Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Barnaamijkii Radio Xoriyo 25 March 2008.

  • Dagaallo lagu waxyeelleeyay ciidammada gumaysiga

  • Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha

  • Ogaadeenya: Dhibaatadii abaaraha oo meel xun maraysa.

  • Wargayska Los Angeles Time oo soo waraystay Ridwaan xassan Saahid

  • Jaaliyada Ogadenya oo kulan gaar ah layeelatay Congressman Donald Payne.

Dagaallo lagu waxyeelleeyay ciidammada gumaysiga

Dagaallada qallafsan e u dhexeeya CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya waxaa toddobaadkii u denbeeyay ciidammada gumaysiga lagaga dilay ugu yaraan 62 askari, waxaa sidoo kale laga dhaawacay inta la ogyahay 16 askari. Waxaa kaloo ciidammada gumaysiga laga gubay hal baabuur oo Uuraal ah, sidaas waxaa noo soo tabiyay wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;

23/03/08 Magaalada Dig waxaa weerar mir ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u joogay, waxaana laga dilay 2 askari.

22/03/08 weerar lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay wateen ciidammada gumaysigu oo marayay meesha lagu magacaabo Darida, oo Barmiilka u dhaw. Waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay inta la ogyahay 5 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

21/03/08 ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tagay Fulunfuul, oo Fiiq ka tirsan, ayaa weerar gaadmo ah lala beegsaday, waxaana lagaga dilay 5 askari, 9 kalama waa lagaga dhaawacay.

16/03/08 Higlaley, oo degmada Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay hal baabuur oo Uuraal ah, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 50 askari oo saarnaa.

Dhinaca kale 20/03/08 meesha lagu magacaabo Dhagaxtuur, oo Awaare ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga kaga goostay 2 askari. Ilaa iyo hadda lama oga meesha ay labadaas askari ku denbeeyeen.

Sidoo kale 19/03/08 Lafa-gumarrey, oo Yoocaale ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga kaga goostay 4 askari, kuwaasoo aan laga warhaynin jihada ay u goosteen.

Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha

Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa waxyeellooyin kala duwan u gaystay dadwayne rayad ah. Waxyeellooyinkani waxay isugu jiraan xidhay, jidhdil iyo dhac, waxayna u dhaceen sidatan;

18/03/08 magaalada Dhagaxbuur waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad rayad ah, waxaanan magacyadooda helnay;
1- Aamina Sh Muxumed
2- Maxamuud Xasan Faarax
3- C/risaaq Aqli iyo
4- Fatxa Cabdi Qodax

11/03/08 magaalada Sagag waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Maxamed Daahir Baaruud
2- C/llaahi Mawliid Cali iyo
3- Bilaad Haybe Sugulle

10/03/08 waxay ciidammada gumaysigu Cawl-ku-dhal ka soo qaqabteen oo ku xidhxdheen magaalada Dhagaxbuur dad rayad ah. Dadkan waxay ciidammada gumaysigu sidoo kale u gaysteen jidhdil iyo dhac, waxayna kala yihiin;
1- C/llaahi Abshir oo ay 1 Qari ka dhaceen
2- Axmed Maxamuud oo isagana ay 1 Qori ka dhaceen
3- Maxamuud Dayib oo ay jidhdil ba’an u gaysteen isla markaana xidheen iyo
4- Aamina Axmed Dhinbiil oo ay ka dhaceen 500 oo Biro oy rabtay inay carruurteed cunto ugu soo gado.

Ogaadeenya: Dhibaatadii abaaraha oo meel xun maraysa

Dhibaatadii abaaraha ka jira dalka Ogaadeenya ayaa meel khatar gaadhay, iyadoo gobollada qaarkood ay dad iyo xoolaba ku dhimanayaan, sidaas waxaa ku soo warramaya wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya.

