|
Dad
shacab oo ciidammada gumaysigu laayeen
Ciidammada gumaysiga ayaa meelo kala duwan
oo Ogaadeenya ka mid ah ku laayay dad shacab
ah oo aan waxba galabsanin.
08/04/08 Gunagado waxay ciidammada gumaysigu
ku dileen nin shacab ooo xiskiisu dhammayn,
muddo dheerna waalnaa, isla markaana aad
looga yaqaanay deegaankaas oo dhan, waxaana
lagu magacaabi jiray Axmed Cabdille oo (Dar-Ilaahay)
ku magac-dheeraa.
30/03/08 Jiir-guduudo, oo Dhagaxbuur ka
tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen
nin shacab ah oo lagu magacaabo Sh Xuseen
Maxamuud Nuur oo 90 jir ah.
Waxay sidoo kale halkaas dhaawac ugu
gaysteen Cabdi Gaameel oo isaguna 65 jir ah.
Waxaa isagana la waayay oo ay ciidammada
gumaysigu la tageen Dayib Sheekh. Waxay
isagana 500 oo Bir ka dhaceen Maxamuud Dayib.
29/03/08 Dhala-Cad, oo Dhagaxbuur ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin
culimo ah oo lagu magacaabo Sh Xasan Aw Nuur.
25/03/08 Darida, oo ka tirsan degmada Xamaro,
waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin
shacab ah oo lagu magacaabo C/qaadir Cali oo
(Gadhle) ku magic-dheer
09/02/08 tuula-Garaad, oo Godey ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin
shacab ah oo lagu magacaabo Shaafici Weerar
Xiirey.
Waxay sidoo kale isla taariikhdan
xidhxidheen dad rayad ah oo tiradoodu 41 kor
u dhaafayso.
Dhibaatooyin gumaysigu u gaystay
dadwaynaha
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa
dhibaatooyin kala duwan u gaystay dadwayne
rayad ah, kuwaasoo isugu jira xidhay,
jidhdil iyo dhac hantiyeed.
07/04/08 magaalada Yoocaale waxay ciidammada
gumaysigu dhibaatooyin kala duwan u gaysteen
dadka deegaanka ah, iyagoo gurigiisii ka
gubay ninka lagu magacaabo Gurey Daa’uud.
Waxay sidoo kale jidhdil ba’an u gaysteen
Maxamed Astur. Waxay iyagana dhaawacyo
gaadhsiiyeen Maxamed Cali iyo C/raxmaan
Xasan.
05/04/08 Qarjajabo, oo ka tirsan degmada
Dhuxun, waxay ciidammada gumaysigu ku
jidhdileen ninka lagu magacaabo Bashiir
Axmed Xasan Siraad.
02/04/08 Burqa-yar waxay ciidammada nacabka
ah ee gumaysiga Itoobiya jidhdil xun ugu
gaysteen dadka kala ah;
1- C/llaahi Cumar Xaaji Cali iyo
2- C/llaahi Axmed Guure
Waxay sidoo kale halkaas ku ku xidhxidheen
dadka kala ah;
1- Dhicis Macalin Xuseen
2- Xasan C/qaadir
3- Maxamed-Saafi Maxamuud iyo
4- Cali Xasan Khaliif
Sidoo kale 02/04/08 magaalada Baabili waxay
ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka
kala ah;
1- Sh Maxamed Sahal iyo
2- Cabdi Maxamed C/nuur
29/03/08 magaalada Dhagaxbuur waxay
ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen gabdhaha
kala ah;
1- Maryama Xasan Mataan iyo
2- Ruqiya Maxamuud Muuse
28/03/08 Shinniile waxay ciidammada
gumaysigu jidhdil ba’an ugu gaysteen dad
rayad ah, waxaanan magacyadooda helnay;
1- Maxamed Cabdi Cumar
2- C/llaahi Sh Faarax
3- C/wali Sh Faarax iyo
4- Maxamed Sh Faarax
23/03/08 Daba-hunbani, oo ka tirsan degmada
Xamaro, waxay ciidammada gumaysigu ku
xidhxidheen dadka kala ah;
1- Aamina Carab iyo
2- Axmed Shariif Xasan
17/03/08 magaalada Awaare waxay ciidammada
gumaysigu ku dhaceen baabuur shacabku
leeyahay iyo hantidii saarnayd oo lagu
qiyaasay 242.000 oo Bir. Hantidani waxay
isugu jirtay lacag caddaan ah, 85 Jawaan oo
raashiin ah iyo in ka badan 80 Neef oo Adhi
ah. Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu
halkaas ku xidhxidheen dad 17 qof gaadhaya.
