Dalka Itoobiya oo qirtay inay bilaabeen buuxinta masnada biya xidheenka wabiga Niil ayaa laga cabsi qabaa inuu qarxiyo daggaal u dhaxeeya labada dal ee Masar iyo Itoobiya.
Wasiirka wasaarada Biyaha dalka Itoobiya ayaa rumeeyay muuqaalo hawada sare lagasooqabtay, muuqaaladaas waxaa soo qaaday Satalite laga leeyahay midowga Europe, sawiro muujinaya biyo xidheenka oo biyo badan ku jiraan. Dalka Itoobiya ayaa sheegay inay isku wadi doonaan dhamaystirka dhismaha iyo buuxinta biyo xidheenka.
Dalka Masar waxuu dowlada Itoobiya uga digay inaan Biyo xidheenka lagu shubin biyaha Niil inta labada dal kawada heshiinayaan qaabka loo buuxin karo biyo xidheenkaas. Wasiirka Arrimaha Dibada dalka Masar, Samiix Xasan Shakuur ayaa sheegay biyaha oo ay Itoobiya leexsato inay burinayso heshiisyadii u dhaxeeyay wadamada wabiga biyaha Niil shurakada ku ah, waxuuna ku daray intaas, in talaabadaas abuurayso khilaaf iyo daggaal cusub oo ka qarxa mandaqada.
Dadka daraaseeya siyaasada labada dal ee Itoobiya iyo Masar gaar ahaan dhinaca khilaafka biyaha Niil ayaa saadaalinaya in khilaafka labada dal isu badali karo colaad ‘military’ la isu adeegsado. Waragayska Independent ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa soo saaray faalo ay ku sheegeen in madaxda labada dal oo mid kastaaba duruufo gaara haystaan ay sababi doonaan in daggaal ay abuuraan.
Madaxwaynaha Masar oo mudadii danbe ku howlanaa inuu dadkiisa tuso inuu wadani yahay, iyo halayay u taagan danaha dalka Masar ayaa aad uga xumaaday qaabka dowlada Itoobiya u maamushay biyo xidheenkan islamarkaasna waxuu dareensanyahay in muuqaalkiisa siyaasadeed wax u dhimi karto. Dhinaca kale Abiye Axmad oo kacdoomo ku furanyihiin iyo qalalaase u dhaxeeya qowmiyaadka dalka Itoobiya baa adeegsan doona khilaafka biyo xidheenka si midnimo uga dhex raadiyo dalkiisa Itoobiya. Labada madax ee kala ah Sisi iyo Abiy waxay xooga saari doonaan in mid kastaaba adeegsado tabo qalafsan oo midkastaba danihiisa siyaasadeed ee gaarka ah ku fushanayo si ay u hantaan shacabkooda, kursigoodana u adkaystaan.
Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa amar ku bixiyay, in la buuxiyo biya qabatinka biyo xidheenka. Warbaahinta dalka Itoobiya waxaa lagu faafiyay in maalinimadii Arbacada 15 July si rasmiya loo bilaabay in la qabto biyaha Niil si loo buuxiyo biyo xidheenka ay Itoobiya samaysay. Talaabadan ayaa ku noqonaysa dhirbaaxo lagu dhuftay dalka Masar iyo Sudan oo aan lala socodsiinin qorshahan biyaha lagu leexiyay. Siyaasiyiinta dalalka Masar iyo Sudan ayaa arrintaas ku tilmaamay arrin qariib ah, iyada oo aan laga heshiin oo waliba lagu balan sanaa in warbixno cusub la iswaydaarsado in Itoobiya bilowday howshii biyaha lagu qabanayay.
Siyaasiyiinta Itoobiya ayaa dhinacooda u arka wada hadalka Masar iyo Itoobiya lug-gooyo aan waxba laga sugayn inay kasoo baxaan. Sidaas awgeed Itoobiya oo horay u balan qaaday inay biyaha buuxinayso heshiis iyo heshiis la’aanba waxay muujinaysa go’aanka aan ka noqoshada lahayn ee Itoobiya ku maaraynayso khilaafka Biyaha Niil.
Waxaa laga daawaday warbaahinta dalka Itoobiya in maanta si rasmiya loo bilaabay qabashada biyaha Wabiga Niil. Dad badan oo Itoobiyaan ah oo awal hore u arkayay inay riyo tahay oo howshan marnaba suurto gal ahayn ayaa maanta u riyaaqaya qabashada biya xidheenka. Mashruucan waxaa lacagtiisa bixiyay shacabka dalka Itoobiya oo lacag badan oo kamida waxaa qaab maal gashi ah u samaystay shaqaalaha rayidka ah. Waxaana loo tusay inay wadaniyadnimo ku jirto dhismaha biya xidheenkaas oo uusan ahayn kaliya qorshe dhaqaale balse ay ku jirto sumcada dalkaas Itoobiya.
Dhinaca kale Masar waxay biyaha Niil u lahaayeen dhaqan ahaan, taariikh ahaan, noloshuuduna ilaa kumanaan kun oo qarni waxay ku tiirsanayd biyahaas. Sidaas awgeed, waxay isasiinayeen in Niil uu yahay masar, Masarna ay Niill tahay. Shacabka ree masar waa ku adagtahay in noloshoodii laga af-qabto waxayna u arkaan difaaca biyaha Niil inuu muqadas yahay. Wasiirka Arrimaha Dibada dalka Masar ayaa Golaha amaanka ee Qaramada midoobay ku wargaliyay in Masar ay difaaci doonto Biyaha Niil hadii aan xal dagdaga loo helin.
Isku daygii ugu danbeeyay ee Masar rabtay inay ku baajiso khilaafka Wabiga Niil waxa uu ahaa isku day ay dalka Itoobiya ugu ban dhigayso inay shurako ku noqdaan Tabarta Nalka midaas oo ay rabtay in khilaafka labada dal lagu yareeyo.
Hada wado kale, oo u furan dalka Masar malaha aan ka ahayn inay qaadato waji daggaal oo ay kaga hor tagayso biyo xidheenkaas, waxa sidaas qoray Axmad Cabdow oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha bariga dhexe.
Biyo xidheenka ay Itoobiya ka samaysay wabiga Niil waxa uu soo bilwoday sanadkii 2011, waxuuna ku bilowday si qarsoon oo sir ah. Mudo dheer ayay Itoobiya qarinaysay inay shaaciso mashruuca biya xidheenka Abay ee hada loo yaqaano GERD. Mashruucan waxaa bilaabay Raysal-wasaare Malis Zenawi waxaana lagu beegay waqti dalka Masar ay ka jireen kacdoomadii Carabtu, taas oo u suurto galisay dalka Itoobiya in mashruucan ay bilaabaan iyaga oo aan iska caabin xoog badan kala kulmin dalka Masar mudadii uu bilowga ahaa mashruucan.