Dhibaatadu waxay saamaysay inta badan gobollada Ogaadeenya, iyadoo meelo badan oo gobollada Ogaadeenya ka mid ah ay biya iyo baad la’aan darani ka jirto, taasoo keentay in dadkii iyo xoolihiiba ay dhibaatdu saamayso oo meelo badan laga soo sheegayo dad iyo xoolo ku le’day. Waxaa la saadaalinayaa in masiibo darani ay ka dhici doonto badiba gobollada Ogaadeenya haddii aan toddobaadyada soo socda la helin Roobkii Guga.

Xukuumadda Itoobiya ayaa wali hortaagan gargaarkii ay ururrada samafalku gaadhsiin lahaayeen dadwaynaha ku tabaalaysan Ogaadeenya, iyadoo wali diiddan in ururrada samafalku ay si xor ah uga hawlgalaan Ogaadeenya, waxayna nasiib darro beesha caalamku ku guul darraysatay inay Xukuumadda gumaysiga Itoobiya ku cadaadiso inay joojiso xayiraada ay Ogaadeenya ku hayso iyo gumaadka ay halkaas ka wado.

Toddobaadkii hore ayuu Midowga Yurub in ka badan 47 milyan oo dollar ugu deeqay sidii wax loogaga qaban lahaa dhibaatada abaaraha ka dhashay ee haysta dadyowga ku dhaqan gobolka Geeska Afrika. Deeqdan ayaa la gaadhsiin doonaa toddoba dal oo ku yaalla Geeska Afrika, iyadoo lagu maalgalin doono mashaariic abaaraha la xidhiidha, hase yeeshee Midowga Yurub ma soo bandhigin qorshe uu hubanti kaga dhigayo sidii deeqdan loo gaadhsiin lahaa dadka u baahan.

Daba-yaaqadii bishii hore ayuu Xafiiska Xidhiidhka Arrimaha Bani’aadaminamada ee Qaramada Midoobay ee OCHA ayuu si wayn uga digay macaluusha ka jirta Ogaadeenya, isagoo sheegay in ilihii biyuhu ay gudheen baadkii xooluhu daaqayeena uu yaraaday, ayna adag tahay sida ay ku badbaadayaan dadka ay dhibaatadani saamaysay tan iyo inta laga gaadhayo xilliga Guga oo sida caadiga ah ku aaddan badhtamah bisha April.


Wargayska Los Angeles Time oo soo waraystay Ridwaan xassan Saahid


Wargayska caan ka ah ee la yidhaahdo Los Angeles Times Los Angeles Times oo kamid ah wargaysyada ka soo baxa wadankan Maraykanka kuwa ugu cansan aadna lo akhristo ayaa 23-03-08 lagu soo daabacay sawirka “Ridwan Hassan Sahid” oo ahayd gabadh da,a yar oo u dhalatay Somalida Ogadenya oo ay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku marjiyeen silig joornaalka ayaa aad u qaadaa dhigay qisadii Ridwaan kadib markay ciidamada Ethipia mayd ahaan uga tageen. Sawirka ayaa waxaa ka muuqday nabarkii uu siligigii lagu ceejiyay kaga tagay luqunteeda.

Ciwaanka wargayska ayaa ahaa “dagaalka Ethiopia oo ay calamku soo daremayaan”

Sidan ayuuna joornaalku hadalka u dhigay
Gabadhan yar ee 17 jirka ah ah ayaa waxay ka soo dhex toostay maydad aad u fara badan ayadoo ay afkeeda iyo indheheeduba qudhaanjo ka buuxsameen

Ridwaan markii ugu horaysay ee ay soo miyirsatay waxay dareentay dhiig ka qulqulaya lugunteeda oo uu siligii ay ciidamada Ethiopia ku ciijiyeen uu kala gooyay iyo waliba culays aad u badan oo luqunta ka saaran, laakiin ayadoo Ridwan ka cabsanaysa ciidamadii mayd ahaanta kaga tagay inay ku soo noqdaan ayay Ridwaan si dagdag ah qudhaanjadii indheheeda uga tirtirtay kadibna indhaha isku qabatay ayadoo iska dhigaysa mayd si ayna ciidamada Ethiopia u dhaawactirin