Dhinaca kale markii ay taariikhdu ahayd
05/04/08 waxay ciidammada gumaysigu gubeen
tuulada Sasabane, oo ka tirsan gobolka Jarar.
Waxay ciidammada gumaysigu halkaas ku gubeen
hanti badan oo dadwaynuhu lahaa. Waa markii
labaad ee ciidammada gumaysigu gubaan
tuulada Sasabane oo guud ahaanteedba gubeen
badhtamihii bishuu Juun sannadkii 2006
Jaaliyada Ogadenya ee Koonfur Afrika oo
shir isugu timid.
16.04.2008 waxaa magaalada Uitenhage ka
dhacay shir ballaadhan ooy soo qaban
qaabisay Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeeniya
ee Koonfurta-afrika.
Shirkaas oy dad badani kasoo qayb galeen
wuxuu ku bilowday jwwi aad iwanaagsan .
Shirka waxaa lagu furay uugu horaynba wacdi
diini ah iy oaaydo Qur`aan ah oo uu soo
jeediyay Sh. M. yuusuf . Sheekhu wuxuu ku
dheeraaday siday lama huraan u tahay in loo
wada guntado ka qayb qaadashada Halganka
xaqa ah ee kajira Ogaadeeniya kaasoo uu
sheegay inuu yahay waajib diini ka qayb
qaadashadiisu wuxuuna yidhi `` waa inaad
laba mid uun soo gashaa, inaad naftaada
kubixiso iyo inaad maalkaaga ku bixisaa.
Wacdigii kadibw axaa hadal fogeeyaha lagu
soo dhaweeyay Gudoomiyaha JSOKA Halgame
Xasan Cabdi. Gudoomiye xasan ayaa war bixin
dheer halkaas kazoo jeediyay oo meel badan
taaban haysay sida:
Abaaraha Ogaadeeniya kajiray kuwaas oo uu
sheeegay inay dadka abaar darani ku habsatay
hase yeeshee eega la doogsaday isagoo
sheegay inay gobolada badankood doogsadeen.
Xadgudubyada shacabka uu gumaysigu u gaysto.
Kuwaas oo gudoomiyuu sheegay inay ciidamada
itoobiya dhaqan xumo badan iyo tacadiyo ka
dhan ah xuquuqul-insaanka kula kacdo dad
waynaha Soomaaliyeed eeku dhaqan Ogaadeeniya.
Dhanka dagaalada u dhexeeya CWXO iyo kuwa
TPLF ta ayuu guddoomiyuhu sheegay inay sii
kululaadeen iyadoo ay CXO ay beeniyeen
damicii gumaysiga .
Dhanka saxaafadda ayuu gudoomiyihi sheegay
inay soo badanayso danaynta ay saxaafada
caalamku soo danaynayso inay wax ku ogaadaan
aya ma qoraan Ogaadeeniya isagoo sheegay in
TV ga Aljazeera ee carabiga uu noqday TV gii
uugu horeeyay ee ku guulaystay inuu galo
waxna kasoo duubo Ogaadeeniya Al-jazeera oo
todobaadkii tagay soo bandhigtay war bixin
kala duwan oo ah mid bulsho iyo mid Ciidanka
Xoraynta Ogaadeeniyaba .
Waxaa kaloo uu gudoomiyuhu ka warbixiyay
horu marka ay jaaliyada Soomaalida
Ogaadeeniya gaadhay isagoo carrabka ku
dhuftay inay sannad walba sannadka ka
dambeeya Jaaliyaddu gaadho horu mar kabdan
kii sanadkii hore.
Intaas kadib waxaa makarafoonka lagu soo
dhaweeyay Sheekh Dhaqane Sheekh oo ku
hadlayay magaca Odayaasha Somaalida
Ogaadeeniya ee Koonfurta Afrika .
