31-05-09 Qoriile oo ka tirsan gobolka Doollo waxay ciidamada gumaysigu si ba'an ugu jidh-dileen
1-Fatxi Sheekh Maxamed Faarax
2- Kaad Cabdi Axmed
Tuulada daratoole ee isla gobolkaas Doollo ayay ciidamada gumaysigu ku dileen Maxamed Cali Dheere
isla 31-05-09 Magaalada Shilaabo ee gobolka Qoraxay waxay ciidamada gumaysigu ku xidheen kadib markay jidh-dileen dadka kala ah:
1-Dayr Xukun Jaamac
2- Shaafi Cismaan Khaliif
3-Ina Sheekh Axmed Sheekh Cabdiraxmaan
05-06-09 ciidamada gumaysiga itoobiya ayaa ku dilay magaalada Galaalshe Mahad Ilkayare.waxay sidoo kale nolol kula tageen 1-Axmed Bile 2-Xaashi Yare labadan nin ayaan ilaa iyo hada la ogayn wax ay ku sugan yihiin geeri iyo nolol midna waxaase loo badinayaa inay ciidamada gumaysigu dileen.
Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa 19 &20-06-09 tuulada Dhagaxmadoow xidh-dil iyo xabsi igu daray dadka kala ah:
1-Mukhtaar Aw- Muxumed
2-Cabdullaahi Macalin Ibrahim
3-Maxamed Faarax
4-Fardowsa
5-Sheekh Axmed Kaahin
19-06-09 Barmiilka waxay jidh-dil iyo xadhig isugu dareen ciidamada nacabka gumaysiga itoobiya
1-Nasri Mustafe
2- Ardo Yuusuf
Degmada Dhuxun ee gobolka Nogob waxay ciidamada gumaysigu ku jidh-dileen kadibna xabsiga u dhaadhiciyeen dadka kala ah:
1-Ibrahim Mukhtaar
2-Fardowsa Cabdullaahi Odawaa
3-Kowsar
05 ilaa 10-06-09 Magaalada Abaaqoroow ee gobolka Shabeele waxay ciidamada cabudhisku xadhig iyo jidh-dil ugu gaysteen dadka kala ah:
1-Shariif Aaden Siyaad
2-Xalane dayib Ibrahim
3-Yuusuf Macalin Xassan
4-Axmed Odawaa
5-Deex Cali
Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa 09-06-09 magaalada Baabili ku xidhay sadex Sheekh oo kamid ah culimada magaalada si aad ah looga yaqaano magaalada Baabili iyo nawaaxigeeda waxayna kala yihiin culimadaasi:
Sheekh Axmed Siraad
Sheekh Cabdiqani Cabdullaahi Barre.
Sheekh Mukhtaar
Ciidamada naflacaariga ah waxay ku xidhxidheen tuulada Galadhoore:
1-Siyaad Mahdi
2-Maxamed Daahir Muxumed
3-Barkhad Yuusuf Muxumed
4-Carab Xuseen
5-Mahdi Cabdullaahi
15-06-09 Tuulada Cadaleey oo ka tirsan gobolka Jarar waxaa lagu xidhay
Xuseen Sheekh Ibrahim
Cumar Xaaji Daahir
18-06-09 Ciidamada gumaysigu waxay ku kufsadeen tuulada Yucub oo ka tirsan gobolka Doollo gabadh la yidhaahdo Kaabo Rooble Faarax gabadhaas ayay ciidamada gumaysigu xidh –dil u gaysteen intaysan fara xumaynin kahor waxayna kaga tageen mayd ahaan,waxayna isla maalinkaas xidheen ciidamada gumaysigu 1- Ibrahim Barre 2- Mukhtaar Aaden Cali .
17/18/20-06-09 waxay ciidamada gumaysigu xadhig iyo jidh-dil igu dareen tuulada Bakka ee gobolka Jarar dadka kala ah:
1-Axmed Cabdi Barre
2-Xassan Nuur Cabdi
3-Cali Cabdiqaadir
4-Xassan Ibrahim Jaamac(Ilkoole).
---
C/Nuur Sh. Maxamed
Radio Xoriyo











