Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Sheekh Shariif Shiikh Axmed oo Maanta isku Dhiibay Ciidamo Mareykan iyo Kenyan ah


Jan 22, 2007

Waxaa maanta si cad usoo shaac baxday in mid kaamid ah hogaamiyayaashii sarsare ee Midowgii Maxaakimta ee ku burburay Magaalada Muqdisho uu isku dhiibay Ciidamo isugu jira Mareykanka iyo Kenyan.

Gudoomiyaha Golaha Fulinta Midowga Maxaakimta Shareecada Islaamka Soomaaliyeed ee looga itaalka roonaaday fariisinkoodii Magaalada Muqdisho ayaa isku dhiibay ciidamo ka tirsan Dowladaha Mareykanka iyo Kenya.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed Gudoomiyihii Golaha Fulinta Maxaakimta ayaa haatan ku sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya wuxuuna daganyahay Hotel kamid ah Hotelada Magaalada ayadoo amaankiisana ay la wareegeen Saraakiil ka tirsan Mareykanka iyo Kenya sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan Dowladahaas.

Danjiraha Dowlada Mareykanka u Qaabilsan dalka Kenya ayaa carabaabay in Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu yahay nin qunyar socod ah islamarkaana la jaanqaadi kara gadgadoonka marxaladaha ka jira Dalka Soomaaliya.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed Gudoomiyaha Golaha Fulinta ayaa ayaa kasoo Gudbay Xadka ay Dowlada Kenya la wadaagto Soomaaliya isagoo islamarkaasna isku dhiibay Ciidamada Dowladaha Mareykanka iyo Kenya.

Mas'uuliyiinta Kenya ayaa sheegay maanta in uu isku dhiibay Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo kamid ahaa hogaamiyaashii sarsare ee golahii maxkamadaha islaamka Somalia mareykanka iyo masuuliyiin Kenyan,iyadoo badbaadadiisana ay la wareegen ciidamo Mareykan ah.

Michael Ranneberger Danjiraha Dowlada Mareykanka u Qaabilsan Dalka Kenya ayaa ku celceliyay in Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu Qeyb libaax ka qaadan karo Geedi socodka nabada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii is dhiibida Shiikh Shariif ee Dowladaha Mareykanka iyo Kenya ayaa ku soo beegmay xili usbuucii lasoo dhaafayna uu baarlamaanka Soomaaliya Xilka ka qaaday Gudoomiyihii Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyadoo eedeymaha xil kaqaadistiisana ay kamid aheyd safar uu ku tagay Magaalada Muqdisho xiligii ay Muqdisho ka arimin jireen Maxaakimtii laga itaalka roonaaday ee uu Gudoomiyaha Golaha Fulinta u ahaa Ninka maanta is dhiibay ee Shiikh Shariif Shiikh Axmed

--Ismail Haji
Ogaden Online

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.