Wuxuu sheegay Sheekh dhaqane in hadday
yihiin Odayaasha ay Hiil iyo Hooba lagarab
taagan yihiin Ciidanka Jabhadda Waddaniga
Xoraynta Ogaadeenya wuxuuna yidhi`` waxaa
loobaahanyahay in lahelo ciidan dagaalama
iyo maalkii lagu dagaalami lahaa, Haddaba
ciidankii waa lahelay ee waxaa inaga la
inooga baahanyahay inaan maalkii la garab
istaagno`` oday dhaqameed ka oo hadal kiisii
siiwatay ayaa sheegay in looga baahan yahay
dhaliyarada inay dadaal muujiyaan.
mar af raad kii ayaa lagu soodha weeyaay
makara foon ka gudoomiyi hii hore ee
jaaliyadaa ahna hogaan katirsan jaalida
halgame Axmad dahir haaruun haaruun waxa uu
aad uga sheekeeyaay halganadii ogadeeniya
soomaray iyo taariikhdoodii waxa uuna
tilmaamay in uunamarna damin halgan ka
ogadeeniya looguraadinayo xornimo laakiin ay
guushu kuxidhan tahay ILaahay goortuu ina
siinayana isaga uuni garanhayo'
waxa uuna sheegay maantana in looga baahan
yahay dhaliyarada in ay rajadooda kor u
qaadaan islamar kaana ay hurgufaan heeryada
gumaysiga si aan uga hoos baxno.
Maxamed Tube oo isna katirsanaa odayaasha
Ogaadeeniya ee koonfurta-Afrika ayaa isna
guubaabo qiima leh kasoo jeediyay shirka
isagoo yidhi `` haddaanu nahay Odayaasha
Soomaalida Ogaadeeniya waanu taageeraynaa
halganka garabna taagan nahay dhalinyaraduse
waa inay fadhiga kakacaan lacagta yar eey
bixiyaana kagudbaan oy dagaalka galaan``.
sidoo kale waxaa isna madasha shirka kahad
lay sheekh cabdulaahi sheekh aadan oo kamid
ah Culima`udiinka Soomaalida Ogaadeeniya ee
waddankan. Sh. cadulaahi waxaa uu yidhi
ururka JWXO oo guulo badan gaadhay dhammaan
dadwaynaha soomaaliyeed wuxuu kamudan yahay
Taageero Qofkaan taageeraynina waxaa
xaqloogu leeyahay inuu hagardaamada kadaayo.
Gabagabadii ayuu shir guddoonku mahad celin
usoo jeediyay dhammaan kazoo qayb
galayaashii shirka wuxuuna ku dhawaaqay inuu
shirku xidhanyahay ballanta la isku
ogyahayna ay tahay dadaal intaan gobanimo
kagaadhayno.
Shir Jaaliyadaha Geeska Afrika oo ka
dhacey St Poul, MN
Waxaa maalintii Axada ee bisha April ku
beegnayd 13ka sanada 2008 ayaa waxaa
magaalooyinka mataanaha ee St poul iyo
Minneapolis ee gobolka Minnisotta ka dhacay
shir aad u balaadhan , waxaa shirkaa si wada
jir ah u soo abaabulay jaaliyaddaha
qowmiyadaha dulman ee ka soo qaxootiyoobay
wadamoodii iyagoo ka cabanaya tacadiyada iyo
xadgudubyada joogtada ah ee ay xukuumada
kaliye Taliye Males ku hayso guud ahaan
shucuubta ku nool geeska Africa,
Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay madax
ka tirsan dawladda maraykanka , xubno ka
tirsan ururada u dooda xuquuqul insaanka iyo
waliba aqoonyahana caalami , waxaana ka mid
ahaa madaxdii shirka ku casuunayd.
Betty Maccollum oo ah xildhibaanad ka tirsan
aqalka looga arimiyo wadanka maraykanka
marwadan oo laga soo doorto gobolka
Minnesota ayaa waxay si aad ah ooga hadashay
sida ay shaqsi ahaan ooga xuntahay
dhibaatada haysata shacuubta geeska Africa
waxayna iyadoo qiiro xamaasadeed ka muuqato
si kulul oogu dhawaaqday “Xukuumada shacab
masaakiin ah si bilaash ah ku laynaysa iyo
wadanka maraykanku noqon maayaan saxiibo ee
sidaa Males ha ogaado”
Waxaa sidookale iyana goobta shirka ooga soo
qaybgashay si maqal iyo muuqaalba isugu
jirta ka dib markay u saamixi wayday in ay
goob jog ka ahaato shirka Marwada sanetka
maraykanka oogu jirta Gobolkan Minnesota
(Senator Amy Klobuchar) waxayna dhamaan
xubnihii jaaliyaadka iyo shacabwaynihii
shirka ka soo qaybgalayba ku dhiiri galisay
in ay iyagu yihiin cidii isku xidhi lahayd
shucuubta dulman iyo dawlada maraykanka
loogana baahan yahay in ay si joogtah ooga
hadlaan xadgudubyada lagu hayo walaalahooda
ku sugan wadamadii ay iyagu ka soo qaxeen
iyagoo ka soo cararay dhibaatada ka jirta
awgeed.