Sida bahalnimada leh ee Ridwaan siliga loogu ciijiyay iyo sida mucjisada ah ee ay uga badbaaday Ridwaan ayaa ah qisooyinka ugu cajiibsan ee kadhacay wadanka Ogadenya ee ay musiibooyinku ka dhacayaan, musiibooyinkan oo ay calamku muda badan ka indha laayeen

Mudadii dheerayd ee uu gumaystuhu haystay shacabka Ogadenya oo tiro ahaan lagu qiyaasi karo ilaa 4 Million ayay qulqulatooyin iyo musiibooyin hadheeyeen Ogadenya ayadoo ay dagaalo kulul dhexmarayeen xoogaga gobanima doonka ah ee JWXO iyo ciidamada Ethiopia.
.
Boqolaal kamid ah shacabka Ogadenya ayaa lalaayay kumanaan kalena guryahoodii ayaa lagabarakiciyay sanadkii lasoodhaafay oo kaliya, sidaas ooy tahay hadana waxaa adag in la Ogaado tirada dhabta ah iyo baaxada ay leedahay dhibaatada kajirta Ogadenya sababtuna waxay tahay Ethiopia oo haayadaha caalamiga ah iyo suxufiyiintaba ka mamnuucday inay tagaan oo ay wax ka ogaadaan waxa ka dhacaya Ogadenya.

Ridwaan warbixinta ay siisay wariyahanaga Los Angeles Times ayaa ah wax aad u yar marka loofiiriyi musiibooyinka ka aloosan Ogadenya hadh iyo habeenba.

Gabadhan oo aad u yar ayaa marmar maahsanayd oo isilaawaysa inta uu wariyuhu waraysanayay. Ridwaan ayaad moodaa inay luqunteda ku qabto silsilad, balse silsilad ma ahane waa nabarkii uu reebay siligii Ridwaan luqunta lagaga marjiyay oo aad silsilad moodo.

marmar ayay Ridwaaan oohin la ilmaynaysa inta aan waraysanaynay hadana si qosolgariirleh ayaa intay is xusuusato ay ilinta isaga tirtiraysay, waxayna Odhonaysay “waxaan layaabanahay nolosha an kunoolaan hayo nooca ay tahay”

Ridwaan waxay ku kortay tuulada Qoriile ayada iyo sideed walaaladeed ah
Inta ay Ridwaan xusuusato, tuulada ay ku noolayd waxaa Ciidamada Ethiopia looga yaqaana cadow aan naxariis lahayn,

Ridwaan waxay tidhi “waxaanu markasta dareena inaanu gumaysi ku jiro” waxaanu korray anagoo cabsi wayn ka qabna ciidamada Ethiopia

Dhibaatada Ogadenya ka tagan waxay la factirsataa markay Yurubiyaanku ku gulddaraysteen inay dib u sii gumaystaan wadamaday gumaysan jireen intii ka danbaysay dagalkii 2 ee Aduunka.

In muda ah markay Ogadenya hos imaanaysay Maamulka Ingriiska , waxa Ogadenya lagu wareejiya gacanta Ethipia ayada oo ayna dadka Somaalida ah ee deegaanka dagan aan wax Ogolaansha ah laga haynin, intii intaas ka danbaysayna halganka xornimadoonka Ogadenya wuxuu noqday mid qori isu dhiib ah oo ayna kal guin Jabhadaha ay ka goantahay inay xoreeyaan Ogadenya.

Ciidamada Ethiopia ayaa ku caanbaxay gubitaanka tuulooyinka, kufsiga gabdhaha, khasbida dhalinyarada aan lataba barin inay dagaalo galiyaan, iyo wliba cunaqabataynya dhinaca ganacsiga tasoo sababtay sicir barar iyo cuduro nafaqa dari ah oo ku habsaday shacabka
”si aaba yeel la,aan ah ayaa shacabka ree Ogadenya loo ciqaaba” sidasna waxaa yidhi mid kamid ah cilmi baadhayasha hayada u ololaysa xuquuqul insaanka waa Human Rights Watch.


