Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Friday
Mar 12th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Soomaaliya JWXO oo u dirtey shacbka Soomaaliya tahniyad ku aadan 1da July

JWXO oo u dirtey shacbka Soomaaliya tahniyad ku aadan 1da July

E-mail Print PDF
Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya (JWXO) waxay tahniyadda sanad-guurada 49aad  u diraysaa dhamaan umadda Somaliyeed xukuumad iyo shacaba. Gudoomiyaha JWXO, xubnaha Golaha dhexe iyo dhamaan kaadirka jabhadda waxay la wadaagayaan umadda Somaliyeed xusuusta maalintan taariikhiga ah.

1da Juulaay sanadkii 1960dii waxay ahayd maalin xusuus gaar ah u leh umadda Somaliyeed iyadoo la xaqiijiyay dareenkii rabitaanka wada noolaashaha umadda Somaliyeed ka dib markii dhidibadda loo aasay Jamhuuriyad kulmisay dhamaan umadda somaliyeed.
 
1da Julaay 1960 waxaa midoobay laba ka mid ah shantii loo qaybiyay umadda Somaliyeed ee ka  midaysan taariikhda, dhaqanka, afka iyo diintaba. Aragtidii iyo ruuxdii Somalinimo ee dhamaan umadda Somaliyeed ay dareensanaayeen waxaa dhidibada loogu aasay Qaran Somaliyeed oo noqday mid ka mid ah wadamada ugu xooga badan Afrika.
  
Umadda Somaliyeed markay hanteen 1dii Luulyo 1960kii xoriyadii iyo midnimo, waxay sii wadeen aamninaadii iyo balantii ahayd in dhamaan shacabka Somaliyeed eek u hadhay gumaysiga loo ogolaado xaqqa aaya-ka-tashigiisa, waxayna la garab istaageen taageero buuxda walaalahooda ku hadhay gumaysiga Itobiya.
Xoriyad jeceylka inay tahay shayga ugu qaalisan umadda Somaliyeed weli ma garwaaqsan gumaysiga Itobiya. Arintaa ayaana sabab u ahayd in Itobiya lagu jabiyo oy ku guuldaraysato markay gudaha u soo gashay dalka Somaliya.
 
Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya waxay aaminsan-tahay in qaranimada Somaliya aanay ahayn shay gorgortan gali kara, xoog kastoo isku daya inuu dibadda uga soo duulo umadda Somaliyeedna uu la kulmi doono dhibaatadii ay la kulmeen gumaysiga Itobiya .
 
Jabhadda ONLF shaki kagama jiro inay Somaliya oo qaran xoogan ah dib u soo noqon iyo heerkii hormuud-nimo ee Afrika ay Jamhuuriyadda Somaliya mar labaad ku soo noqono.    
 
Soomaaliyay Toosoo Toosoo isku tiirsadayee!
 
Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya
 
 
Comments (0)Add Comment

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
 
 

Studio Xoriyo: Music and Interviews

Please update your Flash Player to view content.
Please update your Flash Player to view content.
Banner






 


Spotlight

 

Ogaden Crisis in Ethiopia: Forgotten crises to watch in 2010

The humanitarian crisis in Ethiopia's Ogaden region is worsening, yet the Ethiopian govern...

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Ogaadeenya oo u dhaxeysa gooni isu taag iyo Xasuuq.

Wargeyska lagu magacaqabo Africa International oo ka soo baxa dalka Fransiiska bishiiba ma...

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 60 guests online