|
Wararka murugada iyo
tiiraanyada xambaarsan ee beryahan dambe ka
imaanaya Puntland ayaa ah kuwo ay dadku
siyaabo kala duwan u macnaysanayaa.
Dadka qaarbaa kolkay arkaan
Ummaddii Soomaaliyeed oo naf iyo maalba la
bililiqaystay, dhiiggoodiina la xalaalaystay
isku qancinaya in arrinkan uu maamulka
Puntland ku kacay inay kamid tahay
musiibooyinka ku habsaday Ummadda.
Qaarkale ayey dammiirkooda
iyo garaadkoodaba ka dhaadhici la’dahay,
ruux Muslim ah, Soomaali ah, kula dhashay,
kula dhiig ah, kula qoys ah, ood weliba soo
magansatay ayaa inta uu ku labadibleeyo oo
Indhaha kaa xidho gacanta kuu gelin gaal aad
naftaadii kala soo carartay!
Qaarkale oo ah kuwa
taariikhihii hore iyo kuwa dambe ee Geeska
Afrika wax kala socda ayaa iyagu ku qanacsan
falalkani inay yihiin wax soo jireen ah oo
isirsanaya xataa maamulladii hore ee loo
yiqiin (Majeerteeniya) kana horreeyey
dawladnimadii 1960kii.
Haddii aynu taariikhda dib u
milicsanno, billowgii qarnigii sagaal iyo
tobnaad guyaashii Calanka daraawiishtu uu
kor ahaa ayaa gooboo badan oo ay iskaga
horyimaaddeen mujaahidiintii Daraawiishta
iyo ciidammadii Ingiriisku waxaa lagu
jebiyey ciidammadii Ingiriiska , goobahaas
ayaa waxaa kamid ahaa Cagaarweyne iyo
Daratoole oo labaduba dhaca Gobolka Doollo (Wardheer).
Wakhtigaas oo Xarunta
Daraawiishtu ay ahayd Wardheer iyo Walwaal
ayuu Boqor Cusmaan Yuusuf oo ahaa Boqorkii
gobollada Waqooyi Bari (Majeerteeniya)
warqad u soo diray Sayid Maxamed Cabdille
Xasan, uu ku leeyahay waan is garabsanaynaa
ee Bari usoo rar Daraawiish uguna soo guur
saddex arrimood oo ah:
-
Buuro dagaalka ku fiican
-
Biyo badan oo kuu dhaama
kuwa Wardheer iyo Walwaal
-
Bad aad hub iyo waxwalba
kala soo degto.
Sayidku aad buu ugu riyaaqay
ballanqaadka Boqorka, Daraawiishna Bari ayuu
u raray, hase yeeshee islamarkiiba boqorku
wuxuu heshiis kale la galay Ingiriiskii,
wuuna kuballanfuray Sayidkii iyo Daraawiish,
waxaana Daraawiish oo geeddi ah laga
horkeenay ciidammo aad u wiiqay awooddii
Daraawiishta.
(Maahmaah reer Bari ayaa
tidhaahda “Geelna waa galgashaa ragna
waysgaddeyaa” meesha Soomaalida kale isku
raacsantahay “Qawl waayeel ka dhacay waa
qolof geed kadhacday”),
taasoo laga dhadhansanayo wacad aad gashay
inaadan ka noqon sikastoo uu u
khadhaadhyahay.
(Maahmaah kale oo reer Bari
ayaa tidhaahda “Maslaxadaada masalle Ey/Ay
baa loogu tukadaa”),
akhristow ma weligaabaad aragtay mise
maqashay wax Ey/Ay masalle kalabaxa?
Sayid Maxamed C.Xasan oo
Afmaal ahaa aadna uga cadhooday ulana yaabay
ballanfurka Boqorka ayaa wuxuu tiriyey Gabay
caan ah oo layidhaahdo Jiimley, gabaygan oo
aad u dheer waxaan kasoo qaadanaynaa tuducyo
kooban oo weliba laga yaabo inaysan isugu
xigin sidii ay isugu xigeen kuwaasoo
qormadeenna khuseeya, ruuxiise danayna wuxuu
ka heli karaa (Buuggii Gabayada
Sayidka, ururintii koobaad)
Sayidku wuxuu yidhi
Xuseenow jikraar lama hadlee,
jaalkay baad tahaye
Adaan iga jadeer wicin markuu, jaahilkii
didaye
Janhoo adaan qaban markuu jiitay gacalkaaye.
