|
“Laf-dhuun gashey oo lagu margan doono”
Maalmahan
ugu danbeeyay waxaa warbaahinta soomaalida
iyo hayadaha xuquuqul insaanka ayka hadleen
in badan qabqabashada shacab reer ogadenia
ah oo isugu jira xoogsato-muruqmaal, bukaan
daawo iyo caafimaad uyimid puntland,
ganacsato iyo labbo xubnood oo ka mid ah
gollaha dhexe ee Jabhada Wadaniga Ogadenia
JWXO. Qabqabashada dadkan waxaa iska
kaashaday dawlada Ethiopia iyo Wasiirka
Maaliyada ee maamul-goboleedka puntland
Mr GAAGAAB. Haddaba falkan dambiga iyo
meel kadhaca ku ah sharafta-shaqsinimo,
islaanimo, wadananimo iyo dhalashoWaxaa
go,aamo iyo dhaleecayn kasoo saarey xubno ka
mid ah waxgaradka iyo culimo-awdiinka
Puntland, balse aan wax ficil ah ka qaadin;
waxaana iyana jawaab kulul ka bixiyey
bulshaweynta Absame meel kasta oo ayjoogaan,
hadday noqon lahayd guddaha Ogadenia, Jubada
hoose, jubada dhexe iyo NFD-Kenya.
Waxaan aan kuqaadaal dhigaynaa qormadan
sabaha kadanbeeya gacangelinta shacabka reer
ogadenia loogacan gelinayo Ethiopia.
Hadaba waaxay sababta loo qabqabanayo dad
shacab ah oo aan danbi kagalin maamul ay ku
hoosnool yihiin? Yaa kadanbeeya qabqashada
dadkan? Maxaa faaiido ah oo ay kahelaysaa
puntland caddaadiska ay Ethiopiau
caddaadinayaan shacabka reer Ogaden?
Puntland iyo Soomaliland ma Ethiopia ayay
hiil uyihiin? Misse waa Aano qabiil oo ka
dhan ah beel weynta Absame waxan ay
caadaysteen? Maxay Soomaliland ka faiiday
Qorshaheedii ahaa xidhxidhka Ogaadeen?
Maxayse Puntlan ka faaiidi doontaa eegga?
Haddii aan ka jawaab su,aasha koowaad, waxii
eegga ka horeyey, ma jirin wax dhib ah oo
horre ama collaad ka dhaxaysey labadan
shacab ee walaalaha ah oo wadaaga wax-walba,
haday noqon lahayd Deegaan, daaqsin, nassab,
ganacsi iwm, marka lagga reebo dhacdooyin
yaryar oo laga soo gudbay. Waxaan wadda
odsoonahay in General Cadde illaa affar jeer
looga yeedhay Ethiopia. Waxa lagala
hadlayeyna ay ahayd arinta ONLF iyo siddii
puntland iyo Ethiopia meel uga soo wadda
jeedsan lahaayeen. Qorshayaasha cadde muuse
lasoo siiyey waxay ahaayeen inuu qabqabto
dhamaan dadka reer ogaden ee kunool puntland
una soo gacan galiyo Ethiopia isagoo ku
eedaynaya waxay ka mid yihiin ONLF, si
dawlada Ethiopia u xalaalaysato dhiigooda.
Maamulka Bari ma ayna dhooroofin dabinka loo
dhigayo ee si fiican ayay u dhex
yuurursadeen; waxayna bilaabeen xidhay jamac
ah oo aan look ala aaboyeelin iyo ugacan
galin Ethiopia. Waxay horjoogayaasha
puntland dafiren inay dhiibeen dad udhashay
gobolkaas iyadoo arintaasi aanay wax shaki
ah kaga jirin dhamaan reer ogadenia iyo
bulshaweynta soomaaliyeed ee guumaysiga
neceb. Waxay u egtahay arintu waan kuusoo
qabqabani ee etiopiayay ha isheegin.
