Dhimasho 166, dhaawac badan iyo tiro kuna oo xabsiyada Itoobiya loo taxaabay

Waxaa lagu soo waramayaa, in dad kor u dhaafaya 166 qof ay ku dhinteen rabshadihii ka dhashay dilkii fanaanka caanka ahaa ee lagu magacaabi jiray Haacaaluu Hundeesaa oo u dhashay Qowmiyada Oromada. Fanaanka waxaa lagu dilay magaalada Addis Ababa habeenimadii Isniinta, halkaas oo koox hubaysan dilkaas gaysteen.

Wararka rasmiga ah ee laga helayo saraakiisha amaanka ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dad kor u dhaafaya 1,000 qof in loo taxaabay xabsiyada dowlada. Dadka la xidhay waxaa kamida siyaasiyiin maqaam sare ku leh Qowmiyada Oromada, gaar ahaan Jawaar, oo lagu aqoonsan og yahay inuu ahaa aasaasihii wakaalada warbaahineed ee Oromo Media Network, gudoomiyihii dhalinyaradii kacaanka ee QEERO ee Qawmiyada Oromada iyo Xubin kamida Masuuliyiinta Xisbiga OFC. Sidookale Waxaa Xabsiga lootaxaabay masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga OLF iyo ninka xagjirka Axmaarada unadooda xuquuqda Qowmiyada Axmaarada.

Fanaanka waxaa lagu aasay magaalada Ambo, oo ah goobtii uu ku dhashay, islamarkaasna ay ku sugnaayeen qoyskiisa iyo ehaladiisuba. Aaska fanaanka waxaa ka dhashay khilaaf siyaasadeed, waxaa lagu eedeeyay maamulka Dowlada Itoobiya inay ka hor yimaadeen in fanaanka lagu aaso magaalada Addis Ababa. Sidoo kale waxaa laga hor istaagay boqolaal qof oo rabay inay ka qayb galaan aaska fanaanka, oo ka qabsoomay magaalada Ambo maalinimadii khamiista.

Khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay dilka iyo aaska abwaanka ayaa abuuray khasaare isugu jira naf, dhaawac, xidhay iyo hanti badan oo ku burburtay. Dadka darsa siyaasada dalka Itoobiya ayaa ku tilmaamay in kacdoon cusub oo siyaasadeed oo lagu diidanyahay dowlada ka arrimisa Itoobiya inuu dilkan argagaxa abuuray u horseedi karo.

Dhinaca kale Raysal wasaaraha dalka Itoobiya oo si toosa looga daawaday TV-ga qaranka Itoobiya, waxa uu sheegay, in lagu guulaystay ka hortaga xoogag rabay inay qorsheeyaan daggaal sokeeye sidii uu uga dhici lahaa dalka Itoobiya. waxa uuna mahad badan u jeediyay saraakiisha amaanka oo uu ku tilmaamay inay shaqo wanaagsan qabteen oo xilkoodi si dhaba u guteen.

Raysal wasaarahu, tilmaamo isaga oo ka bixinaya qaabka loo qorsheeyay kacdoonkan, waxa uu sheegay in sida riwaayadaha la jilo oo kale ay lahayd jilayaal iyo soosaare intaba, u jeedada ugu wayn ee laga lahaana waxay ahayd sidii daggaal sokeeye looga qarxin lahaa dalka Itoobiya.

Aragtida ururada Mucaaradka

Ururada mucaaradka ee ka jira dalka sida Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (ONLF) iyo ururka Sidama National Liberation Front (SNLF), ayaa kasoo saaray bayaamo ay ugu tacsiyaynayaan qoyskii uu ka baxay abwaanka caanka ah ee la dilay.

Ururka SNLF waxa uu ku eedeeyay dowlada Itoobiya, halkii ay baadi goobi lahaayeen dadkii gaystay dilka foosha xun ee loogaystay Abwaanka u dhashay qowmiyada Oromada, in dowlada Itoobiya ay ku gadooday la daggaalanka iyo xidhayga bulshada Oromada ah iyo siyaasiyiintooda. Waxayna dowlada ugu baaqeen inay sida ugu dhaqsaha badan cadaalada u horkeenaan cidii dishay Abwaanka. Waxa kale oo ay ugu baaqeen inay ka joojiyaan tacadiyada loo gaysanayo dadka dibad baxyada sameeyay ee dareenkooda muujinaya, la xidhiidha dilka abwaanka loo gaystay.

Dhinaca kale ururka ONLF ayaa bartiisa twitterka kusoosaaray, baaq ay u jeediyeen shucuubta Itoobiya sidii ay uga baaqan lahaayeen dhibaato hor leh oo ka dhacda dalka Itoobiya. Urruka ayaa ugu baaqay dadka mudaharaadaya inay si nabad galyo ah ku muujiyaan tabashadooda.

Haayadaha xuquuqul insaanka ee caalamka ka jira ayaa sidoo kale ugu baaqay dowlada Itoobiya inay fuliso baadhitaan madax banaan oo loogu raadinayo cadaalad Abwaan Haacaaluu Hundeessaa. Haayada Amnesty International ayaa sheegtay inaysan illaa hada haynin xog dhaba dadka ku dhintay rabshadahaas iyaga oo sabab uga dhigay isgaadhsiinta ay dowlada Itoobiya ka jartay dalka.

Waxii faah faahina ee la xidhiidha Dilka Haacaaluu Hundeessaa iyo kacdoonada Itoobiya kasocda, kala soco Barta Ogaden Online.