Senator Norm Colman ayaa isagu soo dirsaday
wakiil ku hadlaya magaciisa una soo gudbiyey
madasha shirka qudbadiisii oo qoraal
halkaana laga akhriyey
Dhinaca kale waxaa iyaguna marti sharaf ka
ahaa shirka oo si aad ah ooga hadlay xubno
ka tirsan hay’adaha xuquuqul insaanka ee
fadhigooda yahay Minnesota iyadoo si aad ah
ay ooga warbixisay haweenay u hadlaysay
hay’adahaa
Sida shirka ku cad waxaa isla soo qaban
qaabiyey ilaa 5 jaaliyadood oo si wada jira
ah isula soo abaabulay shirkan waxayna kala
ahaayeen jaaliyaadkaa iyadoo waliba jaaliyad
kasta uu u hadlayay mas’uul la soo wakiishay
Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya
jaaliyadda Eriteria
Jaaliyadda Jamhuuriyada Soomaaliyeed
jaaliyadda Oromadda
jaaliyadda Ganbeelaha
Dhamaan jaaliyaadkan ayaa waxaa u hadlyey
mas’uuliyiin ka kala socotay qaybaha kala
duwan ee bulshada , waxaa xusid mudan in
Jaaliyaada Soomaalida Ogaadeenya ay u soo
xulatay in uu madasha shirka ooga matalo
kagana warbixiyo xaalada guud ee ka jirta
wadanka Ogaadeenya iyo waliba siyaasada ku
aadan geeska afrika, (Mudane Hanad Malingur)
oo ah ku xigeenka Hogaanka Arimaha Dibada ee
JWXO oo runtii si aad ah ooga warbixiyey
xaalada wadanku ku sugan yahay isagoo soo
bandhigay dhacdoyinka dhabta ee ka jira
wadankii iyadoo dhamaan shacabwaynihii
shirka ku sugnaa kaga ilmeysiisay .
Hadaan dib u milicsanno khudbadii iyo
warbixinihii maqalka iyo muuqaalkaba lahaa
ee uu mudane HANAD soo jeediyay waxay runtii
ahaayeen kuwo uu dakii meesha fadhiyay aad
iyo aad uga arga gaxay, sawirada muuqaalka
ah ee aadka looga musuraaradilaacay waxay
ahaayeen markii uu markali ah mudane Hanad
Malingur shaaca uga qaaday dad iyo dal reer
Ogadinia ah oo guud ahaantooodba lagu baa-bi’iyay
gubitaan iyo xadhko siligyo ah oo googooyay
gacmaha iyo lugaha dadka reer Ogadenia gaar
ahaan qaybtiisa biri ma’gaydada ah, Mudane
Hanad Malingur. ayaa isagoo si diiran oo
xanuunleh farta ugu taagaya sawiradii uu
soobandhigay yidhi.
“SIDANI WAA SIDA AY NOO GALEEN, SIDANI WAA
SIDA AY U GUBEEN GURYAHANAGII IYO WALIBA
DADKAYAGII. WAXAANU LEENAHAY CAALAMKA
KAMA’QARIN KARAYSID WAXA AAD KU SAMAYSAY,
SHACABKANAGA MA’NIHIN KUWO ILOOBI DOONA.
WAXAA AAMINSANAHAY IN AY UUN TANI SII
KORDHINDOONTO OO KALI AH GEESINIMADII IYO
AD-ADAYGII UU DADKAYAGU WALIGIIBA CAANKA KU
AHAA” kuwaasina waxay kamid ahaayeen
erayadii mudane Hanad Maalingur.
Shirka oo ahaa shir in mudo ahba lawada
sugayey ayaa ku soo gaba gaboobay guul
waxaana la isla soo qaadey in dhamaan
go’aanada ka soo baxey shirka si joogta ah
loo sii wado iyadoo waliba la iskala kaashan
doono dhamaan xafiisyada dawlada iyo kuwa
aan dawliga ahaynba
Si kastaba ha ahaatee qirrada iyo waliba
ciilka gaboobay ee ka muuqda wajiyadda
shacabkii ka soo qaybgalay shirka ayaa la is
oran karaa waxaa socda kacdoon xanbaarsan
dabaylo hididiilo oo ku beeran shacab
waynaha geeska afrika iyagoo aad moodo in
xanuunkii Kaligii Taliye Zanaawi la gaarey
goortii la iska dawayn lahaa loona guntaday
sidii la isaga dulqaadi lahaa
Radio Xoriyo
19 April 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari
|