Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Jaaliyada Ogadeniya ee Siiriya
Kulan deg deg ah oo ay isugu timid jaaliyadda Ogaadeeniya ee suuriya, kaasoo looga arinsanayay halganka ay jwxo hormuudka katahay iyo guud ahaan xaalada wadanku ku sugan yahay hada, kulankaas oo mudo saacado ah qaatay bayaa waxaa looga hadlay arimo ay kamid ahaayeen xasuuqa joogtada ah, ee ay ciidamada nacabka itoobiya ay ku hayaan shacabka ogaadeeniya, waxaa kale oo looga hadlay falka foosha xun ee ay ku kaceen, maamul goboleedka puntland taas oo ah u gacangalinta xubno katirsan jabhadda ONLF
Cadawga umadda soomaaliyeed ee Abisiiniya.

Arintan oo dad badan fajac iyo amakaag ku noqotay in qof Muslim, soomaali ah uu ku dhaqaaqo falka noocaan oo kale ah, in kasta oo hada kahor ay maamulka soomaaliland ay rag badan u dhiibeen taliska daalan ee addis ababa, hadaba arintan soo noqnoqotay ayaa lagu macneeyay in Umaddii soomaaliyeed oo dhan ay u gacan gashay cadawgeedii soo jireenka ahaa ee itoobiya.

Tan oo qofkasta oo ku luglahaa lagu la xisaabtami doono wakhtigeeda. Hadaba falkan xun ee dhiibista C/nuur maxamed Sooyaan iyo dhiire Caafi ayaan wax ka weydiiyay Abwaanka weyn CABDI IBRAAHIM MAGAN (cirjiir) bal sida uu u arko arintan waxa uuna iigu jawaabay:-

Nimanyahow haddii ay sax tahay sida la sheegaayo
oo Saahidiintii axmaar loo silsiladeeyay
Waa suurgaddoon iyo inkaar soodh lahoo timide

Rag baa nacab sibraha looga xidhay sabab la'aaneede
Waa waxaan sokeeyiyo ka dhicin saadada is jecele
Soomaaligii taa maqlaa seexan kari waaye

Qofna mowdka lama seejin karo saacad loo qoraye
Inta ay saqiir dubatadiyo saancadka i dhiibi
Sad waxaa ahayd inay iyagu seefta mariyaane

Nin markuu cadaawaha suntiyo saanadda u haysto
Mid umbaa u sahay qaadi jiray tan iyo Saydkiiye
Sunno weeye aadmigu Ilaah siiyay waa hore

Sinji iyo xigaalnimo hadday sabasho beeleene
Suxbaddiyo wanaaggii dar dar baa seetadow jaraye
Ruuxii samaan dhowrayooy maanta samir qaado


Micnaha ereyada:

Saahid: Halgame
Soodh: Baynaadka qoriga
Sibraha:Lugaha
Saado: Dad wada dhashay
Saancad: Gumaysi
Suxbad: Saaxiibtinimo,walaalni

Gabagabadii shirka ayaa waxaa cambaarayn loo soo jeediyay maamul goboleedka  Puntland in ay ka waan toobaan falalka noo can oo kale ah, Waxaana baaq loo soo jeediyay dhamaan waxgaradka iyo culima-awdiinka ,aqoonyahanka u dhashay puntland in ay kahadlaan Arintan kana hotagaan waxyaalaha dhaawacaya xidhiidhka labada shacab ee walaalaha ah iyo dhaqanka,islaamka iyo Soomaalinimada.

Jaaliyda Ogadeniya ee Suuriya
 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.