Dhinaca taban ee wajaale iyo Baraarug La’aanta DDS.
Qalinkii – Abdisatar Ahmed salaat
Maanta soo ma joogno maalintii aan dalban lahayn xaqeena inagoo isticmaalayna Qalinkeena ?
Arrin kasta waxay leedahay waqti uu haboonyahay ka hadalkeeda anigana waxaan maanta is-tusay inaan ka hadlo tuulada yar ee dhaqaale ahaan u gumaysata dalkeena iyo dadkeena oo dhan:Wajaale waa xarun dhaqaala burburin ku haysa bulshadeena oo kasoo kabanaysa dhibaatooyinkii soo maray oo wada danyar ah gumaysiguna kala dagaallamay dhaqaalaha, waa tuulo uu macmiil ka yahay qofkasta oo deegaankeena soomaalida u dhashay oo shilinkiisa u geeya kali ah inuu kasoo guto adeeg maalmeedkiisa kana soo adeegto Qof aan dalkeena canshuur bixiye ka ahayn mushaarna aan siinin muwaadin-keen ah, waa tuulo ka dhigtay dhammaan muwaadiniinteena jeeblaha dhibanayaasha u ah hay’adda canshuurta dowladda itoobiya, waa xarun aysan wax hanti ah ku lahayn dadka u dhashay deegaankeena oo ay ka macaashaan maamulka iyo muwaadiniinta Somaliland oo kali ah inagana aan nahay kuwa jeebkooda lagu xisaabtamayo ee aan wax badal ah helin.
Xarunta Ganacsi ee Wajaale
Maamulka magaalada wajaale oo dhaca bariga gobolka faafan waxaa sanadihii 2004/5 loo asteeyay inay noqoto xarun ganacsi oo isku xidha Deegaanka soomaalida iyo soomaalida woqooyi (Somaliland). hindisahii dowladda ee isku xidhka wuu hirgalay, haseyeeshee maadaama uu deegaanka soomaalidu xilligaas dagaal kula jiray arxanlaawayaashii tigreega muusan ka faaiidaysanin fursadda ganacsi ee xilligaa taagnayd waxayna fursadii ay gaar u noqotay gamacsatada reer Somaliland oo iyagu isku gaar yeelay xaruntii ganacsiga wajaale, hadday noqoto Kuwa dibada wax kasoo dajiya ee dakadda Berbera keena iyo ilaa kuwa tafaariiqleeyda ah ee magaalada wajaale wax ku gata waxay wada noqdeen Reer somaliland, dhinaca deegaankana waxay wajaale ka noqdeen macaamiil uun lacagta geeya oo kali ah.
Arrinta noocaas ah ee hal dhinac faa’iidada siinaysa majiro dunida qoom aqbala ama ogolaanaya oo dhaqaalahoodii cidkale oon abaal ooga haynin gacanta u galiya, anaguna masuuliyadda shacabka naga saran cidkale ma amaahinayno, sidaa daraadeed dhamaan dhalinyarada, aqoonyahanka, ganacsatada iyo cidkasta oo xanbaarsan aragti umadeed oo mustaqbal wanaagan leh waa inaan arrintaas dib ooga fikirnaa una wada raadinnaa ganacsi ay si siman labada bulsho ooga wada faa’iidaystaan oo ayna hal daan jeebka u buuxsanin daanta kalena aan sabool laga dhigin.
• Aniga ahaan aragtidayda Habka looga wada faa’iidaysan karo waxay noqon
kartaa sidan:
1. In aan balaadhino ganacsiga aan la leenahay soomaalida sida Somaliland (Berbera), Puntland (Boosaaso & Garacad) iyo Galmudug (hobyo)
2. in xarunta canshuur qaadista wajaale loosoo raro gudaha gobolka faafan oo waliba suuqa laga dhigo gudaha magaalada Jigjiga, Islamarkaana dadka jigjiga ay joojiyaan inay u adeeg tagaan dukaanada wajaale iyo hargeysa.
3. In xarun kale oo ganacsi oo cusub laga furo gudaha magaalada Godey.
4. Si dhaqaalaha shacabkeena ee mustaqbalku u dhismo waa In ganacsatada soomaalida deegaanka lagu dhiiragaliyo inay maalgashadaan dekedda magaalada garacad ee puntland dowladda ismaamulka dowlad deegaankuna ka shaqayso damaanad u helidda xoolaha muwaadiniinta ka galaya Garacad.
5. Xarunta Jigjiga waxay sahli doontaa in dadka magaalada iyo gobolkaba ka faa’iidaystaan fursada ganacsiga islamarkaana ay u suuqgeeyaan badeecadooda deegaanada dariska ah ee HARAR & OROMIA.
6. Xarunta magaalada Godey waxaa laga suuq gayn doonaa ganacsiga
ka imaanaya dekedda cusub ee Garacad.
Haddii ay xukuumaddeenu tallaabooyinkaas qaado waxaa dhismaya dhaqaalaha shacabka waxaana yaraanaya sicir bararka wajaale waxaa sidookale xoogaysanaya xidhiidhka shacabka iyo dowladda.
Shacaboow maxaa adiga kula quman ?
Allaa mahad leh.
Qodobka xiga waxaan ku eegi doonnaa in sha Allahu muhiimadda ay shacabkeenna u leedahay tabcashada beeraha iyo wax soosaarka gudaha.
• Abdisatar Ahmed salaat
• Satar_02@gmail.com
Qoraalkan waxa uu gaar u yahay qoraaga. Waxii fariin ama su’aal ah ugu haggaaaji Email-kiisa kor kaaga muuqda.