Raysal Wasaaraha Itoobiya, safar-shaqo aan horay loo qorsheynin ugu baxay dalka Eritrea Subaxnimadii Axada. Socdaalkan baa lagu tilmaamayaa inuu la xidhiidho khilaafaadka ka soo kordhay mandaqada gaar ahaan, Khilaafaadka Biyaha Niil, Iskaashiga labada dal Eritrea iyo Ethiopia Heshiiskoodii oo aan meel marin si buuxda iyo waliba heshiisyo kale Geeska Afrika ku salaysan oo labada dal hormuud u ahaayeen. Waxa intaas dheer dalka Itoobiya oo kacdoomo ka socdaan Mudaharaadyo ay Oromadu wadaan iyo taliskii hore ee TPLF oo gobolka Tigrai gadoomiyay.
Raysal wasaare Abiy Axmed waxaa lagu wadaa inuu kala hadlo dhigiisa Madaxwaynaha Eritrea Asayaas Afawaqri, xaalada cakiran ee Biyaha Wabiga Niil. Waxaa dhowaan dalka Masar booqasho ku tagay horaantii bishan July Madaxwaynaha Eritrea oo la kulmay Madaxwaynaha dalka Masar. Labada dal ee Masar iyo Eritrea waxay galeen heshiisyo cusub oo lagu xoojinayo cilaaqaadka dhinac ganacsi, horumarineed iyo dhinacyo amaanba. Waxaa kale oo soo baxaya in Dowlada Eritrea laga codsaday inay kaalin libaax ka qaadato sidii xal loogu heli lahaa Khilaafka Biyaha Niil ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Masar. Xidhiidhkan qotoda dheer ee Masar iyo Eritrea waxa uu walaac badan galiyay Itoobiya.
Masar iyo Eritrea
Dalka Eritrea oo xidhiidh taariikhiya la leh dalka Masar ayaa lagu tirinayaa inay cilaaqadka ay la leedahay Masar ka mug waynyahay midka ay la leedahay dalka Ethiopia. Masaaridu waxay hada ka hor ka talin jireen Bada Cas gaar ahaan dhulka Eritrea, Sudan iyo Xeebaha Soomaalida illaa Harar. Masaaridu waxay kaalmo badan oo hub iyo saanad kaleba isugu jira siinaysay qowmiyaadka ku nool Eritrea si ay isaga caabiyaan dhul balaadhsigii Boqortooyadii Abysinia. Tusaale ahaan Qowmiyada Bani Caamir oo ah qowmiyad Islaama oo kamida shacabka Eritrea iyaga oo kaalmo ka helaya Masaarida, waxay iska caabiyeen gumaysigii Abysinia ee dhulbalaadhsiga waday.
Guumaysigii Talyaanigu markii uu ka baxay dalka Eritrea, waxaa Eritrea lala mideeyay Itoobiya si sharci daro ah, taas oo keentay in gumaysigii kala daggaalamo shacabka Eritrea dhaqankoodi, diidntoodi iyo luqadoodiiba. Afkii Carabiga iyo tigreega looga hadli jiray dalkaas waxaa si qasaba loogu badalay Af-Axmaar. Shacabka ree Eritrea iyaga oo diidan gumaysiga cusub waxay bilaabeen kacdoomo lagu raadinayo xoriyada dadka iyo dalka Eritrea. Dadkii xoriyad doonka ahaa, aqoonyahankii iyo siyaasiyiintii ree Eritrea waxay u qaxeen dhulka carabta gaar ahaan Masar, halkaas oo ay iska soo abaabuleen jabhado iyo dhaqdhaqaaqyo cusubna ay ka bilaabeen.
Daggaalkii ugu horeeyay ee ciidanka Itoobiya ku qaadaan jabhadihii Eritrea waxaa hoggaaminayay Askarigii lagu magacaabi jiray General Abiy Ababe oo markaas ahaa sarkaalkii ka talinayay dhulkaas Eritrea, kaas oo xasuuq badan u gaystay shacabka ree Eritrea kadibna mutaystay in-lagu-dalacsiiyo oo uu noqdo Wasiirka Xooga Ciidanka Dalka Itoobiya.