Ridwan waxay tidhi “reerkanagu siyaasadba lug kuma lahayn” , si kastaba ha ahaatee Ridwaan waxay ku gashay bishii 6 malin ay ciidamada Ethiopia ay dadkii oo dhan tuulada isu soo aruuriyeeen, malintas Ridwaan Aabeheed wuxuu lajiray xoolaha mana uusan joogin, hooyadeedna waxay adeeg u aaday Magaalo u dhow. Ridwaan isla markaas ay ciidamadu guriga ku soo jabiyeen waxay dhaqanaysay wajigeeda.

Ridwaan waxay tidhi waxan xususta markay soogaleen ciidamadu xaafada iyagoo ku dhawaaqaya waxaad tihiin Jabhada, waxad Taageertaan Jabhada, isla markaasna waxay dhac ugu dhaqaaqeen quryihii ayagon waxba dhafaynin., Ridwaan iyo dadka kale oo aad u naxsan ayaa yaacay waxyar kadibse waa nala soo qaqabtay oo laisugu keen keenay meelbanaan ah, waxayna askartii bilowday inay magacyo ka akhrinayaan wargqad ay jaajuusiiny u sooqortay.

”Ruuxna muunan ogayn ruuxa lala bixi doona lakiin waxaan garanaynay hadii magacaaga loo yeedho in lagu dilayo” sasna waxaa yidhi Fatxi Abdulla oo 22 jir ah ahna Ridwan inaadeerkeed oo ay xaafad kuwada noolaayeen. Ridwaan aad bay u naxday markii magaceeda looyeedhay, ayada iyo 10 kamid ah deegaankii magalada waxaana la geeyay schoolkii tuulada oo ay ciidamadu u badaleen xabsi dadka lagu badho laguna jidhdilo.

”hal hal bay noo wadeen” saasna waxaa tidhi Ridwaan.”Way I haraatiyeen kadibna luquntay iskaga kay taageen “ sidadsna ridwaan baa tidhi waxayna racisay “ waligay wax aan caawiyay hooyadaybaa kajirta” jabhadna waligay maanan arag”

Subaxnimadii danbe Ridwaan iyo kuwo kaloo maxbuusiin ah ayaa loo soo qaday Tuulo kale.

”Waxay noo qaraaceen sidii xoolihi oo kale” maskixiyan waanban u dhimanay waxaan sugayay inta ay nafta iga jarayaan” erayadaasna waxa tidhi Ridwaan”

markii aan soo galay magaladii kale isla markiiba waxaan arkayay ciidamada Ethiopia oo Dhac ku bilabay tuuladii guryihiina dab sudhay, maxaabistii wax seexday nagumajirin habeenkaas, ruux kastana wuu cabsanayay. Markuu waagu baryay, ayadoon waxba naloo sharixin askartii waxay bilowday inay na layso, 2 kamid ah maxaabiistii waxaa laga soo lalaadiyay geed dhaladii, 2 kalana waxaa lagu ciijiyay silig.


Jaaliyada Ogadenya oo kulan gaar ah layeelatay Congressman Donald Payne.


Kadib shirkii ka dhacay magaalada Minneapolis galabnimadii Isniinta ee ay soo qabanqaabiyeen Qowmiyadaha dagan Geeska Africa ee ay dulmiga ku hayso maamulka gardarada ku caanbaxay ee Ethiopia, waxay jaaliyada Ogadenya fursad u heshay inay kulan gaar ah la layeelato xildhibaanka laga soo doorto gobolka New Jersey ee lagu magacaabo Congressman Donald Payne.

Kulankan ayaa waxaa jaaliyada Ogadenya hogaaminayay Oday dhaqameedyada Ogadenya oo dadaal badan kawada Waqooyiga America, una guntaday sidii ay bulshadooda dulman caalamka ula socodsiinlahaayeen.

