Waxaa ugu horeyntiiba shirka furay Urbau Löfquist oo ah madaxa ugu sareeya Suxufiyiinta aanan xuduuda lahayn, isagoo sharaxaad ka bixiyay sababta ay shirkan u qabteen inuu yahay inuu caalamka ogaado dhibatada ba'an ee arxan darada ah ee ka jirta dalka Ogaden, una bahan in wax laga qabto. Waxuu kaloo cadeeyay in 2da Suxufi ee u dhashay wadanka Sweden ee ilaa hada u xiran xukuumada Itoobiya sababta ugu weyn inay tahay Itoobiya inaysan diyaar u ahayn in arimaha & falalka foosha xun ee ay samaynayso aanan waxba laga ogaanin. Mudane, Urabau, isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi “Waa sababtaas waxa ay suxufiyiinta ugu tilmaamayaan argagixiso”, ujeeda Itoobiya ayaa ah buu yidhi “inay cabsi galiso Suxufiyiinta oo aysan suxufiyiin dambe isku dayin in ay haweystaan in ay tagaan Ogaden, hase ahaatee wax ay qariso ma ay hayso Itoobiya sidaasna udayn maayaan baadhitaanada ay wadaan Suxufiyiinta waxaanan, diyaar u nahay inaan soo saarno intaas in kabadan.”
Kadib waxaa lagusoo dhaweeyay codbaahiyaha Marwa Fawsiya Abdirahman oo ah Xoghayaha OYSU Sweden, faraca Gothenburg oo ayaduna warbixin aad u dheer ka bixisay xaalada dhabta ah ee Ogaden.
Marwa Fawsiya ayaa u cadaysay in shacabka reer Ogadenia xasuuqa lagu hayo uu yahay mid aanan loo aaba yeelin, dawlada Itoobiyana aysan shacbaka u fiirinin caruur & waayeel toona oo isku si loo gumaado,
Waxayna ku soo bandhigtay goobtii sawiro naxdin leh, sawiradaas oo dhamaan bulshadii madasha isugu timid ay ka wada qiiroodeen.
Waxaa sidoo kale warbixin meela badan taabanaysay kasoo jeediyay goobtii shirka uu ka dhacayay Mudane Mohamed Mo'alin oo ah masuul ka tirsan OYSU faraca Gothenborg, Warbixin dheer kadib ayuu Mohamed soo bandhigay filmkii Silent Cry ee aduunka dhan caanka ka ahaa. Waxuu sidoo kale dad weynihii uu u sheegay filmka qaybtiisii labaad inuu iman doono goor dhaw, kuna arki doontaan dhibaatooyin ka daran kuwan, waa siduu hadalka u dhigaye
Gabagadii shirka ayaa waxaa soo xidhay Suxufi Soomaliyeed oo lagu magacaabo Ali Yasin Gurbe oo asagana xaqiijiyay dhibaatada Ogadenia ka jirta inay tahay mid aanan la qarin karin cadeeyayna inay jiraan marxalada badan oo uu goob joog ka ahaa, Sidoo kale waxuu wacyi galin baladhan usoo jeediyay bulshadii soomaliyeed ee madasha isugu timid kuna dhiira galiyay inay isgarab taagaan walaalahooda Somaliyeed ee dhibaataysan walina ku hoos jirta gumaysiga. Asagana waxuu balan qaaday inuu mar walba u tagan yahay taageerida shacabka dulman ee walaalihiisa ah.
Dhagaysi & afkaaro la is weydarsaday kadib munaasabadii shirka ayaa kusoo gabagaboobay si habsami ah oo guul la taaban kara lagasoo gaadhay.
By Ilwad Ali
Stockholm/Sweden
Comments (1)

Write comment









The quick camouflage net is from my local distributor and he gets it from Wholesale Camo Netting but how did it get to Belgium Camo Netting why iscamo netconsidered thecustom camo netting chocolate in the world? custom camouflage net chocolate that I used today to make your candy came from a long line of cacao seeds that became trees in the cheap camo nettingRain Forests more than 40 centuries ago. These trees were most probably discovered by the Incas who then traded the seeds to the Olmecs.