Sanadihii u dhaxeeyay 1950 illaa 1970 meeyadii Guumaysigii Madowaa ee Itoobiya ee daggaalka kula jiray jabhadaha Eritrea waxay caalamka u sheegeen in jabhado mayal adag oo taageero ka haysta dunida carabta ay daggaal kula jiraan, waxay inta badan madaxa u saareen Masar iyo Suuriya inay jabhadahaas soo hubaynayaan oo daggaal diimeed lagula jiro taliska masiixiga ah ee talada Itoobiya hayay. Waxayna halkaas Itoobiya ku sharciyaysteen inay xasuuqaan shacabka Islaamka ah, islamarkaasna ay la daggalaamaan qofkasta oo ree Eritrea ah oo raba xoriyad.
Daggaalkaas la diimeeyay, waxuu keenay inay dadka ree Eritrea ee haysta diinta masiixiga ay bilaabaan 1970-meeyadii Jabhado cusub oo aduunka u sheega in Jabhad masiixiya oo xoriyad doon ahi daggaal hubaysan kula jirto guumaysiga Ethiopia. Halgankaas oo markii danbe xoogaystay guulaystayna.
Dalka Eritrea markii ay heshay Xoriyada waxa markiiba ka qarxay daggaal cusub oo u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritrea 1998dii kaas oo boqolaal kun oo dad ahi ku dhinteen labada dhinacba. Waxaana sii xoogaystay xidhiidhka labada dal ee Masar iyo Eritrea.
Dowlada Itoobiya waxay masar ku eedaysaa inay dalka Eritrea u isticmaasho kaar ay ku cadaadiso dalka Itoobiya iyaga oo u jeedooyinkooda 1aad,2aad iyo 3aadba yahay kaliya Biyaha Niil si’aysan Itoobiya uga faaidaysan. Madaxwaynaha Dalka Eritrea dhowaan waxa uu gaadhay dalka Masar isagoo tiro 5 jeer ku noqnoqday dalka Masar mudadii Madaxweyne Sisi talada dalka Masar qabtay, taas oo tilmaamaysa xidhiidhka wanaagsan ee labada dal Eritrea iyo Masar ka dhaxeeya.
Heshiiska Ethiopia iyo Eritrea
Heshiiska cusub ee dalka Eritrea iyo Ethiopia wada galeen bishii August 2018, waxaa isna lagu soo afmeeray collaadi 20-ka sano u dhaxaysay labada dal ee soo bilaabantay 6 May 1998. Heshiiskan waxuu abuuray saaxiibtinimo khaasa oo labada madax ee Asayaas Afawarqi iyo Abiye Axmad u dhaxeeya. Hadaba saaxiibtinimada gaarka ah ee Asayaas u leeyahay Abiye iyo Sisi ayaa la filayaa inay qayb wayn ka qaadato siduu kaalin mug leh uga qaadan lahaa khilaafka biyaha Niil. Afawarqi waxa uu dhowaan booqasho kuwada maray Ethiopia, Sudan iyo Masar waxuuna si qoto dheer ugala hadlay sidii loo maarayn lahaa khilaafka Biyaha Niil.
Caqabadaha Heshiiskaas lasoo darsay
Heshiiska Itoobiya iyo Eritrea, Inkastoo saaxiibtinimo abuuray u dhaxaysa labada hoggaamiye ee Ethiopia iyo Eritrea, balse waxaa laf dhuun gashay ku noqday ismaamulka TPLF ee gobolka Tigreega. Dhulka Itoobiya iyo Eritrea isku daggaaleen 1998 illaa 2000 waxa uu xuduud la yahay dhulka Tigreega. Hada waxaa soo baxaya xaqiiqooyin ah in Dowlada dhexe ee Itoobiya ay maarayn kari waysay khilaafka u dhaxeeya ismaamulka Tigrai iyo Dowlada dhexe ee Ethiopia, taasna ay saamayn wayn ku yeelatay meel marinta heshiiskii Eritrea iyo Itoobiya.