Oday dhaqameedyadii kulankan ka soo qaybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa cuqaashta kala ah;

1- Caaqil Maxamud Cunshur
2- Caaqil Sheikh Abdi Yussuf
3- Caaqil Cabdullahi Cabdi yare

Dhinaca Hooyooyinka Ogadenya ayaa waxaa jaaliyada uga qaybgashay

1- Hooyo Haweeya Xirsi Mahad

Dhinaca siyaasiyiinta waxaa goobjoog ka ahaa;

1- Mahamed Ahmed Daahir
2- Hodan Abdullahi Duale

Sidoo kale waxaa iyagu goobtaas joogey xubno ka socda Ururka Dhinaca dhalinyarada Ogadenya oo ay ka mid ahaayeen;

1- Abdi Bashiir
2- Amran Daahir
3- Carab Mohamed

Xogwaran qoda dheer oo ay is dhafsadeen Congressman Donald Payne iyo cuqaasha ree Ogadenya ayaa waxay labada dhinacba isla qireen dhibaatada baaxada leh ee haysata shacabka Ogadenya ee ku dhaqan Ogadenia inuu asal uyahay gumaysiga Ethiopia, daganaansha laanta Geeska Afrikana inaan xal loo helaynin ilaa xal loo helo qadiyada Ogadenya.

Mar uu Donald Payne wax ka tilmaamayay socdaalkiisii Geeska Afrika uu kusoo maray gaar ahaan xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee ku yaala waqooyi Bari Kenya ayaa wuxuu mudane Payne yidhi “waxaan xeryaha qaxootiga kula soo kulmay dad farabadan oo ka soo barakacay Ogadenya kadib markay ciidamada Ethiopia gumaadeen, dhibaato noockasta isugu jirta ayaa dadkan ka muuqatay balse illaa eegadan aan idinla hadlayo waxaan xusuustaa oo qalbigayga ka gu'i la oohintii gabdhihii yaryaraa ee ree Ogadenya ee aan kula soo kulmay xeryaha qaxootiga Dhadhaab, Kenya oo ay faraxumeeyeen ciidamada Ethiopia”

Dhinaca kale mar uu wax ka iftiimiyay heerka ay qadhiyada Ogadenya marayso iyo sida ay calamku ula socdaan ayaa wuxuu mudanuhu yidhi “Qadiyada Ogadenya maanta way soo dhaaftay markii uu caalamku iska indha tiri jiray, waxayna maanta hortaalaa bulsha waynta caalamka, ayadoo lagu khasbanyahay in xal loo helo Ogadenya hadii kale in Geeska Afrika nabad waarta laga gaadho ayaa noqondoonta riyo aan waxba ka jiridoonin”

Talooyin badan oo uu mudanuhu u soo jeediyay jaaliyada ayaa waxaa laga xusi karaa inuu yidhi “Qadiyadiinu maanta idinka ayay magan idiintahay, hadba sida aad ugu talisaan unbayna noqon, hadaba taladayda ugu danbaysa waxay tahay marna ha ka cajisina inaad dadaalkiina sii wadaan illaa aad ka hananaysaan macaanka midhaha xoriyada oo aan hubo inuusan jirin shakhsi reer Ogadenya ah oo wali nasiib u yeeshay xoriyad” wuxuu intaas raaciyay mudanuhu sida ay uga go'antahay garabistaagida dulmanayaasha ree Ogadenya inta uu xaqoodu dhacanyahay ayaguna ayna qadiyadooda marin habaabinaynin.

Ugudanbayntii waxaa xusid mudan inay jaaliyada Ogadenya Mudane Donald Payne uga mahad celisay dadalka dheeriga ah ee uu mudanuhu galiyay qadiyada ogadenya iyo sida uu had iyo jeer ugu heelanyahay inuusan indhaha ka laabanain markasta oo ay xafiiskiisa soo gaadho dhibaatada shacabka Ogadenya, hadiyadan ayaa waxaa mudnaha si maamuus ahaana u gudoonsiiyay Caaqil Maxamuud Cunshur.


25 March 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah 7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.