Soomalidu waxay horey ugu maahmaahdey
“Gujuxo geel wax gunti lagaliyo ka weyn.”
Haddaba dafiraad iyo qorrax sacabka la saaro
maamulka puntland iyo shacabkoodu ma kaga
gudbayaan jaa,ifada ay gaysteen? Waxaan
aaminsanahay inayna noqondoonin arinkani mid
saa lagu illoobi doono ee uu noqon doono mid
in badan laga shalaayo. Puntland laf
dhabarkeedu waa dakada bosaaso iyo
dhaqaalaha ka soogala. Waxaan wadda
ogsoonahay in dakada boosaaso ay martey
waxii hadda ka denbeeya meesha ay martay tii
Berbera. Waayo boosaaso waxa laga dhoofiyo
ama laga soo dajiyo 90% waa wax ka yimaada
Ogadenia hadday noqon lahayd xoolaha nool
sidda geela, Adhiga, Loda, Xabagta iyo
Hargaha. Dhamaan badeecada aan sheegnay
waxay soo galiyaan maamulka puntland
lacagata adag ee dolarka iyagoo u iibgeeya
wadamada carabta, hadaba puntland ishii
kaliya ee ganacsi ama dhexmar ee la lahayd
soomaalida deggan geeska afrika way iska soo
oodday.
Waa arin u
baahan fahan dheer in la ogaado
istrategiyada laga leeyahay falkan; Haddaba
cida ka danbeysa ee amarka iska leh waa
Ethiopia oo runtii dagaalkii ay kula jirtey
ONLF u soo rartey gudaha soomaliya. Waxaynu
wada ogsoonahay mudada uu socday halganka
midaysan ee JWXO iyo heerarka uu soo maray.
Waxaa u cadaatey taliska uu madaxda ka yahay
Meleze inuusan ka adkaan Karin jabhad dhowr
iyo labaatan jirsatey oo ka dhex halgamaysa
dhulkeedii hooyo oo ay hiil iyo hoo lagab
taagan yihiin dadweynaha ay xaqooda
raadinayaan. Waxaa u soo baxay meliza
Zenaawi inuu hiil kadalbado adeegayaashiisa
horjooga maamulada soomaaliya sidda puntland
iyo Somaliland.
-
In ay
qoomiyadaha ama qabiilada soomaaliyeed
kala irdhoobaan oo uu bilowdo dhiig
sokeeye oo data taas oo faaiido u ah
tigreega.
-
In uu
istaago dhamaan waxii xidhiidh ahaa ee u
dhaxayn jiray laban shacab ee deriska
ah.
-
In
xiddidada loo siibo waxii la odhan jiray
soomaalinimo iyo isu nixitaan maadama
soomali ay somali kale ugacan gelisay
Ethiopia.
-
In
Ethiopia cidday doonto soomaaliya kasoo
qabsato hadday noqon lahayeen
culimo-awdiin, Wadaniyiin iyo jabhadaha
halganka kula jira iyagoo ciddii ka
hortimaada tusaalle uga dhigaysa waxii
ay qabteen Somaliland iyo puntland qabo
haddii kale waxaan kuu arkaynaa cadowga
Ethiopia.
Abdullaahi
yuusuf waxaa uu si cad ugu sheegay beeshiisa
mar uu kula hadlayey magaalada Washington,
in caqabada ugu weyn ee hortaagan dawlada
kumeelgaadhka ah ay tahay beesha
Ogaadeen-Absame.
“waa ayaga kuwa hortaagan horumarka
saaxiibadeen Ethiopia, waa iyaga kuwa dilay
800 oo wiil oo aan kala imid Garoowe kuna
dilay dagaalkii IIDAALE, waa ayaga kuwa aan
Jubooyinka ugeli lanahay ee ka hortaagan
dowlada, waa iyaga kuwa hawiye iyo Eritria
is barey, waa ayaga kuwa garab istaagey
muqaamawada, waxay ka dagaalamayaan muqdisho,
waxay maalinkasta leeyihiin soomaaliyey waa
la idin qabsadey ee la dagaala ethiopia”
Waxaan kale oo aan wada ogsoonahay
dhibaatada duqaynta ah ee loogaystey
jubooyinka oo ahayd arrin uu si cad
Cabdululaahi yuusuf u qirtey inuu isagu ka
denbeyey.
-
In ay ka
helaan Ethiopia caawimaad millatari iyo
mid siyaasadeed.
-
In
maamulka Cabdullahi yuusuf kalsooni
dheeraad ah ka helo Ethiopia, maadaama
ay u gacan geliyeen dad ka soo horjeeda
xukunkiisa(Ogaadeen).
-
In
Ethiopia amar ku siiso Somaliland inay
kabaxdo Sool iyo Sanaag si awoodii
puntland usoo noqoto maadaama aysan
awood ulahayn Puntland inay dib ula soo
noqoto gacan kuhaynta Laascanood.
-
In General
Cade muuse uu muddo sii ahaado
madexweyneha puntland.
-
Marka
Koowaad waxaa istaagidoona dhamaan is
dhexgal labada dhinac.
-
Waxaa
bilaabanayo dil qabiil iyo aargoosi
bilawdo oo saldhig u noqonaya collaad
cussub oo bilow ah.
-
In nin
walba meeshuu joogo ama awwod u leeyahay
ku amartaagleeyo.
-
In
shacabka soomaalida ogadenia dhamaan ka
baxaan gobolka puntland iyagoo u wareegi
doona gobolada kale ee dalka sidda
Jubaland oo ah deggaan ay degaan
eheladoodu.
-
In beel
weynta Absame dhamaan ay meel uga soo
wada jeedsadaan Dawlada melez taageero
eee uu madaxda ka yahay Cabdullahi yusuf.
Hadii aan ku
bilaabo qorshaha Ethiopia ka leedahay
arinkan, waxaan u qaybinayaa labbo arimood.
Ta koobaad, Ethiopia haddii ujeedadeedu
tahay in ay kagga guuleynsan katro ONLF
qorshahan qabqabashada ah waxaan dhihi
karnaa waa riyo aan urumoobaynin. Sababtoo
ah ma aha markii ugu horeysey ee shacab u
dhashay ogadenia loo gacan geliyo taliska
Ethiopia. Arinkaasina hor umar mooyee waxba
kama dhimin halganka xaq u dirirka ah ee
Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenia (JWXO).
Tan labaad, waa u shaqeyndoontaa Ethiopia
illaa xad sababtoo ah dadka shacabka ah,
dhalinyaradan lagatey ee muruq-maalka ahayd
waxay leeyihiin ehel kunool meelo kala
gedisan oo geeska afrika ah waxayna
qaadidonaan talaabo ah inay raggii raggooda
gatey ka aargoostaan(CAADO SOOMAALI).
Dhinaca maamulka puntland, waxaa soo
foodsaartey cabsi iyo walaac farabadan.
Waxay doorbideen Ethiopia inay raali
geliyaan oo ay dhibaateeyaan shacabka Absame.
Taasi waxay keenaysaa in puntland ay ka
go,do Ethiopia illeen puntland buundo ay igu
talowdo Ethiopia maleha,e. halkaas waxaa soo
foodsaari doono puntland arinta manta ay
Hargeysa-maaamulka Waqooyi gelbeed ka
shalayteysan yahay.
Jabhada ONLF waxaa ay u tahay guul sababtoo
ah shacabweynaha soomaliyeed ee xornimada
iyo sharafta jecel waxay la garab istaagi
doonaan hiil, hoo, naf iyo maalba. Waxay
soomalidu ogaatey in Shacabka reer Ogadenia
loo dhibayo soo cilinta sharafta
soomaalinimo, islaanimo iyo qaranimo.
Jaamac Todhiye.
todhiye@gmail.com |