Ismaamulka Tigreegu waxuu ku dhawaaqay inay doorashada waqtigeeda ku qaban doonaan, taas oo ka hor imanaysa go’aanka Dowlada dhexe Itoobiya, in dib loo dhigay doorashooyinka itoobiya mudo sanad ah. Ismaamulka Tigreegu waxay marar badan ku eedeeyeen dowlada dhexe inay farogalin ciidan ku qaadi rabto gobolkaas oo marar badan ay arrintaas fashiliyeen. Waxa laga daawadaa TV-yada gaarka ay u leeyhiin ismaamulka Tigreegu dhoolo tus ciidan oo ay samayanayaan iyo diyaar garow gaara. Dadka ka hadla arrimaha Siyaasada Itoobiya ayaa qiyaasaya inay suurto gal tahay in talaabo ciidan lagu fuliyo gobolka Tigrai sidii Cabdi Maxamuud Cumar xilka looga qaaday deegaanka soomaalida oo kale, balse waxaa jira in iska caabin xoogan oo ciidan lagala kulmi doono, kaas oo abuuri kara daggaal sokeeye inuu ka qarxo dhulkaas.
Heshiska Eritrea la gashay dalka Itoobiya faa’idooyin badan ayay ka heshay gaar ahaan, cunaqabatayntii oo laga qaaday, Waxay dib u soo ceshadeen kuraastii ay beesha caalamka ku lahaayeen sida Midka Golaha Xuquuqul insaanka ee Qaramada midooway, waxakale oo xubin lagasiiyay golaha ay kuwada doodaan Midowga Europe iyo wadamada geeska afrika iyo jidka dheer ee tahriibayaashu maraan markay u socdaan Europe. Heshiiskaas waxa uu ka qaaday qufulkii waynaa ee ree galbeedku saareen dalka Eritrea.
Mawqifka Eritrea ee Biyaha Niil
Sidaas oo ay tahay, danihii gaarka ahaa, ee Ethiopia iyo Eritrea iskuhayeen waxba kama qaban heshiiskaasi, waxaana dhowaan dalka Eritrea ay sheegtay in 2 sano kadib wax natiijo ah oo kasoo baxay heshiiskii Ethiopia iyo Eritrea uusan jirin. Wali ciidamadii Itoobiya waxay joogaan xuduudka Eritrea, ganacsiga labada dalna isuma furna, waxa sidaas yiri wasiirka warfaafinta dalka Eritrea. Hadalkan oo kusoo aaday waqti uu Madaxwaynaha dalka Eritrea booqasho ku joogay dalka Eritrea ayaa loo arkay, in Dolwada Eritrea ay qaadatay siyaasad ay ku taageerayso qorshaha Masar ee la xidhiidha Biyo ku xidheenka Itoobiya samaysatay. Heshiiska Ethiopia iyo Eritrea ka hor, sanadkii 2016 waxa madaxwanyaha dalka Eritrea uu sheegay mowqifkiisa ku aadan biyo xidheenka dalka Itoobiya laga sameeyay, waxuuna ku tilmaamay “in baahi ay Itoobiyo u qabto koronto kaliya aan loo samaysan biyo ku xidheenkan ee dano qalaad laga leeyahay” ilaa hadana fikirkaas meel lagu badalay oo madaxwaynuhu uu ku sheegay moqqifkiisi hore wax iska badalay ma uusan sheegin.
Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa dadaal dheer u galay sidii wadamada geeska Afrika ee Somalia, Eritrea iyo Ethiopia isugu xidhi lahaa iskaashi siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba u abuuri lahaa, Balse illaa hada wax guula kamuusan gaadhin, waxayna u muuqata in fashil siyaasadeed uu kala kulmay biyo xidheenkan. Dowlada Soomaaliya ayaad mooda inay qaadatay mowqifka Abiy Axmad, Balse Dowlada Eritrea waxay u muuqata inaysan kalsooni badan ku qabin isbadalka Ehiopia.
