Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Shir ka dhacey Magaalada Lodnon, Uk oo looga hadlayey arimaha Xuquuqul Insaanka iyo Siyaasada Ogadeniya
May 07, 2008 Maalinimadi Axada ee May 4, 2008 ayaa Shirbalaadhan ka dhacey Magaalada London, UK. Shirkaas  oo lagu taagerayo Qadiyada Somalida Ogadeniya, gaar ahaan mid lagu muujinayo sida looga xunyahay dhibaatada sida cad loogu-wax-yeeleynayo Muwadiniinta Somalida Ogadeniya ee ku dhaqan Puntland.

Shirka oo uu furay Gudoomiyaha Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee UK mudane Daahir Tamuuje oo u mahadceliyay shacabka ka soo qeybgaley ee kasoo safray Manchester, Birmingham, Leeds, Coventry, Leicester City, Northampton, Milton Keynes iyo Magaala Weynta London qeybaheeda kala gadisan isaga oo islamarkaasna ka warbixiyay Muhiimada Shirka loo sameyay.

Shirkan oo laba-qeybood ka koobnaa ayaa qeybtiisi hore looga hadley Siyaasada Geeska Afrika ee murugsan iyo Xaalada Shacabka Somalida Ogadeniya. Warbixintan oo ay bixiyeen Masuuliyin ka tirsan Madaxda Ururka ONLF ayaa sheegay mowqifka Ururku ka taaganyahay falalka foosha xun ee ay ku talaabsadeen ismaamulka Puntland.

Mudane Maxamed Cabdi Yasiin (Diirane), oo ka warbixiyay Mabaadi'da Ururka ONLF ayaa sheegay in qadiyada JWXO aheyn qadiyad Qabiil, balse ay tahay qadiyad lagu raadinayo Xornimo. "Mana ku guuleysan doonaan gumeysiga Itoobiya inay shacabka iska horkeenaan" ayuu yiri Masuulku isaga oo siiwata waxa uu yiri. Itoobiya waxa had iyo jeer ay abaabusha Somalida si dhexdooda isaga horkeenaan.

Qofkasta oo hadlaaba waxa uu aad u muujiyay Cadhada uu u'qabo Maamulka Puntland oo ay shacabku ku tilmameen inay yihiin Gacan ku dhiiglayaal Marnabana aysan saamaxeynin illaa aanada kasoo goostaan. Maamulkaas Calooshooda u shaqeystayaasha ahi waxa ay ka iibsadeen Cadowga Somaliyeed (Ethiopia) Halgamayaal iyo Muwadiniin dhulka Somalida Ogadeniya u dhalatay.

Hogaanka Arimaha Dibada ONLF oo isna xog waransiiyaya shacabka ayaa sheegay in Halganka JWXO hogaamineyso uu gaadhey Guul mar hadii ay jirto Ururtii arimaha Bulshada, tii dhalinyarada, haweenkii oo qofkastaaba halganka dhankiisi ka xoojiyay.

Shacabkii ayaa isku raacey in Taliskii Itoobiya laga adkaadey guulo badana lagasoo hooyay iyaga oo taas cadeyn uga dhigtay Falalka ay ka fulineyso Puntland oo ay iskudayeyso wajiga dagaalka inay badasho. Xag-xagashada iyo Been abuuradka meel loogusogabado jirin ay kulakacdey Wadamada Carabta iyada oo leh ONLF halkaasaa lagasoo taakuleeya.

Shirkan waxa ka kasooqeybgaley Hogaanka Jaaliyaadka Mudane Maxamed Macalin oo halkaas ku macasalameyay shacabkii isaga oo safar booqasho kooban ku joogay Wadanka UK.

Sidoo kale waxa hadalo guubaabo kasoo jeediyay Dr. Marwo Bilaad iyo Sheekh Ismaciil iyaga oo shacabka ku adkeeyay in loo-guntado Halganka. Halka uu Xassen Geelle ka codsadey in lahelo dad u istaaga dhaqaale toos ay u bixyaan oo lagu tageero Qadiyada sida loo helay oo kale Dhalinyaro isu dhigta Xabbada si ay Guumeysiga uga xoreeyaan Naftooda, Dadkooda, Diintooda iyo Dalkoodaba.

Dhinaca kale, waxaa jira dhaq-dhaqaaq ay wado Jaaliyadu oo ay ku dooneyso sidii ay wax ugu qaban lahayd dadkii tabaaleysaa ee laga soo daayey TV-ga Aljazeera

Ugu danbeyntii Abwaanka, Halgamaaga, Fanaanka Caanka ah ee Qarniga Mudane Maxamuud Jaango ayaa Hees Cusub oo ka hadleysa Guumeysiga iyo Dhibkiisa ku dhuftay isaga oo raacsadey Hadaladiisi aadka u waxtarka badnaa.












Mustafe
London-UK

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.