Shir ay ka soo qaybgaleen xubna ka mid ah Golaha dhexe iyo Golaha fulinta ee JWXO ayaa lagu qabtay Xarunta Dhexe ee JWXO.
Waxaa shirkaas shir gudoominayay Adm. Maxamad Cumar Cismaan gudoominyaha jabhadda oo ku sugan xarunta dhexe ee jabhadda.
Shirkaa oo socday afar cisho ayaa la soo gaba-gabeeyay 24kii bishan Maayo.
Arima farabadan ayaa lagu falanqeeyay shirka ay ka mid yihiin;
- Qiimaynta xaaladda guud ee halganka.
- Qiimaynta hawlgaladii lagu naafeeyay ciidamada gumaysiga.
- Arimaha ka jira geeska afrika.
- Xaaladda uu ku sugan yahay gumaysiga.
- Tacadiga iyo xasuuqa uu gumaysiga ku hayo dadweynaha nugulka ah.
- Qiimayn nabadgalyada bulshada iyo abaabulka guud.
Go’aanada ay gudoonsadeen madaxdii fadhiday shirka waxaa lagu soo ururiyay;
- Inuu CWXO ka soo hooyay guul aad u wayn hawlgaladii mudada Shanta bilood ah socday islamarkaana Amaan looga Soo jeediyay goobta.
- Waxaana la go’aansaday in la sii xoojiyo weerarka iyo waxyeelaynta ciidanka cadowga ee Woyanaha.
- In talaabo adag laga qaado daba-qoodhiga iyo kuwa u adeegaya gumaysiga wixii aan ka waantoobin eek u sugnaada goobaha dagaalka.
- Waxaa la’isla qiray markii la dhagaystay xogta dhabta ah in gumaysiga uu aad tabar daranhay manta.
- Waxaa loogu baaqay dad-waynaha Ogadeniya-na ay dadaalkooda sii laban-laabaan, ogsoonaadana in gumaysiga aan lagaga xoroobin waxaan ahayn halgan adag iyo adkaysi iyo mintidnimo.
- Shirku Wuxuu Cabbaareeyay Talaabooyinka Cadowga ee Xasuuqa ah Wuxuuna Adduunka ugu Baaqay in Wax laga Qabto ku tumashada xuquuqda aadanaha ee ka socota gudaha Ogadenya.
- Shirku Wuxuu mahad wayn u soo jeediyay Dad-waynaha Ogadenia kuwaas oo hiil iyo hooba la garab jooga CWXO iyo halganka xaqqa ah ee JWXO ay hogaaminayso. Wuxuu shirka ugu baaqay jaaliyadaha dibadda inay laban laabaan dadaalkooda iyagoo ku dayanaya walaalahooda gudaha oon u liicin dhibka uu ka hayo cadawga iyo caga juglaynta gumaysi kalkaalka.
Source: Ogaden News Agency-ONA
Set as favorite
Bookmark
Email this
Comments (3)

written by Magabade Shilaabo, May 25, 2009
waxaa mahadleh ilaahay ga weeyn ee subxaanau qaadirka ah waxaan uhambalyeeynayaa geesiyada JWXO ee hadh iyo habeen u guura bahaleenaya siday uga qaadi lahaayeen duliga isticmaalka wayaahanaha injirleeyada ee Tigreega ayaa waxaan leeyahay geesiyayaal guulaysto alahana idinka abaal mariyo hoowsha aad ugu jirtaan halagankiina iyo shacabkiinaba guuuuliyogobanimo mintid midnimo iyo isku tashi
written by cabdiqadir, May 26, 2009
HA XOROWDOOOOOOOOOOOOOOOOO
ninba maalin lehe maanta waa maalintanadii JWXO waa inay jiidho wayaanaha
oagadenia shall be free
ninba maalin lehe maanta waa maalintanadii JWXO waa inay jiidho wayaanaha
oagadenia shall be free
written by c/raxman sugule, May 26, 2009
alxamdu lilaah salaan hanbalyo iyo amaan balaadhan waxaan halakan uga jedinaya dad waynaha reer ogadenia bulsha ahaan iyo shacab ahaanba iyo waliba cwxo ogadenia ee geesiyiinta ah isuna taagay inay sharafka iyo cisiga dalka dadka iyo diin todaba soo celiyaan shihiidna naf toda ubariyelay waxan walaala yaal halgamayaal mudanayaal mujaahidiin idinko kaashanaya ilahay shacab kiinana kutiirsan abaabula lagarab taagan halkinaa kasii wada ilahay haynagu guuleeyo halgankan n/hurayaal iyo reer ogadeniawba guull iyo gobanimo mintid midnimo isku tashi guul alaahu akbar alaahu akbar alaahu akbar ogadenia haxorodo hamidawdo hadhisnaato hajirto hajahaado hajiibiso hajoogto hays jeclaato samraa sad mawaayo
Write comment










