afgartey si aan kala hadh iyo hagrasho
lahayn loo
garab istaagayo halganka ay jwxo hurmuudka
ka tahay
Shirka ayaa qaybtiisii dambe lagu soo
gabagabeeyey ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka
ee ay iska leeyihiin
ummadda Ogadenya sida Dhaantada,iyadoo ay
halkaas diyaar ku ahaayeen faniin da,yar ah
oo u dhalatay
ogadenya sida Cabdiraxmaan Koronto iyo Axmed
Xeef.
15 April 2008
Cabdinuur Sh. Maxamed
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |