Afahayeenka wasaarada arrimaha Dibada dalka Itoobiya ayaa warbaahinta u sheegay in safaaradaha ajanabiga ah loo sii daayay adeega internetka, waxa uu intaas ku daray in wali bulshada rayidka ah aan loo fasixin adeega internetka.
Dowalda Itoobiya waxay cudur daar ka dhigatay in internetka arrimo la xidhiidha amniga dalka loo jaray adeega internetka.
Internet la’aantu waxay saamaysay diblomaasiyiintii ajanabiga ahaa ee ku sugnaa dalka Itoobiya, kuwaas oo waayay xogihii iyo wararkii ay dalalkooda isdhaafsan jireen. Sidoo kale waxa saamayn wayn uu ku yeeshay ganacsatada dalka Itoobiya oo ganacsigodu inbadan oo kamida ku xidhnaa adeega internetka.
Internetka ayaa laga jaray dalka Itoobiya kadib markii la dilay fanaankii caanka ahaa ee Huchaale, dilkaas oo raysal wasaaraha dalka Itoobiya ku eedeeyay inay ka danbayeen xoogag shisheeya, isagoo eeda saaray dalka Masar oo dhowaantan xurguf la xidhiidha Biya xidheenka GERD labada dali isku maandhaafsanyihiin.
Khilaafka Biyo xidheenka Blue Nile
Gudida wadahadalka iyo dhexdhexaadinta Itoobiya iyo Masar ayaa isugu yimid kulan ay ku qabsadeen qadka isgaadhsiinta teleefanka. Kulankaas oo guul-darro ku soo dhamaaday waxa uu socday mudo 7 maalmood ah, waxaana qadka kula jiray goob joogayaal ka socda dunida gaar ahaan dalka USA, Midowga Yurub, Koonfur Afrika, iyo gudiyo kale oo ka socday haayadaha Midowga Afrika.
Wasiirka waraabka iyo beeraha dalka Masar ayaa sheegay in wali labada dowladood kukala qaybsanyihiin sidii biyo xidhdeenkaas loo howlgalin lahaa. Masar waxay dalka Itoobiya ku eedaysay inay wali ku dhagantahay qorshahoodii hore u dajisnaa inay ku howlgayaan taaso adkaysay in isfahan ka dhasho wadahadaladan bilowday Jimcihii lasoo dhaafay.
Dowlada Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay biyo xidheenka oo dhismihiisu soo bilowday 2011 ay ugu danbayn 2 todobaaad gudahood ku buuxin doonaan biyo qabadkiisa. Itoobiya ayaa rabta inay ka faaidaysato roobabka la filayo inay ka da’aan dalka Itoobiya si ay u hesho biyo ku filan oo buuxiya dhaamka lagu kaydinayo biyaha.