|
|
|
|
|
Baaq & Canbaareyn: Falkii Maamulka Puntland Ku
Kacay |
Anagoo ku
hadleyna magaca Jaaliyadaha Soomaalidda
Ogaadeenya ee Scandinevia (Finland, Sweden,
Denmark, Norway) waxaan si qoto dheer uga
xunahay kuna tilmaameynaa naxariis-daro, si
buuxdana u cambaareyneynaa falka ka baxsan
Biniaadamnimada, Soomaalinimadda,
Islaanimadda iyo Derisnimada ee Maamulka
Puntland uu kula kacayo muwaadiniinta la
gumeysto ee Ogaadeenya, isagoo si
naxiis-daro ah cadowga shacabka Ogaadeenya
ee Itoobiya ugu gacan galiyey muwaadin
shacabkaas ka tirsan, kuwaas oo dano kala
duwan oo noloshoodda la xiriira ugu sugnaa
dhulka uu maamulkaasi ka taliyo.
Falkan foosha xun wuxuu Garowe ka bilowdey
22kii Abriil 2008, xiligaas maamulka
Puntland wuxuu cadowga shacabka Ogadenya u
gacan-galiyey labo muwaadin oo shacabkaas
ah, falkaasna wuu socdaa isagoo si aan loo
miidaan dayin loo xir-xirayo cadowgana loogu
gacan galinayo muwaadiniinta ka soo jeeda
dhulka Ogadenya ee halkaas ugu sugan dano
shaqo, waxbarasho, caafimaad, ganacsi kuwo
qoys iwl. Maamulka Puntland, isagoo taliska
dhiigya-cabka ah ee Addis Ababa ku
raaligalinaya ayuu gacanta cadowga
gumeystaha naxariis-laawaha ah geliyey
muwaadiniintaas Soomaalida Ogaadeenya ka
tirsan oon wax dambi ah ka galin. Waxaa kale
oo Maamulka Puntland xabsigiisa Boosaaso
horey si silic ah loogu dilay muwaadin ka
tirsan jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee
Bosaaso, qaar kalena si sharci daro ah ayuu
maamulku u xir-xiraa si joogto ah. Wuxuu
maamulkaasi iska indho saabay xidhiidhka
maslaxada labada shacab ee deriska ah, waxaa
muran ma doonto ah in dhacdooyinka noocan oo
kale ah in ay dhaawacayaan xiriirka labada
shacab iyo derisnimadda.
Taliska gacan ku dhiig-laha ah ee Addis
Ababa marna kama oomana kamana gaajeysna
dhiiga shacabka Soomaalida Ogaadeenya. Wuxuu
si raxariis darro ah u gumaadaa shacabka aan
difaaca lahaeyn ee Ogaadeenya. Waxaa
xabsiyada gumeysiga ka buuxa kumaan-kun oo
Soomaalida Ogaadeenya ah, ujeedada uu
gumeysaha Itoobiya ka leedahay in masuul ama
muwaadin shacabka Ogaadeenya ah laga soo
qabto Puntland ama gobol gobolada Soomaaliya
ka mid wuxuu uga dan leeyahay:
1. In marka koowaad colaad la dhex dhigto
labada shacab ee deriska ah, si la mid ah
sida ay Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya
isugu hubaysay ee colaadda sokeeye u
dhex-dhigtay.
2. In marka labaad gumeystuhu ku guuleysato
isku daygiisa ah in Soomaalida loo kaashado
burburinta halganka xaqa ah ee shacabka
gobonimo doonka ah ee Ogaadeenya iyo
dadaalkiisa uu ugu jiro xaqa aayo ka
talintiisa, taas oo gumeystuhu horey ugu
dhaqaaqay kuna guul dareystay.
Waxaa muuqata in maamulka Garowe iyo
Puntland in aysan ka fiirsanin natijada ka
iman karta falalka noocan oo kale ah,
maamulka Puntland waxaa cad inaysan ku
baraarugin xaqiiqada ah inay Itoobiya tahay
cadowga koowaad shacabka Soomaaliyeed. Waxaa
kale oo iyana muuqata in aysan fahmin in
Taliska Addis Ababa waqtigiisii maalmo la
tiriyo ka hadhay oo uusan mudneyn in maanta
loo hogaansamo, kabahana loo qaado maamulka
falkan geysteyna uu ku khasaarayo tala
xumaddiisa, ka fiirsasho la’aanta iyo qar
iska tuurka ay ku doonayaan in labada shacab
colaad laga dhex alooso.
Maamulka Puntland waxaan u sheegeynaa in
talaabadaa uu qaadey aysan marna hakinaynin
halganka Gobonimadoonka shacabka Ogaadeenya.
Waxaan u soo geedineynaa shacabka Puntland
iney si buuxda u cambaareeyaan, kulana
xisaabtamaan talaabadaas khaldan ee
maamulkoodu qaaday lana joojiyo ka ganacsiga,
dilka & xabsiga uu maamulka Puntland ku hayo
shacabka Ogaadeenya ee soo magan galay
cadowga aan naxariista laheyna ka soo
cararay.
Anagoo ku hadleyna magaca iyo masiirka
Jaaliyadaha Ogaadeenya ee Scandenevia,
waxaan cambaareyneynaa falkan foosha xun ee
maamulka Puntland ku kacay.
Waxaan maamulka Punland u cadeyneynaa in aan
garab taaganahay mar walba halganka xaqa ah
ee shacabka Ogaadeenya ee geesiga ah uu ugu
jiro xaqa aayo-ka-talintiisa. Waxaa u
sheegaynaa Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa
garabka siinaya ee taladiisa ku shaqeeya
intaba in Guusha kama dambaynta ah uu
leeyahay xaq-u-dirirka Ogaadeenya, cid
kastana waxay kasbato ayey heli, ha dhawaato
ama ha dheeraatee’ Waxaan caalamka &
shacabka Soomaaliyeed oo idil ugu baaqeynaa
inay cambaareeyaa falka xuquuqul insaanka ka
dhanka ah ee Maamulka Puntland uu ugu
gacan-galiyey cadowga dad aan dambi ka galin
maamulkooda una istaagay oo kaliya in ay ka
dhiidhiyaan gumeysiga & gumaadka dadkooda
lagu hayo.
Midnimo Mintid & Isku tashi
Jaaliyadaha Ogaadeenya ee Scandinevia
oca@wippies.com |
|
|
|
|