Isbadalka Abiy Axmed
Raysal wasaaraha dalka Itoobiya ayaa badalay fikirkiisii ku aadana xidhiidhka wanaagsan uu rabay inuu la yeesho dalka Masar. Abiy waxuu hada ka hor sheegay inuusan marnaba raali ka noqon doonin in la dhaawaco danaha shacabka ree masar mar uu booqasho ku tagay dalka Masar. Isbadalkiisa siyaasadeed ayaa lagu tuhunsanyahay qulqulatooyinka siyaasadeed ee ka jira Dalka Itoobiya. Waxaa xumaaday xidhiidhka Qowmiyada uu kasoo jeedo ee Oromada iyo Xafiiska raysal Wasaaraha. Dhinaca kale siyaasadiisu waxay u janjeedhsatay oo lagu tuhunsanyahay inuu rabo inuu wax ka badalo nidaamka qowmiga ah ee federaalka dalka Itoobiya isaga oo markaas fulinaya talooyinka siyaasiyiinta mayalka adag ee Qowmiyada Axmaarada. Walow Xafiiska raysal wasaaruhu beeniyay in siyaasadiisu u janjeedho dhinaca talisyadii mayalka adkaa ee Nafdanyaaga. Sidoo kale TPLF ayaa cadaadis badan ku haysa, arrimahaas gudaha dalkiisa ka jira waxay saartay culays siyaasadeed, taas oo saamaysay siyaasadiisa ku aadan Biyo xidheenka iyo cilaaqaadka uu la yeelan karo Masar.
Taliskii hore ee TPLF oo iyagu bilaabay dhismaha biyo xidheenka Abay, ayaa bilaabay dacaayado ka dhan ah Raysal wasaaraha dalka iyaga oo raba inay tusaan dadka Itoobiyaanka ah in raysal wasaaruhu ku fashilmay maaraynta iyo meel marinta biyo xidheenka Itoobiya. dhinaca kale waxaa dadka mayalka adag ee u haysta inay iyaga kaligood ka go’do talada dalka Itoobiya ay aad ugu cadaadinayaan Raysal wasaaraha inuu muujiyo wadaniyad oo uu adeegsado awood military hadii loo baahdo si uu u difaaco biya xidheenka.
Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa dhowaan ka codsaday dalka faransiiska inay ka caawiyaan sidii loo qalabayn lahaa Ciidamada Cirka iyo qaybaha kale ee militaryga dalkaas. Waxa hada soo baxaysa in Dalka Germany iyo Itoobiya u socdaan sidii qalabka militariga casriga ah sida dayuuradaha danbe ee qaada xamuulka ciidanka iyo kuwa hawada sare wax ka toogta ay uga gadan lahaayeen. Khubarada siyaasada Itoobiya ka faalooda waxay u arkaan in Dalka Itoobiya isu diyaarin rabaan sidii biyo xidheenkaas awood ciidan loo difaaci lahaa oo hub casriya oo u dhigma midka Masar loo helo. Dhinaca kale Dowlada Masar ayaa xeebaha Bada Cas rabta inay ka samaysato saldhigyo cusub. Taas oo lagu turjumayo in diyaar garow ay ku jiraan culays lagu saarayo dalka Itoobiya.
Raysal wasaare Abiy oo qaatay abaalgudka bilad sharafta Nabada ee (Noble Peace Price) ayaa wali haysta saaxiib fiican, oo marxalad badan oo siyaasadeed ay wada wadaagaan, Waa Asayaaas Afewarqi, waxaana la fiirinayaa inuu qaadan doono talooyinka uga imanaya saxiibkiis iyo inuu jiho daggaal lagali doono dalka Masar.