Sidii jaawo dhane loo shubaan,
jeelka kaabi’ine
Waxaan kugu jalbeebinahayaa, jawhartii
gabaye
Jawiskayga maqal caawa waan jalabaayaaye
Jundigii xigaaliyo anoo jooga
gurigayga
Anigoon jareexiyo xumaan juuq la ii odhanin
Anigoon rag ii soo jirfaday, jil iga
qaadaynin…….
Jawaawida Majeerteen hadday
jalawdii ii yeedhay
Inaan jaro ku sii dhaho hadday igaga
jeebnaatay
Jiidaha Ilaahay haddii la igu jeeraarshay………
Wixii aan jajuur galay,
waxaan jowray bedankeyga
Rabbi baygu jeefagay waxaan jululay ruuxayga
Jaldhanka baahida waxaan jalaqa heemaarshay……
Haddaan Boqor jawaab iiga
iman Bad uma jeeleene
Jidhku ima xanuuneen hadduu joog i leeyahaye
Jeclaantaan u qabaybaan u tegay jaankii
badaihiiye…..
Nimankaan jalbeebtooda gole,
jurux ka dhowraayey
Inay jaxar abaal iiga dhigi laabtu jirin
mayne
Jisadeyda Eebbaan ka heli talaba waa jeere.
Waxaa kaloo xusid mudan in
Darwiish la odhan jiray Xaaji Xali
Faahiye Geeddi, kana soo jeeday
Degmada Qandala inuu ka tegay xaruntii
daraawiishta, isagoo hub iyo saanad u
raadiyey daraawiishta, hase yeeshee markuu
gaadhay Qandala ayuu arkay Daartii Aabbihiis
oo uu calankii Talyaanigu ka dul taaganyahay,
markuu dadkii warsadayna waxaa lagu yidhi
“waa heshiis maamulka iyo Talyaanigu wada
galeen”
Xaaji Cali mujaahidbuu ahaaye,
intuu bandiiraddii soo dejiyey ayuu gubay!
Dawladdii Talyaanigu markay
ogaatay waxay la soo xidhiidhay maamulkii
Boqorka, maamulkiina wuxuu go’aansaday inay
wiilkoodii ku axmaan bandiiraddii uu gubay,
waxayna gacanta u geliyeen Talyaanigii!!
Warqad uu qoray Xaaji Cali
intaan la qaban ayaa gaadhay Sayidkii,
dabadeed Sayidku wuxuu farriin u diray
wakiilkii dawladda talyaaniga uga wakiilka
ahaa xeebaha Soomaaliyo oo la odhan jiray
“Bastaloosi” , wuxuuna ku yidhi “waan wada
xaajoonaynaaye ii imow”
Bastaloosi, oo aad ugu
faraxsan Sayidkii oo wadahadal ka dalbaday
ayaa markabkiisii kusoo xidhay xeebta Ayl,
oo markaas ahayd xarunta Daraawiishta.
Sayid Maxamed wuxuu markiiba
Bastaloosi waydiiyey, “Cali Faahiye Geeddi
mee?”
Bastaloosi wuxuu yidhi
markabkuu saaranyahay.
Soo deji ayuu Sayidkii yidhi.
Bastaloosi wuxuu yidhi
“Ninkani dembibuu galay labo maamulbaana
isudhiibaye adigu shaqo kuma lihid.”
Markaasu Sayidkii yidhi
“Adiga iyo raggaaguba isaga ayaad u
curaarantihiin”.
Danbaa tidhiye kolkii Cali
Faahiye la keenay ee ay Sayidka isa
salaameen ayuu isagoo weli gacantiisii haya
yidhi: (gabaygan maannaan wada qorin ee isna
ka fiirso Buuggii Sayidka.)
Ninka gaalka la siiyey Talyan
loo garba duubay
Markab guudkii la saaray, gacal sow ma
lahayn?
Waxa gaalada siiyey garacdii
bahdir weeyoo
Gadhkiisoo la jaraa , ma gooyaan dhammidood!
Warka gaadhay Islaamoo,
geyigoo dhan dhammeeyey
Giddi reer tolku ceebtu guudka sow kama
saarna
…………………………………………………………
Mawdku waa gar Ilaahoo, geeri
Eebbe ma diidnee
Waxaanan ka gam’aynin, Cali Faahiye Geeddi
waa siday u galeeney!
Haddaba
akhristow geeri Eebbe ma diidnee raggan
Gaadhiga lagu guray ayaannaan ka
gam’ayneeeeeey!
Su’aasha gunaandka ahi waxay
tahay, dadkan Amxaaro loo garbaduubay
Ma waxay sugayaan Sayid
Maxamed Cabdille Xasan (Allah ha u
naxriistee.)
Waxaa Qoray
Axmed Cali Sahal
Asahal66@hotmail.com
May 06, 2008 |